Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo maanta gaaray magaalada Kismaayo (Sawirro)
Waxaa uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidankii soo dhoweeyey, waxaana arrimaha ay magaaladaasi u tageen qeyb ka ah horumarinta ciidamada Xoogga dalka iyo dar dar galinta howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa loo gelbiyay Madaxtooyada Kismaayo, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Sidoo kale Taliyaha ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadam ayaa kormeer ku sameeyay gaadiid cusub oo dhowaan loo keenay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee qeybta 43-aad.
Waxaa uu Taliyaha sheegay in gaadiidkan ay qayb ka qaadan horumarinta dhismaha Ciidamadda Xoogga dalka, isagoo ku boggaadiyey saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka sida ay uga go’an tahay in la dhiso Ciidan Qaran oo Soomaali oo dhan ka kooban.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo maanta gaaray magaalada Kismaayo (Sawirro)
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Maxamed Aadan Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka, AMISOM iyo mas'uuliyiin ka tirsan Jubbaland.