BBC, ayaa qortay in burcad badeedu a badaha caalamiga ihi ku weerartay markab kale oo laga leeyahay dalka Thailand, balse uu xoog kaga baxsaday burcad badeeda.
BBC, ayaa waxay kaloo tebisay in markabka watay Calanka Iran ay la socdeen 15 shaqaale, oo dhammaantoodu u dhashay Pakistan.
Wararka waxay intaa ku darayaan in markabka u gacan-galay burcad badeeda loola soo dhaqaaqay Xeebaha Somaliya, balse lama garanaayo halka uu fadhigoodu yahay kooxdaasi.
Maraakiibta shisheeye ee ku sugan Xeebaha Somaliya, ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u soo furan lahaayen markabka u gacan-galay kooxaha burcad badeeda Somalida.
Burcad badeeda Somalida oo si layaab leh ku qabsaday markab watay Calanka Iran
Kooxaha burcad badeeda Somalida, ayaa waxay gacanta ku dhigeen markab watay Calanka Wadanka Iran, ka dib markii ay ku weerareen badaha caalamiga ah. Markabkan waxaa laga soo qafaashay meelo ka fog Xeebaha Somaliya.