WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA JUUN 2017-KA

0
Tuesday June 06, 2017 - 09:51:37 in Wararka by
  • Visits: 786
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 6-DA JUUN 2017-KA

    RA'IISUL WASAARE KU XIGEENKA OO LA KULMAY MADAX KA SOCOTAY UNDP. R/Wasaare ku xigeenka XFS Md.Mahdi Maxamed Guleed ayaa kulan la yeeshay Madax ka tirsan Bar naamijka Horumarinta ee QM.(UNDP),waxana ay ka wada hadle en sidii dawladda gacan loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

RA'IISUL WASAARE KU XIGEENKA OO LA KULMAY MADAX KA SOCOTAY UNDP. R/Wasaare ku xigeenka XFS Md.Mahdi Maxamed Guleed ayaa kulan la yeeshay Madax ka tirsan Bar naamijka Horumarinta ee QM.(UNDP),waxana ay ka wada hadle en sidii dawladda gacan looga siin lahaa la dagaalanka Muqusmaasuqa iyo sidii Ci idanka Booliska looga caawin lahaa taba barada iyo qalabka ay u baahan yihiin.

Md.Mahad ayaa sheegay in DFS, muhim adda 1aad ay siineyso baahinta adeegya da aasaasiga ee bulshada, isla markaana ay la dagaalamayso musuqa, loona baah an yahay in laga taageero dawladda wax walba oo ay ku xakameyn karto.

"Waxyaabaha muhiimadda inoo leh wa xaa ka mid ah inaan la dagaalano musuqmaasuqa oo mudnaan sare u leh dawla da, Dagaalka aan kula jirno waa mid u baahan guud ahaan hay’adaha gaca nta na siiya in kaalin mug leh ay ka qaata an.”ayuu yiri R.Wasaare ku xigeenka.

Sidoo kale, waxa arrimaha shirka loo ga hadlay ka mid ahaa in gacan laga siiyo tababarka iyo qala baka ay u baahan yihiin ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si door kooda ay uga qaataan dhismaha bul sho hufan oo sharcigu hago.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay, Wasiirka Caddaaladda, Xeer Ilaaliyaha gu ud ee Qaranka, Sara akiil ka socotay Ciid anka Booliska iyo Xafiiska R/Wasaaraha.DHAMMAAD

BUUBAA:"ANNA WAAN KU DHOOFAYAA PAASABOORKA SOMALIYA, ADNA WAAN KU DIIDAYAA…???”,

Xukuumadda Somaliland ayaa is hor‐istaagtay inuu ka dhoofo M/Hargeysa ee Caasimadda Maamul kaas siyaasiga wayn ee Ismaaciil Hurre Buubaa Oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo hadd ana ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee waddani.

Siyaasiga wayn ee Ismaaciil Hure Buu baa ayaa ku wajahnaa M/Neyroobi ee Caasimadda Kenya, balse waxaa arintaan ka hor istaagay ciidanka Laanta Socdaal ku ee garoonka Hargeysa oo u diideen inuu dalka ka baxo.

Siyaasi Buubaa oo warbaahinta la had lay markii sidaas lagula kacay ayaa shee gay mid jid‐gooyo ah oo aan la aqbali Kar in madaama oo aannu illaa hadda garana yn sabab loogu diido inuu dalka ka dhoofo. ”Waxa aan u arkaa arinkaasi mid jid ‐gooyo ah oon aan aad uga xummay, maanat aroorti wa xaana doonayay inaan dalka ka dhoofo aniga oo ku sii jeeda M/Nayroobi oo hawlo aniga ii gaar ah aan u tagayay,waxaanan leeyahay arrintaasi waa mid aan munaasib ahayn inay In hor istagaan ciidanka la anta socdaalka ee ma daarka Hargeysa”,sidaas ayaa uu yiri ismaaciil hurre buubaa Sidoo kale Ismaa ciil Hure Buubaaayaa sheegay in masuul iyiinta Somaliland dha mmaantood ay sit aan baasaaboorka somaliya dalkana dha mmaantooda kaga dho ofaan.wuxuu su’ aal dul dhigay in isag loo diido inuu ku dho ofo taasina ay tahay mid jidgooyo ah

FARMAAJO OO BAAJIYAY CASUUMAAD UU KA HELAY DOWLADDA TALYAANIGA

ilo lagu kalsoonan karo ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/l aahi Maxamed (Far maajo) uu baajiyay Casuumadd ugu timid dowladda dalka talyaaniga. Casuumadda ka timid dowla dda Talyaaniga ayaa Madaxweyne Farma ajo lasoo gaarsiiyay isbuucaan gudihiisa waxaa la xaqiijiyay in madaxweynah uu ka cudurdaartay in uu tago M/Roma ee dalka talyaaniga.

Safiirka talyaaniga ee Soomaliya ayaa soo gaarsiiyay madaxweynaha Soomaliya Casuumadda bal se lama oga sababta ka dambeysa inuu Madaxweyne Farmaajo uu ka cudurdaarto tagista dalka Talya ani ga. Dowlada Talyaaniga ayaa ka mid ah dowladaha garabtaagan Somaliya, wax aana xusid mud an in isgarabtaagidda uu ku kooban yahay tayeynta ciidamada iyo bixinta gaadiidka loogu talo galay cii damada.

