Michael Keating oo loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya
Michael Keating oo muddo dheer la soo shaqeeyay Qaramada Midoobe, ayaa waxaa lagu tilmaamaa nin aqoon badan u leh taageerada siyaasadda iyo xilliga kala guurka.
Wuxuu horey uu Qaramada Midoobe kaga soo shaqeeyay Wadamada Pakistan, Afghanistan, Malawi & Israel, waxaana loo arkaa mid buuxin kara booska uu baneynaayo Nicholas Kay, oo qudhiisa u dhashay Britain.
Mr. Keating, ayaa shaqada ugu weyn ee hortaala waxay tahay dhameystirka Dastuurka qabyo qoraalka Somaliya iyo sidii uu Somaliya ugu hogaamin lahaa doorasho ka dhacda 2016.
Is bedelka lagu sameeyay Hogaanka Xafiiska UNSOM, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, iyadoo uu waqti badan ku lumay xal ka gaaridda halkii lagu qaban lahaa Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.
Si kastaba ha-ahaatee daba-yaaqada bisha soo socoto ee December, ayaa waxaa lagu wadaa in ninkani uu la wareego Xafiiska Qaramada Midoobe Ee Magaalada Muqdisho. Diblomaasigan ayaa ku dhashay Magaalada Kampala (1959-kii), wuxuuna wax ku soo bartay Magaalada London.
Michael Keating oo loo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya
Michael Keating oo ah diblomaasi u dhashay dalka Britain, ayaa waxaa loo magacaabay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobe ee u qaabilsan arrimaha Somaliya.