
Puntland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Galmudug
Waxa uu sheegay cida ka socota Galmudug ee dhanka wada hadalka iyo nabadda u timaada inay gacmo furan ku soo dhaweynayaan, balse Maamulka Puntland uusan u dulqaadaneyn in lagu gardaroodo sida uu yiri.
"Puntland waxa ay diyaar u tahay in ay la hadasho Maamulka Galmudug oo Puntland waligeed ma raadin Colaad Nabadda ayey ka shaqeysaa.”ayuu yiri Soo cadde.
Dagaalkii shalay, ayaa ka dhashay dhismaha wado laami ah oo Puntland ay dooneysay in ay ka dhisto Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, xilli Maamulka Galmudug uu si buuxdo kaga arrimiyo.
Ciidanka Galmudug oo is hortaag ku sameeyay dhismahaasi, ayaa waxaa daqiiqado ka dib soo weeraray Ciidanka Puntland. Dagaalka ayaa sababay dhimashada 7 qof iyo dhaawaca in ka badan 50 qof.
Isbitaalka Waqooyiga Gaalkacyo, ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada 43 qof, halka Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo la dhigay dhaawacyada 10 kale. Galmudug waxay qabatay laba ka tirsan Ciidanka Puntland oo dagaalka ku dhaawacmay.
Puntland oo sheegtay inay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Galmudug
Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan Maamulka jaarka ay yihiin ee Galmudug oo shalay ciidamo labo dhinac kala taabacsan ay ku dagaalameen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.