Waxaa suuragal ah in Madaxweynaha uu is raaciyo casuumadaha kaga imaaday dalalka Masar iyo Talyaaniga, maadaama safaradii hore ay qaaten inta badan wakht igiisa. Xiasho:Simbanews.net

WARBIXIN RAGGII KA DANBE EYAY DILKII WASIIR CABBAAS OO MAXKAMAD LA HORKEENAY

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa shalay la hor keenay Axmed Ca bdullaahi Cabdi Ceydiid iyo Cismaan Salaad Barre oo loo heysto inay ka danbeeyeen dilkii Wasiirkii howlga ha guud iyo dibudhiska Cabbaas Siraaji 03, May ee sanadkan xili habeennimo ah lagu toogtay meelaan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Sooomaaliya.

Ragga shalay maxkamada ka soo hor muuqday ayaa ka mid ahaa ilaalada gaar ka ah ee Hanti dhowrkii guud ee Qaran Dr. Nuur Faarax oo markii danbe xilkiisa ku waayay dilka wasiirka oo lagu eedeey ay in ilaaladiisa ay ka danbeeyeen.

Maxkamada ciidamada ayaa siddoo ka le waxaa shalay la horkeenay saraakiil ka tirsan ciidamada ilaallada madaxtooyada oo habeenkii dilka dhacayay shaqada ku ji ray iyo sidoo kale saraakiil ka tirsan Laanta danbi baarista kuwaa oo wax laga weediinayay sida uu dilka u dhacay. Dood dheer iyo Su’aalo is weydiin ka dib ayaa garsoorka maxkamada ciidama da qalabka sida waxaa ay xeer ilaalinta ka dalbadeen in ay keenaan cadeymo dheeri ah, sidoo kale qarreenada difaacayay ee deysanayaasha loo heysto kiiska dilka ah ayaa iyagana codsaday in maxkamadda dib loogu dhigo.

Guddoomiyaha Maxkamadda darrajada 1aad ee CQS G/le Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in maxkamadda xirantahay, islamarkaana dib la isu gu soo laaban doono marka ay kee naan xeer ilaalitana cadeymo ku filan kiiska loo heysto eedeysanayaasha Shalay ka soo hor muuqday Maxkamadda ciidamada qal abka sida. Dilkii wasiir Cabbaas Siraaj ay aa dood adag ka dhax abuuray DFS, kad ib markii golaha wasiirada maalmo uun ka dib kul an deg deg ah oo ay yeesheen xil kii kaga qaadeen hantidhowrkii guud ee Qaranka Dr.Nuur Faarax oo laakiin dhinac iisa ku gacan seyray xilka qaadista lagu sameeyay isaga oo ku sheegay inaan loo marin dariiqii sharciga ahaa, ballse ware egto ka soo baxday madaxweyne Farma ajo ayaa lagu xoojiyay go’aankii golaha wasiirada ee uu xilka ku waayay Hantidhowrka.

SHIRKADA DIYAARADA QATAR AIRWAYS OO LAGA MAMNUUCAY SACUDI CARABIYA IYO MASAR

Shirkadaha diyaaradaha ee dalka Qadar ayaa laga mamnuucay wadamada Sacudi Carabiya iyo Ma sar inay duulimaadyo ku tagaan ama dul haadaan hawada wad amadaas. Arrintan ayaa imaanaysa iya doo dhowr waddan ay xiriirka u jareen dal ka Qadar iyadoo xiriirkii ay kala lahaayeen dhulka,hawada iyo baddaba ay jareen wa damada Saudi Arabia,UAE,Egypt iyo Bahr ain. Wadamadan ayaa ku eed eeyay dalka Qadar inay taageerto ururada argagaxisa da oo uu ururka IS ka mid yahay,hase ye eshee dowlada Qadar ayaa beenisay inay wax xiriir ah la leedahay ururada lagu tilm aamo inay yihiin argaga xiso.

Hay’adaha u qaabilsan duulimaadyada dalka Sacudi Carabiya ayaa ka mamnuu cay in diyaaradaha dalka Qadar ay ku soo degtaan amaba ay dul haadaan hawada Sacudi Carabiya. Dowlada Masar ayaa si doo kale hawadeeda ka xirtay waddanka Qadar waxayna sheegtay in duulimaadya dii labadaas wad dan ay istaagi doonaan maanta oo Talaadada ah.

Sidoo kale subaxnimadanmmaanta ah ayaa la rajaynayaa in shirkado ay ka mid yihiin Bahrain’s Gu lf Air, Etihad Airways, Fly Dubai, Air Arabia iyo Emirates inay jo ojin doonaan duulimaadyadii ay ku tag aye en caasimada Qadar ee Doxa.

Warar ayaa sheegaya in muwaadiniinta dalka Qadar ay bilaabeen inay keydsada an cuntada iyo Biy aha oo boqolkiiba afart an ugaga iman jirey wadamada jaarka la ah ee hadda xiriirka u jaray.

