Baarlamaanka Dalka Oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye
marxaldooyinkii kale duwanaa ee loogu talo galay in ay maraan sharciyada
ka gudbaya baarlamaanka, waxaana u codeeyay sharcigani codeyn gacan
taag ku ogolaatay 143 Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday halka 3
kalena waa ay ka aamuseen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha
shacbaka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir
guddoominayay shirkii maanta.
Afhayeenka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku hadlayay magaca guddoonka iyo kan xildhibaanadda ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Safiirka Soomaaliya ee u fadhiyay dalka Masar iyo suldaan ka mid ahaa isimadii soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka ee hadda jira oo isaguna geeriyooday kaasi oo lagu magacaabi jiray Suldaan C/llaahi Kibaar Faarax, waxaana uu ilaah uga baryay labadaasi marxuum in naxariistee eebe uu siiyo Qabrigana uu ilaah u nuuriyo.
Ugu dambeyn, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddigii xaqiiqo raadinta ahaa ee dhawaan soo kormeeray xuduudda ay Kenya iyo Soomaaliya wadaagaan ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda ka jirta xuduudda.
Baarlamaanka Dalka Oo Ansixiyay Sharciga Maalgashiga Shisheeye
Kulanka baarlamaanka ee maanta waxa ay xildhibaanadu guda galeen u codeynta hindise sharciyeedka maalgashiga Shisheeye oo soo maray