Isbadal kooban oo lagu sameeyey Golaha Wasiirada ee Xukuumada
War-Saxaafadeed
Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya.
Digreetadan ayaa waxaa saxaafada u aqriyay Agaasimaha Warfaafinta iyo
Xiriirka ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xarbi Cali Kullane.
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM
Waxaa xilka qaadistan iyo magacaabida lagu sameeyey qaar kamid Golaha
Wasiiradda ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya aqbalay Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Laga
qaadey Mudane Cabdiraxman Cabdi Cusmaan, waxaana xilkaas loo magacaabey
Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda
Ganacsiga & Warshadaha.
Sidokale, Waxaa xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha laga qaadey Mudane, Maxamed Xasan Aaden (Shaahiyow) waxaana xilkaas loo magacaabey Mudane Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Korontoda iyo Biyaha.
----DHAMMAAD----
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM
Isbadal kooban oo lagu sameeyey Golaha Wasiirada ee Xukuumada
War-Saxaafadeed Waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Waxaana Dikreetadan ku xusan isbadal kooban iyo xilka-qaadis lagu sameeyey qaar ka mid ah Golaha Wasiir