SAAMEYNTA KA DHALAN KARTA XIRIIRKII LOO JARAY DOWLADDA QATAR 

(WARBIXIN)

Dalka Qatar ayaa mar ahaa wadanka u gu faqrisan wadam ada Khaliijka, balse Haatan wuxuu ugu horeeyaa kugu taajir san gobolka, walina wuxuu wadaa kobc intiisa dhanka dhaqaalaha.Waxaana dalk aasi uu ku tiirsan yahay dha qaalihii Shid aalka oo u iibge eyo wada mada gobolka iyo add uunka istiisa kale.

Lix wadan oo carab ah ayaa ku dhawa aqay inay xiriirka u jare en dowladda Qatar oo deris la ah Qaar kamid ah lix da wadd an ee ku dhawaaqay inay xiriirka u jareen, sabab la xiriirta inay taa geerto kooxaha ay ugu yeereen Argagixisada.

Dowladda Qatar ayaa iska diiday eede ynta kaga timid lixda asi wadan ee aheyd in ay taageerto kooxaha Alqaacida iyo Da acish, oo dagaalo ka wadda qaar kamid ah dalalka ku dhawaaq ay inay xiriirka u jareen. Wakaalada wararka Sacuudiga SPA ayaa baahisay in xuk uumada Riyadh ay xiratay xuduuda ay la wadaagto dalka Qatar, Dhanka dhulka, Badda iyo cirka.

Dalka Qatar ayaa qani ku ah soosaarista gaaska,waxaana uu u iib geeyaa dalal badan oo caalamka ah.

Go’aankaan kasoo baxay dalalka Sa cuu diga, Masar, Baxr eyn, Yemen , Imaar aat ka Carabta iyo Libya ayaa sababaya in ay kala furtaan dalalka ugu awooda bad an Khaliijka kuwaasi oo dhamaantood saaxibo dhow la ah Mareykanka.

Sac udiga ayaa sababta ugu weyn ee go’aankaasi uu u qaat ay ku sheegay inay tahay in Qatar ay taageerto ama wadasha qeyn ay kala dhaxeyso, kooxaha argagix isada.

YAA BILAABAY XIRIIR U JARIDDA QATAR ?

Dowladda Baxreyn ayaa marka hore waxay bilowday in dal keeda ay ka saarto diblumaasiyiinta u dhashay dalka Qatar, wax aana ku xigay Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar,Yemen iyo Libya.

Wakaalada Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in go’aankaasi loo qaatay sabab la xiriirta dhanka am aanka iyo qataro Arg agi xiso oo kaga imaan kara dalka Qatar, waxaana la siiyay muwaa diniinta reer Qatar inay labo todobaad kaga baxaan dalka Sac uudiga.

Dowladda Imaaraatka waxay dibluma asiy iinta reer Qatar u qabatay muddo 2 maalin ah inay isaga baxaan dalka Imaaraatka, maadaama si lamid ah Sacuudiga ay argagixiso ku eedeeyeen dalka Qatar.

Dhammaan diyaaradaha Imaaraatka ee kala ah UAE airlines Etihad Airways, Emir ates and Flydubai ayaa la sheegay inay joo jin doonaan duulimaadyadii ay ku tagi jireen dalka Qatar. Safar dhawaan ma daxweynaha Mareykanka uu ku tagay magaa lada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa wu xuu kaga dal baday wada mada Islaamka inay hogaamiyaan olole ka dhan ah Xagjir nimada, wuxuuna Iran ku eed eeyay inay qeyb ka tahay xasilooni darada bariga dhexe.

Marka aad si qoto dheer u eegto arintaan ayaa salka ku heysa danaha wadamada Khaliijka ay ka leeyihiin gobolka.

SAAMEYNTA DHAQAALAHA EE GO’AANKA WADAMADA CARABTA.

Waxaa hadda halis galaya ama saameyn ay kala kulmi doontaa dowladda Qatar dhanka cuntada, Duu limaadyada iyo kubb ada Cagta oo intaba saameyn doono go’a anka xiriirka loogu jaray.

Diyaaradaha Abu Dhabi, iyo Etihad ay aa joojinaya duulima adyadii ay ku tagi jire en Magaalada DOHA ee dalka Qatar, laga bilaabo maanta ah, waxaana maalin wal baa 2da diyaaradood ay tagi jire en M/ Do ha inka badan 10 jeer. Waxaa sidoo kale la joojin doonaa miisaaniyad shirkada Fly Dubai ee dalkaasi,sidoo kala waxaa joogs an doono duulimaadyada diyaaradaha, Bahr eyn,Gulf Air,Egypt air iyo duulima adyo kale. Waxaa khasaaraha ugu badan la kulmi doonto diyaaradda Qat ar ee uu ka dulban ayay calanka dalkaasi oo maalin walba ta gi jirtay magaalooyin ka Qaahira, Abu Dhabi, Riyadh iyo dalal kale. Dhanka dhism aha waxaa joogsan doono dhismaha Dekad Cusub, goob weyn oo Caafim aad, mashaariic kale oo ay ku jire en dhismayaasha 8 garoon kubba da cagta ah, oo loo qorshey nay ay ciyaar aha add uunka ee 2022 oo wadamada Khaliijka qaarkood ay ku lug lahaayeen.

