Boqolaal ruux oo Kenyan ah oo ku xaniban xadka Kenya iyo Itoobiyo ay wadaagaan
Dadka deegaanka ayaa ku soo waramay in meelaha xadka laga xiray ay ka mid yihiin magaalooyinka Moyale, Sololo, Forolle, Dukana iyo illeret, kuwaas oo xiran ilaa gelinkii dambe ee maalintii Jimcaha aheyd.
Dadka ay saameynta ugu badan ka soo gaartay xiritaanka Soohdinta ayaa ah ganacsatada iibisa xoolaha nool, waxaana isa soo tareysa cabashada ay arintaan ka muujinayaan.
Xiisadaan ayaa ka dambeysay markii ay maalintii Jimcaha rasaas xoogan is weydaarsadeen Booliska Kenya iyo ciidamada Itoobiyo oo soo galay xadka magaalada Anona iyo qeybo ka mid ah magaalada Sololo ee Countiga Marsabit.
Is rasaaseyntaasi ayaa waxaa ku dhintay 3 askari oo ka tirsan Booliska Kenya iyo 4 askari oo dhinaca Itoobiyo ah.
Ciidamada Milatariga Ethiopia ayaa xadka usoo tallaabay iyagoo baacsanayay maleyshiyaadka kooxda fallaagada ah ee OLF, ee ka dagaalama gudaha dalka Itoobiyo.
Boqolaal ruux oo Kenyan ah oo ku xaniban xadka Kenya iyo Itoobiyo ay wadaagaan
Dad badan oo Kenyan ah ayaa ku xaniban xadka Kenya iyo Itoobiyo ay wadaagaan, kadib markii Jimcihii la soo dhaafay Askar ka tirsan Dowladda Itoobiyo ay dileen saddex Askari oo Kenyan ah, xiisad ka dhalatay arintaasi ayaa loo xiray xadka Kenya iyo It