Sabababta mashaariicdaasi qaarkood u jooganayaan ayaa ah inaysan heli doono Shubka iyo bir aha oo maraakiib looga kee ni jiray dalka Sacuudiga.

Bariiska iyo cuntooyin kale ayaa ka joo gsan doono Reer Qat ar, kuwaasi oo Sacu udiga ay ka iibsan jireen, waxayna ari mah aan oo dhan ka dhigayaan qatar dhanka nolosha ah.

Diyaaradaha Qatar markii hore waxay dalalka Qaarada yurub ku tagi jireen mud do lix saacadoo ah, balse haatan waxaa la shee gayaa inay ku qaadan doonto mud do sideed ilaa sagaal saac ah, maada ama loo diiday inay hawada waddamada xiriir ka u jaray qaarkood ay adeegsadaan. Soomaaliya dham maan dowladaha Xiri irka u jaray dowladd aa Qatar iyo dalka xirii rka loo jar ay ba xiriir ayaa kala dhax eeya, waxaana go’aanka dowla dda Soomaaliya qaadataa uu yeelan doonaan saameynti isa ga arka ah.

Tarjumaadii: Maxamed Cii se MaxamuudFacebook.com/mociise

 

INDONESIA OO MARKAB GARGAAR KU WAREE JISAY DOWLADDA SOOMAALIYA

Dowladda Indonesia ayaa gargaarkii ugu horeeyay oo ay ugu talo gashay dad ka abaaraha ku saameeyeen Soomaaliya ku wareejisay dowladda Soomaaliya. Wasaarada gargaarka Soo maaliya aya a la wareegtay deeqdaan ka timid dalka Indonesia, waxaana madaxda wasaar ada ay sheegeen in la gaarsiin doo no shacab ka Soomaaliyeed. Wasiirka wasaarada gargaarka Ma ryan Qaasim, ayaa she egtay inay uga mahad celineyso dowla dda Indonesia gargaarka ay usoo tirtay shac abka Soomaaliye ed, lana gaarsiin doono dadka xaqa u leh.Wasiir Maryam Qaa sim, ayaa deeqdaasi waxay si toos ah u gu war eejisay guddiga gurmadka abaaraha heer Qar an, waxayna sheegtay inay amm aano ku tahay gudigaasi. gudoomiyaha Hay’adda ICT ee dalka Indonesia Axyaa Wudiin oo Faahfaahin ka bixiyay deeqdaan ay aa waxaa uu shee gay in deeqdaan ay iska soo aruuriyeen Shac abka dalkaasi , isla markaana dowlad da Indonesia ay diyaar u tahay in ay labojiba arto Gargaarka ay siiso Soomaaliya.

MADAXWEYNE GAAS OO MAGACAABAY WASIIRRO, WASIIRO KUXIGEENO & WASIIRU DOWLAYAAL CUSUB

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay magacaabay Wasiirro, wasiirro kuxigeenno iyo Wasiiru dowlayaal.

1-Cabdiraxmaan Barkhad WarsameW/Warfaafinta, Hiddaha, Dhaqanka & Isgaarsiinta

2-Cabdikhadar Faarax ShaaciyeW/Wasaaradda Dibu dhiska & Horumarinta

3-Maxamuud Faarax Beeldaaje Wasiirudowlaha W/ Maaliyadda

4-Yaasiin Cabdi Seed –Wasiiru dowlaha Waxbarashada & Tacliinta Sare

5-Cabdirashiid Cali Geelle – Wasiirudowla ha Amniga

6-Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir kuxigeenka Maaliyadda

7-Cabdifitaax Xasan Xuseen (Waloore) – Wasiir kuxigeenka W/ Caafimaadka

8-Aamina Maxamed Cabdullaahi –Wasiir kuxigeenka W/Duulista Hawada & Garoomada

9-Cabdiweli Maxamed Yuusuf – Wasiir kuxigeenka Howlaha Guud, Guryeynta & Gaadiidka

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO KA MPALA KULA KULMAY DHIGIISA UGANDA

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee XFS Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yar iisow iyo wafdi uu hog aami nayo oo socdaal shaqo ku tegay M/ Kampala ee xarunta Dalka Uganda ay aa halkaasi kula kulmay Wasiirka Warfaafin ta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Ugan da Frank Tumw ebaze.

2da Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka 2da dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga tabbars iinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsa da an macluumaadka xagga wararka.

Wasiirka Warfaafinta, Isgaariinta iyo Teknoloojiyada ee Uganda Frank Tumw ebaze ayaa sheegay inuu aad ugu farax sanyahay kulanka uu la qaatay dhigiisa Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Uganda ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaa liya Eng, Cabdiraxma an Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay dhigiisa Uganda Mr Frank Tum webaze ay kaga wada hadleen arrimo ay ka midtahay xoojinta xiriirka labada Wasaar adood iyo sidii ay Wasaaradda Warfaafin ta Soomaaliya uga caawin lahaayeen xag ga tababbarada.

"Waxaan shalay dalka Uganda kula kul may Wasiirka Warfaafinta, teknoloojiyada ,waxaana isla gar anay in la xoojiyo xiriirka 2da dhinac, in ay tabbaro siiyaan shaqaa laha, waxaana isku afgaranay inaan kala saxiixano heshiisyo dhowr qodob ka koo ban oo ay kamidtahay inay naga caawiy aan dhanka aqoonta iyo Telefishinada Somaalida laga dhigo kuwa muuqaalkoda tayo leh oo meelkasta oo gudaha dalkana laga daawan karo” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Guuleystay xilka madaxtin imo ee dalka.

LABO KA MID AH RAGGII WEERARKA KA GEY STEY LONDON OO LA SHAACIYAY MAGACYADOODA

Booliska London oo soo bandhigay ma gacyada iyo sawirada 2 ka mid ah raggii weerarka ka geyst ey Buundada Lon don halkaa oo ay ku dhinteen 7 ruux 48 kalana ku dhaa wacmeen.

Kuram Butt oo 27 jir ah asalkiisuna yah ay Pakistan kuna noolaa Bariga London ayaa ka mid ahaa 3nin ee weerarka ku qa aday dad ku sugnaa agagaarka buu ndada London.

Sidoo kale Booliska ayaa waxa ay ku sheegeen qofka 2aad ee ka mid ahaa raggii la toogtay ee ka dambee yay weerarkii London Rachid Redouane oo 30 sano jir ahaa asalkiisuna yahay Moro ccanLibyan.

Hase yeeshee Booliska London ayaan weli soo bandhigin magaca iyo faahfaahin la xiriirta qofkii 3aad ee ka mid ahaa raggii weerarka ka geystey M/London habeena madii Sabtida ee aynu ka soo gudubnay.

Wararka ayaa waxa ayaa waxa ay sheeg ayaan in ay weli isbitaalada ku jiraan 36 ka mid ah dadkii dha awacyada ka soo ga artay weerarkii buundada London iya doo 18 kamid ahna ay xaaladoodu liidato.

XILDHIBAANO KA TIRSAN MAAMULKA GALM UDUG OO SAFAR AAN LA SHAACIN KU TAGAY DHUUSAMAREEB

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamul Goboleedka Galmudug ayaa ga aray M/dhuusa Ma e eb ee Xarunta G/Gal gaduud oo ay maamulaan Maamulka gob olada Dhexe ee Ahlusuna WalJamaaca ee ka soo horjeeda Siyaasada Maamulka Galmudug.

Xogta la helayo ayaa sheegeysa in Ujeedada ka dambeysa arintaani ay tahay inay Gogol xaar u noqdaan sidii wadaha dal loogu furi lahaa Madaxda Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna kaas oo dhaw aan fashilmay.

Xildhibaanada tagay M/dhuusaMareeb ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan ilaa 7 Xubnood kuwaas oo weli ku sugan Maga alada DhuusaMareeb iyadoo aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen Mada xda maamulka gobolada Dhexe oo DhuusaMareeb maamula.

Sababta ay ku tageen Dhuusamareeb Xildhibaanada ayaa ah mid adag balse wa xay illo Xog ogaal ah sheegayaan inay wax ka ogyihiin Madaxda ugu sareysa Ma amulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna WalJamaaca.

TURKEY OO MARKAB DAGAAL U SOO DIRAY XEEBAHA SOOMAALIYA

Dowladda Turkey ayaa Markab Dagaal u soo dirtay Gacanka Cadan iyo Nawaax iga Xeebaha Soo maaliya si uu uga qeyb qaato howlgalka la dagaalanka Burcadb adeeda Sooamalida.

Ilo ku dhow dhow Ciidamada Badda Tu rkey ayaa sheegay in Markab Dagaal oo nuuciisu yahay (TCG GRESUN) ay u soo dirtay dowladda Turkey Xeebaha Dalka Soomaaliya kaas oo u jeedkiisu yahay in uu la dagaalamo Kooxaha Burcadbadee da oo dhawaan weeraro ku qaaday Mara akiib siday Badeecooyin kala duwan oo marayay Xeebaha Soomaaliya gaar aha an Biyaha ku dhow gacanka Cadan.

Markabkaan ayaa waxaa la socda Ciid amo iyadoona ay saaran yihiin Saanado Dagaal oo loogu tala galay in lagu baacsa do Burcadbadeeda.

Wararka ayaa sheegaya in Markabkaan Dagaal uu ku xirtay Dekeddda Bahrain ka hor inta uusan u soo shiraacan Xeebaha Soomaaliya , waxaana howlgalkiisu socon doonaa muddo 6 Bilood iyo Bar oo soo so cota. Waxaana lagu wadaa in Markabka an uu ku laabto Dalka Turkey 10ka Bisha November ee sanadkaan.

WAFDI WASIIRO AH OO SOCDAAL KU TAGA YA DALKA SACUUDI ARABIA

M/Riyad ee Caasimadda dalka Sacuu diga waxaa ku wajahan dhawaan wafdi wasiiro oo ka tirsan XFS oo heshiisyo la soo saxiixan doono dhigooda dalkaas.

Wafdiga ayaa la sheegay inay ka koob an yihiin ilaa 10wasiir oo ka tirsan XFSoomaliya.

Socdaalka wasiiradan oo ay isku qabsa deen madaxtooyada iyo R/wasaaraha ay aa markii dambe heshiis laga gaaray iya doo wafdiga tiro badnidiisa uu ka hor yi mid Ra’iisal wasaare Kheyre.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo ayaa sheegay in DFS ay weydi isatay Boqortooyada Sacuudiga lacag dhan 4 Bilyan oo doolar, waxaana loo bed elay mashaariic laga fulinayo Soomaaliya, taasoo Sacuudigu ogolaaday, waxayna tani noqoneysaa taageeradii ugu weyneyd ee Sacuudigu sii nayo Soomaaliya.

MADAXWEEYNE FARMAAJO OO KISMAAYO KU WAJAHAN IYO WAFDI HORDHAC AH OO GAARAY MAGAALADA

Madaxweeynaha JFS Md/Max'ed C/l aahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maan ta ah uu gaaro M/Kismaayo, ayadoo ay Shalay Magaaladaasi tageen xubno ka tir san protocolka Madaxweeynaha iyo weliba ilaaladiisa gaarka ah. Magaalada Kis maayo ayaa laga dareem ayaa u diyaarga row loogu jiro soo dhaweynta madaxwee ynaha, ayadoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay isu diyaarin ayaan in ay Mad axweeynaha iyo wafdigii sa kusoo dhaw eeyaan Kismaayo.

Waxa ay noqoneysaa markii ugu hore eysay oo Madaxweeynaha yimaado Kis maayo tan iyo intii xil kaasi loo doortay, wa xayna arintan kusoo beegmeeysaa aya doo dowladda Soomaaliya ay wado qor shemideeysan oo guud ahaan dalka loo ga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Alshabaab.

M/Kismaay ayaa kamid ah degm ooy inka dalka ee sida weyn looga dabaald eg ay markii Madaxw eeyne Max'ed C/laahi Farmaajo.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO SAMEEYAY MAGACAABIS, XILKA QAADIS IYO ISKU BEDAL

WARSAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/2494828/062017 uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel ku sameeyey caawa oo ay taariikhdu tahay 06/05/2017, xubno ka mida xukuumaddiisa. Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Das tuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyi hiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaara dda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoon tiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday . Magacaabida iyo Isku bedelka Wasiiradda, Wasiir Ku xigeenada iyo Wasiirudawlayaa sha

1 In Mudane, Mustafe Faarax Abraar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In Mudane, Xasan Xuseen Nuur Geelle, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Kuxig eenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3- In Mudane, Cabdillaahi Aw Aadan Raabi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirudawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4- In Mudane, Axmed Cali Baynax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirudawlaha Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5- In Mudane, Axmed Aadan Ismaaciil (Keyse), uu ahaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda)

6- In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, uu ahaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta) 7

In Mudane, Axmed Xaashi Cabdi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Madaxtooyada JSL)

8- In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Kux igeenka Wasaaradda Madaxtooyada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiir Kuxigeenkii Wasaaradda Maaliyada)

9- In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirud awlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore Wasiirudawlihii Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta)

10- In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirudawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel hore Wasiir Ku xigeenkii Wasaaradda Wershadaha)

11- In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru dawlaha Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel hore wasiir ku xigeenkii wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga) Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

1- In Mudane, Jamaal Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In Mudane, Cabdikariim Xuseen Siciid, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Gu ud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technologyyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Magacaabida Hay’addaha Dawladda

1- In Mudane, Xuseen Maxamed Jaamac (Balal), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Kuxigeen ka Garyaqaanka Guud ee Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2- In Mudane, Dayib Aadan Xaaji Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Gudd ida Maamulwanaagga iyo Ladagaallanka Musuqmaasuqa ee JSL. Magacaabida Lataliye Madaxweyne

1- In Mudane, Maxamed Ismaaciil Cabdi (Xato), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciyaaraha. Magacaabida Wakiilka Somaliland ee Cuman iyo Kuwait

1- In Mudane, Salaan Xasan Cabdulle Warsame, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka Cumaan iyo Kuwait. Magacaabida Gudoomiyeyaasha Iyo Kuxigeenadda Gobolada

1- In Mudane, Axmed Diiriye Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daadmadheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland. 2 In Mudane, Cabdi Nuur Sugaal, laga bila abo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somal iland.

3- In Mudane, Nuur Qaasim Qodax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Kuxigeen ka Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. Ujeeddo: Xilka Qaadis Mudaneyaal, Waxaan aad idinka mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u hayseen. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad u hayseen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, mas uuliyiintaa aan u soo igmaday ee kor ku xusan.

Xilka Qaadis

1- Mudane, Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhs iinta,2 Mudane, Axmed Nuur Faahiye, Wasiirudawlihii Hore ee Wasaaradda Duulista Hawada

3- Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiir Kuxigeenkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka,4 Mudane, Farxaan Xasan Cabdi, Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daadmadheedh,5 Mudane, Ibraahim Jaamac Maxamed, Guddoomiye Kuxigeenkii Hore ee Gobolka Saraar

6- Mudane, Maxamed Cali Aadan, Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Ba adhista iyo Technologyadda

BOOLISKA AUSTRALIA OO TOOGASHO KU DILEY MUWAADIN SOOMAALIYEED

Booliska dalka Australia ayaa toogasho ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yacquub Kheyre oo lagu eedeeyay in uu Afduub u geystay qof dumar ah.

Sida ay xaqiijiyeen Warbaahinta dalkaasi ninkaan ayaa Afduubtay haweenay u dhalatay dal kaasi , waxaana xiriir ay lasoo sameysay ciidamada booliska ay u sheegtay in uu Afduubtay nin ka tirsan Kooxda Daacish.

Dagaal ayaa dhexmaray Ciidamada Booliska iyo sidoo kale ninka Soomaaliyeed oo la sheegay inuu hubeysana , waxaana uu dhaawac u geystay mid ka mid ah Askarta Booliska dalkaasi.

Ninkaan Soomaaliyeed oo la hadlay Eheladda Haweenayda la Afduubtay ayaa u sheegay in uu ka tirsan yahay Daacish.Kooxda Daacish ayaa sheegatay inay ka dambeeyeen afduubka waxana gar abka warbaahinta u qaabilsan ay sheegeen in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka Daacish.

RAMADAANKU WAA FURSADA 



CUMRIGA

(DERSIDA SIDEEDAAD)

Waxaa xiligaan oo kale muhiim ah in lala yimaado Sunadii Ictikaafka ee uu la imaan jiray Nabigeenii (N abad iyo Naxariis Korkiisa allaha yeelee) Ramadaan kasta marka uuu gaaro Tobanka dambe, wuxuuna fogaan jiray Mashaakilada kale ee Dunada, asagoo u gaar yeeli jiray waqtiga oo dhan Caibaadooyin lagu sameeyo Masjidka gudahiisa.

Ictikaafku waa Qalbiga oo loo jeediyo Xaga Rabi, lana macaansado Munaajaadkiisa, lana weheshado, waxaana arintaas lagu sameeyaa in Masaajidka aan marna laga Baixin, iyo in Cibaadada loo gaar no qdo oo aan faraha lala galin arimaha kale ee Aduunka.

Ibnu Cutheymiin (Allaha u Naxariistee) oo Ictikaafka macna ahaan Sheegayayna waxaa uu ku macneeyay: In uu Insaanka ka haro dadka kale, si uu ugu gaar noqdo Cibaadada Allaah (cw) asagoo gala Masjid Masaajida Illaah ka mid ah, asagoo ruuxa raadsanaayo Fadliga Illaah iyo Ajarkiisa, doona yana inuu haleelo Habeenka LeylatulQadriga.

Waxaa kaloo uu Sheekh Inbu Cutheymiin (Allaha u Naxariistee) hadalkaas sii raaciyay waxyaabaha looga baahan yahay ruuxa Ictikaafka Doonayo waxaa uuna yiri:Sidaa dartyeed waxaa u haboon ruuxa Ictikaafaya inuu ku Mashquulo Xuska Illaah, Qur’aan aqris, Salaad iyo Cibaado, waxaana looga baahan yahay inuu ka fogaado waxa aan macnaha laheyn ee Aduunka ee Sheekada Aduunka ka mid ka ah, dhibse malaha inuu waxoogaa kula sheekeysto xaaskiisa hadal banaan ama qof kale maslaxad darteed,.. waxaa una soo arooriyay Ibnu Cutheymiin Daliil ahaan Xadiiskii laga wariyay Hooyadii Mu’miniinta Safiya (Allaha ka Raali Noqdee) oo ay ku sheegatay in ay u timid Nabiga suuban oo ku jira meeshii uu ku Ictikaafayay xili habeen ah oo ay la shekeysatay, waxa ay tiri ka dibna waxaan doonay in aan u laabto Gurigeyga, Nabigaana isii raacay sagootin ahaan..

Marka Ictikaafka waxaa uu ka mid yahay sunooyinka looga baahan yahay Muslimiinta in ay la yim aadaan Bishaan Ramadaan Gaar ahaan Tobanka Dambe ee ka midka ah si fursad loogu helo Ciba adada Munaasabadan qaaliga darteed.

Ictikaafka waxaa uu Bilaawdaa marka ay bilaabato Tobanka dambe ee Ramadaan. waxaa uuna leeyahay Shuruudo laga maarmaan u ah inuu ilaaliyo ruuxa doonaya inuu Ictikaafo si uu uga Ansaxo waxaana ka mid ah:

1-Inuu Muslim yahay Ruuxa Ictikafaya, Gaal kama Ansaxo.

2Inuu Fiyoow yahay Caqli ahaan, kan waalan kama Ansaxo.

3- Qaangaar inuu yahay, Caruurta kama Ansaxo.

4- Waxaa looga baahan yahay Niyad inuu la yimaad ruuxa

Ictikaafaya(Inuu Niyeesto).

5-Daahirna waa inuu kayahay Xeyd (Caado) iyo Nifaas, waxaa ku waajibaya hadii Caadada ka Timaado gabadha in ay joojiso Ictikaafka kana baxdo Masjidka.

6- Meesha lagu Ictikaafayana waa in uu ahaado Masjid lagu Tukado Saalaadaha Jiimcada iyo Jam aacada.

Waxaa kaloo jira waxyaabo looga baahan yahay inuu ka Digtoonaado ruuxa Ictikaafaya oo Buriya, wax aana ka mid ah.

1- ( Jimaaca) taasoo loo la jeedo ruuxa inta uu ku jiro Ictikaafka ma taaban karo Xaaskiisa ama lama imaan karo waxyaabaha hor dhaca u ah Jimaaca Sida Taabashada Shahwada darateed ah ama Shumin.

2- Waxaa kaloo Buriya Ictikaafka in Masjidka laga wada baxo dan la’aan, hadiise jirka qaarkiis laga bix iyo Masjidka sida uu sameeyay Nabiga (Nabad galyo iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee) oo kale markii ay Caaisha u Dhaqeysay Timahiisa asagoo Ictikaafsan waa ay banan tahay.

3- Waxaa kaloo Buriya Ictikaafka Diinta in laga Baxo (Ridada) – illaah ayaan ka magan galeynaaye wa xaa kaloo Bura Camalkiisa oo dhan maa daama uu Ridoobay.

Sidaas oo kalana waxaa jira Aadaabo laga maar maan ah inuu ilaaliyo ruuxa Ict ikaafaya,.. qaarkoodna hore ayaan usoo sheegnay, waxaa kaloo ka mid in uu ru uxa ilaaliyo Nadaafada Masjidka, inuusan ka dhigan Ictikaafka miduu uga faaiideys to Saaxiibo la sheekeysi, waxaa kaloo ka mid ah ruuxa inuusan dayacin Ehelkiisa maalmaha uu ku jiro ictikaafka oo uusan dhigin Masruuf la’aan

Hadaba waxaan kusoo gabagabeynayaa walaal walba oo Muslim ah inuu isku dayo inuu soo nool eeyo Sunadaas laga tagay ee Ictikaafka isla markaana nafteena ku tarbiyeeyno ku dayashada Nabige ebnii Suubanaa, ugana dayanaa wax walba oo aan Cibaado ahaan u sameyneyno.

WAXAA DIYAARIYAY CALINUUR XOOGSADE CALIXOOGSADE@HOTMAIL.COM

WARGELIN:

Maamulka Wargeyskan wuxuu ku leeyahay {Walaal Alle Haku Xafidee Meel Xafidan Dhig Macluulaamdka Diiniga Ah Ee Qoraalkaan Ku yaala ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee kor yeel kana ilaa li meelah wasaqda iyo Najaasada ah Alle haku Barakeeye …Wabilaahi Towfiiq

DOWLADDA FEDERAALKA OO LA WAREEGEYSA DEKEDA IYO AIR PORKA 

KISMAAYO (WARBIXIN)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay la wareegto Dekeda iyo Air Porka Kismaayo, taasoo ka mid aheyd heshiiskii dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ku gaareen magaalada Addis Ababa sanadkii 2013.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in dowladda uu hogg aamiyo Madaxweyne Farmaajo ay dadaal ugu jirto sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay loo gaaray.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Kismaayo ayaa qeyb ka ah arrinta ku saabsan Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha oo ay dowladda Federaalka dooneyso inay maamusho.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay sare u qaaday dhaqaalihii ay siin jirtay dow lad goboleedyada, taasoo markii hore aheyd lacag dhan $150,000, isla markaana la gaarsiiyay lacag gaareysa $300,000 bil walba, iyadoo tallaabadan lagu doonayo in lagu kasbado maamul goboledyada.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in si ka duwan sidii dowladdii hore ay ula macaamili jirtay dowlad goboleedyada uu ula macaamilo, iyadoo la sheegay in markii u horeysay Madaxda dowlad goboleedyada ay dowladda Federaalka u qortay bil walba gunno lacageed oo aan la cayimin.

Heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray sanadkii 2013 ayaa dhigayay in Maamulka Jubbaland uu dowladda Federaalka ku wareejiyo lix bil kaddib maamulka Dekeda iyo Garoonka, oo ay dowladdu u soo magacaabeyso maamul cusub, hase ahaatee qodobkan ayaa dhaqan gelin.

Maamulka Jubbaland ayaa diidanaa in dowladda Federaalka ay ku wareejiyaan Dekeda iyo Ga roonka, isla markaana ay la mid tahay dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo kale.

Haddii Maamulka Jubbaland aqbalo in Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku ware ejiso dowladda Federaalka, waxay noqoneysa tallaabadii u horeysay ee dowladda Dhexe kula wareeg to Deked iyo Garoon ka baxsan magaalada Muqdisho.Xigasho Jowhar.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip