
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 4-TA JUUN 2017-KA
Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay kadib markii uu qarxay Gaari uu la haa Madaxa Canshuuraad ka Maa mulka Degmada Dharkeenleey, Cali Maxamuud Jimcaale kaasi oo gaarigiisa u marayay Xaaf ada Kaawo god eey ee Degmada Wadajir.
Saraakiisha Booliska Maamulka Degmada Wadajir qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Cali Maxamuud Jimcaale uu ka badbaaday Qaraxaasi balse uu ku dhintay mid ka mid ah ilaaladiisa.
Dhinaca kale, Kabtan Fanax oo ka mid ah Saraakiisha Booliska ee DFS ayaa ka badbaaday ga daal markii gaarigiisa oo lagu soo xiray waxyaabo qarxa uu ku qarxay nawaaxiga Xerada Badb aado ee Degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxyaadaasi siyaabaha kala duwan uga dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee M/Muqdisho.
WASIIR LAGA JABSADAY TWITTERKIISA
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Bahreyn ayaa Saxaafadda u sheegay in dalkaasi lagu soo qaaday Weerar dhanka Internetka ah. Bogga Internetka Twitterka ee wasiirka arrimaha diba dda Bahrain Kha lid al Khalifa ayaa waxaa jabsaday wax u muuqda maleeshiyo Shiicada ah, far riimo ay soo dhigeen ayaa waxaa ka mid ah inay dhacday boqortooyadii waddanka.
Waxaa jira xiisad xooggan oo u dhaxeysa Shiicadda Baxrayn ku badan iyo Sunniga Musli mka ee talada xukunka haya.
Dalka dariska ah ee Qatar ayaa sidoo kale dhawaan wuxuu ahaa dhibbane wax ay ku shee geen afduubaya al Internetka oo daabacay hadallo liddi ku ah hogaamiyaha waddanka.
Tani waxay dhallisay xiisadd culus oo ka dhex curatay Khaliijka, baarayaal Ameerikaanka ah ka so cda FBI-da ayaa haatan ka caawinaya Qatar baaritaanka ku aaddan weeraradaas Internetka
FAAHFAAHIN XOOLO DHAQATO LAGU LAAYAY DEGAANKA GALINSOOR
Gudoomiyaha degaanka Galinsoor Cali Saciid Axmed Cabdulle ayaa Faahfaahin ka bixiyay 3 nin oo xoolo dhaqato ah oo Shalay lagu dilay duleedka degaankaasi.
Dilkaan ayaa waxaa loo geystay dadka reer guuraa ah oo kasoo jeeda maamulka Galmu dug sida uu u sheegay warbaahinta gudoomiye Cali Saciid.
Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa waxa ay ka yimaadeen degaanka Saaxo Qurun, waxa ana la sheegay inay halkaasi dib ugu laabteen Markii ay dilka geysteen.
Maamulka degaanka Galinsoor ayaa sheegay in sidoo kale kooxaha hubeysan ay jirdil u geysteen haween ku sugnaa goobta ay ku dileen Saddexda Nin.
Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay wadaan dadaallo kala duwan oo ay ku doon ayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Galinsoor.
Maalmo ka hor ayaa degaanka Saaxo qurun lagu dilay Labo ruux , waxaana Wararku ay sheegaya an in dilka Saddex nin uu arintaasi la xariiro.
DEEQ DAAWO AH OO LAGU WAREEJIYAY MAMULKA DEGMADA BARAAWE
munasabada kooban oo lagu qabtay xarunta Isbitaalka M/Barawe ayaa waxaa deeq daawo ah lagu wareej iyay mamulka Isbitaalka degmada Baraawe si loogu daweeyo bukanada jiifa isbi taalka degm ada, waxana mu naasabadda goob joog ka ahaa Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee K/galbeed ahna Guddomiyah Guddiga aba araha K/galbeed,Guddoomiyaha G/Sh/Hoose, Gud domiyaha degmada Barawe, waxaana deeqda daawada ah ka timid Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiiboyinka XFS.
Guddoomiyaha degmada Baraawe Aadan Cumar ayaa u mahad celiyay Wasaaradda gar gaarka ee dawad aan soo garsisay, isagoo sheegay in deeqdan ay ku soo aaday xilli baahi weyn loo qabay.
Agaasimaha isbitalka Degmada Barawe Cabdalla Cabdiraxmaan Nuurani ayaa ka guddo miyay mas’uuli yin deeqda daawada ah, waxaana uu carrabka ku adkeeyay in daawada loogu adeegi doono si siman bukaana da isbitaalka ku jirta.
Dhanka Kale Deeeq raashin ah oo ka timid Wasaaradda Gargaarka Soomaaliya ayaa shal ay loo qeybiya ay qoysas danyar ah oo gaaraya 750 qoys kuna sugan M/Baraawe ee G/Sh/Ho ose Goobta lagu qeybinayay rashinka ayaa waxaa ku sugnaaa Gudoomiyaha G/Sh/Hoose, Wa siirka Xanaaanada Xoolaha Koonfurgalbeed ahna Guddoomiyha Guddiga Abaraha Koonfurg albeed iyo maamulka degmada Baraawe
Gudoomiyaha G/Sh/Hoose Ibraaahim Aadan Cali Najax ayaa u mahad celiyay Wasaradda Garga arka iyo Maareynta musiiboyinka ee deeqdan soo garsiyay dadka ay abaartu saameysay, isagoo u mahad celiyay hey’adaha ammaanka ee ka qeybqaatay gaarsiinta raashinka dadka ay abaartu sam esay.
FAAHFAAHIN:DIYAARADDA KU BURBURTAY GAROONKA GARBAHAAREY
Cusmaan Nuur Xaaji Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gedo oo goordhaweyd la hadlay Warbaah inta dal ka Qaar ka mid ah ayaa sheegay in diyaarad ay laheyd Hay’adda Cunada aduunka ee WFP in ay ku burburtay garoonka diyaaradaha Magaaladaas.
Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in diyaaradda Inta aysan kusoo daganin garoonka ay cilad soo wajahd ay islamarkaana ay baabi’isay alaabo iyo guryo ka ak dhawaa garoonka diya aradaha Ma gaalada Garbahaa rey.
Wuxuu sheegay Cusmaan Nuur Xaaji Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gedo in diyaar adda ay waday cun ooyinka kuwa Nafaqada ah islamarkaana ay maalmihii dambe ay garoonka soo gaareysay balse ay shalay soo wajahday cilad, sidaasna ay ku burburtay.
Sidoo kale Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay In lagu guuleystay dambita dabka ka ka cay di yaaradda haatana ay xaaladda tahay mid aad u wanaagsan.
KULANKA WADATASHIGA SIYAASADDA QAR AN EE DHALINYARADA SOOMAALIYEED
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar ahaan Dhalin yarada Ba ahiyaha Gaarka ah Qaba ayaa Waxa uu ka dhacay hoatel SYL kaasoo ay ka soo qeybgal een Wasiirka Wasaar adda Dhlinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiirku Xigeenka Wasaaradda ayaa Wax aa looga hadlayey sidii ay geedi socodka Siyaadadda ay ugu Qeyb qaadan lahaayeen Dhalinyaradda Baahiyaha Gaarka ah Qaba ayna usoo gudbin lahaayeen Baahidooda gaarka ah.
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Khadija Maxamed Diiriye ayaa waxa ay ka dhawaajisay in ay garabtaagantahay Xukuumada Ra’iisul Wasaare Cali Kheyre Dhalinta Baahiyaha Gaarka ah Qaba sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ayna afka ku dhufatay in ay ku tala jiraan sidii ay wax uga qabanlahaa yeen
Sidookale Wasiir KuXigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Xil. Axmed Cumar Isl oow ayaa tilmaamay in Dadka Naafada dhabta ah ay yihiin Daka Miyirka la’ Waxna aan ka geysankar in siyaasada misna dhibaatooyinkoodana aan sheegan karin.
R/ WASAARAHA ITOBIYA OO KULAN DEG DEG ISUGU YEERAY MADAXDA DALALKA IGAD
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo Madaxda IGAD ka yeelanaya xaalada cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan, kaasoo todobaadka soo socda ka dha caya Addis Ababa
Warqad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u qoray Madaxweynaha K/Sudan Salva Kiir ayuu ku shee gay in wali uu sii socdo dagaalada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin ho ray loo gaaray.
Hailemariam Desalegn oo ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Koofurta Suudan, isla markaana Madaxda Gob olka ay ku had laan cod mideysan.
R/Wasaaraha Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadanimo ee xilligan ka jira Suuda anta Koofureed, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo mucaar adka.
12ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in uu shir ka ka furmo magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda 7 dal ee ku bahoobay ur ur goboleedka IGAD.
Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, kana mid aheyd dalalkii aas aasay ay aa la gu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galo shirkaas, oo noqon doona kii u horeeyay.
Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaa reen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caas imadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.
WARBIXIN: HA KU AFURIN CABBITAAN AAD U QABOOW, SHAAHA IYO BUNKA
Cuntada ugu haboon ee lagu Afuro xilliyada lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ayay Diintu si weyn u sheegtay,
waxaa kaloo aad u bayaaniyay caafimaad ahaan Dhaqaatiir aad u fara badan, haba ugu sii badna adeene kuwa u dhashay Wadamada Muslimiinta ah, waxayna ka digayaan in cuntooyin si aad loo ist icmaalin, kuwa kalena looba abaahneyn xilliga Ramadaan.
Drsa u dhalatay Wadanka Masar oo lagu magacaabo Nawal Alxamad oo ku takhasustay cunto oyinka iyo waxtarkeeda ayaa dadka uga digtay in ay xilliga afurka badsadaan waxyaabaha sal iidda la gu shiilo sida Quraaca iyo Saambuusaha. Dhakhtaraddani waxa ay ku talo bixisay in dadka soomani ay ku dadaalaan ku afurista khudaarta.
Drsa. Nawal ayaa soo saartay talooyin la xiriira Ramadaanka iyo cuntada, waxa si gaar ah uga ha dashay nidaamka afurka ee ugu wacan, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, "Waa in afurka lagu bila abo timir iyo biyo cad ama caano, waayo timirta waxa ku jira sonkor dabiici ah oo uu dheefshiidku si fu dud u burburin karo isla markaana si fudud ugu milmi karta jidhka”.
Dhakhtaraddu waxaa kale oo ay ku talisay in qofka soomani uu xilliga afurka cuno dareere diirr an sida, Shurbadda, Laakiin waxay diiday Shaah iyo bunka oo ay tiri maya kuwaasi iyo in afurka la cabbo biyo yar ama caano aan aad u qaboobayn, Dhakhtaraddani waxa ay ku talisay in waqti fiican loo dhexaysiiyo afurka iyo cashada waxa aaney ku sababaysa in dhuunta dheefshiidku ay u baahan tahay waqti ay ku dhamaystirato muudinta sonkorta dareeraha kale ee la qaatay xilligii afurka, islama rkaasina isuna diyaariyo qaabilista cuntada iyada oo aan wax murug iyo khalkhal ahi dhicin.
Dr. Nawaal mar ay ka ka hadlaysay cuntada ugu fiican in lagu afuro, waxa ay sheegtay in xill iga afurka lagu dadaalo waxyaabaha uu jirku uu ka helo Faytamiinno iyo macdanno kale oo ka caawi ya qofka sooman in aanu gaajoon, waxaa kale oo uu ka ilaaliyaa calool istaaga.
Dhinaca kalana waxa ay dhakhtaraddu kula talisay qofka sooman in aanu cuntada cunin inta uu dhergayo, balse uu in yar cuno, oo gaajada uu iskaga bi’iyo oo kaliya, waxa aanay si aad ah u dhall eecaysay caadada ah in isla marka la afuro lagu xigsiiyo shaah ama bun, iyada oo tilmaamtay in ay muhiim tahay in shaaha ama bunka iyo afurka loo dhexaysiiyo ugu yaraan laba saac, sababtana waxa ay dhakhtaraddu ku sheegtay in shaaha iyo bunkuba ay nuugaan maaddada xadiidka iyo maadooyin kale oo muhiim u ah jidhka. Qallinka: C/laahi Ruush
HOGAAMIYAHA MAAMULKA KHAATUMO CALI KHALIIF GALEYR OO SHALAY BOOQDAY MAGAALADDA BOORAMA EE GOBOLKA AWDAL
Hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah gudigii wada hada ladda Khaatumo iyo Somaliland ayaa shalay booqday magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.
Hogaamiyaha Khaatumo Cali KHaliif Galayr waxaa safarkiisa uu Boorama ku tagay ku wehel inayey gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Ibraahim Habanne, iyo Wasiiru dawlaha Waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo ka mid ah KHaatumo.
Wafdiga ayaa ugu horeyn booqday Jaamacadda Camuud oo ah Dugsigii uu wax ku soo bartay Cali Khaliif Galayrh, sidoo kale waxaa ay weftigani ay soo booqdeen qaybo ka mid ah magaalada Bor ama .
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Saleebaan Axmed Guuleed oo dugsigii sare ee Camuud isku soo gaareen Prof Cali Khaliif Galayr ayaa ka warbixiyey socdaalka weftigan.
"Cali Khaliif Galayrh ayaa shalay nagu soo booqday Jaamacadda Camuud, imika uguma horay so ee wuu iman jiray, waxaanu dugsigii sare ee Camuud uu Cali Khaliif Galayr uu soo gallay 1958 oo sanad buu iga horeeyey, magaaladda aad buu u kala yaqaanay, hoteelkan Harowo ee Boorama wax aa u magac bixiyey Cali Khaliif Galayr iyadoo wakhtigaasi tartan loo galay magac bixintiisa”ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada Camuud Saleebaan Axmed Guuleed.
Weftigan ayaa muddo laba cisho ah ku sugnaan doonna magaalada Boorama ee xarunta gobol ka Awdal, waxaana safarkan lagu sheegay mid uu hogaamiyuhu ku booqanayey dugsigii sare ee car uurnimadiisii.
AMISOM OO WAR KASOO SAARTAY WEERAR KII SALDHIGA KULBIYOW
Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa war kasoo soo saaray weerarkii dagaalyahanada Xarak ada Alshabaab ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyow ee Gobolka jubada Hoose.
War kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in 6dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada lshabaab ay Saldhiga Ciidamada Kenya ay kusoo rideen 1 RPG, qoryaha AK47 iyo qoriga loo yaqaano PKM islam arkaana ay ku yimadeen dagaalyahanadaan wada Badade weerarna ay isku diyaarinayeen.
"AMISOM waxa ay xaqiijinaysaa in waxba kama jiraan ay yihiin wararka warfaafinta ay baahi say ee ku aadan in Xarakada Alshabaab ay la wareegeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee Kulbiyow, daga alyahano yar ayaa weerarkaas halkaas kusoo qaaday waana la jabiyay”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay AMISOM.
DOWLADDA SHIINAHA OO SOOMALIYA USOO DIRTAY MARKAB SIDA SHIXNAD GARGAAR
Markab sida shixnad gargaar oo loogu talagalay in lagaarsiiyo boqolaal soomaali ah ayaa ka soo shareecday dekadda Magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha waxaana dowlada Shiinaha ay she egtay in deeqdan loogu tala galay dadka abaaraha ba’an ku heystaan gudaha dalka soomaaliya.
Deeqdan oo u badan bariis ayaa gaareysa 2,821 ton waxaana iyadoo sidoo kale xaalado lamid ah ay kajiraan dalal dhaca qaarada Africa oo soomaaliya ay kamid tahay.
Deeqdan dowlada shiinaha ay soo direyso ayaa timid kadib kulan ka dhacay bishii aynu ka soo gudbanay Caasimada Beijing ee dalkaasi waxaana ay balanqaaday in gargaar cuno ay gaarsiineyso dalka soomaaliya, iyadoo caawinaadan ay soo dhiibtay shiinaha ku dhawaad ay qaadaneyso in soomaaliya ay soo gaarto 35 cisho.
Ururka gargaarkan u qaabilsan dowlada shiinaha ayaa sheegay in ay tahay markoodii ugu horeysay oo gargaar cuno ay u soo diraan dalka soomaaliya iyagoo u soo marsiinaya hay’ada qaram ada midoobe u qaabilsan cunooyinka ee WFP.
Qiyaaso ay sameysay WFP ayaa lagu sheegay in abaarta soomaaliya ka jirta in ay kor u dhaaftay dad ka ay saameysay 6 Million oo qof oo ka dhigan kala bar dadka ku nool soomaaliya waxaana sidoo ka le WFP ay tilmaamtay in 3.2 Million oo qof in ay u baahanyihiin gar gaar deg deg ah.
Deeqdan cunada ah ayaa loo qeybin doonaa 223,500 oo qof kuwaa oo ku kala nool 18ka go bal ee soomaaliya oo abaaraha ay saameeyeen waxaana qeybinta raashiinka ay qaadan doonto mud do dhan afar bilood.
MAREYKANKA OO BEIJING UGA DIGAY JASII RADAHA KOONFURTA BADDA SHIINAHA
Shiinaha ayaa ka mid ah dhowr dal oo sheeganaya qeybo ka mid ah Koonfurta Badda Shiina haShiinaha ayaa ka mid ah dhowr dal oo sheeganaya qeybo ka mid ah Koonfurta Badda Shiinaha
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, James Mattis, ayaa ka digay in dalkiisa uusan aqbali doo nin in Shiinuhu uu goob milateri ka dhigo jasiiradaha gacan ku sameyska ah ee Koonfurta Badda Shii naha.
Isagoo ka hadlayay shir dhanka ammaanka ah oo ka socda Singapore, ayuu sheegay Mattis in tallaabooyinka noocaas ah ay waxyeelaynayaan deganaanshaha gobolka.
Dhulka uu Shiinaha sheeganayo ee kheyraadka qaniga ku ah ayaa waxaa ku loolamaya dhowr dal oo aagaas ku yaal.
Janaraal Mattis ayaa yiri: "Waxaannu ka soo horjeednaa dalalka goob milateri ka dhigaya jasii radahan gacan ku sameyska ah iyo xoog ku dhangelinta sheegashada badda xad dhaafka ah.”
"Ma aqbali karno mana aqbali doonno in cid goonni ah ay xoog ku badesho xaaladda haatan ta agan.” Ayuu raaciyay Janaraal Mattis.
Janaraal Mattis ayaa u muuqdo inuu ku celinayo hadalkii ahaa in Mareykanku uusan dhabarka u jeedinayn AasiyaLahaanshaha
Madaxweyne Donald Trump iyo saraakiisha sarsare ee Mareykanka ayaa si joogta ah u sheeg ayay in ay ilaalin doonaan danahooda Koonfurta Badda Shiinaha, halkaasi oo marin muhiim ah u ah maraakiibta.
Mar ay arrintan ka jawaabaysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in Beijing ay "ka go’an tahay inay difaacdo xaqeeda gobolka.”
Dhanka kale Janaraal Mattis ayaa Beijing ku amaanay dadaalada ay wado ee lagu xakameyna yo dhaqdhaqaaqyada gantaalada iyo nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.
Hadalkiisa ayaa yimid wax yar un kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ballaariyay cunaqabateynta ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi ee loogaga jawaabayo tijaabooyinka gantaalada xiriirka ah ee ay sanadkan sameysay.
Golaha ayaa si aan kalahar lahayn ugu codeeyay in cunaqabateyn la soo rogo kaddib todoba adyo ay wadahadallo u socdeen Mareykanka iyo Shiinaha.
SIYAASIGA SALAAD CALI JEELLE OO SOO DHAWEEYAY HOWLGALKA XASILINTA CAASIMADDA.
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan dalka ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyay dalka.
Ugu horreyn Salaad Cali jeelle ayaa ka dhawaajiyay in Howlgalka la Magac baxay Xasilinta Ca asimadda uu suura galiyay Xasilooni iyo in ay Nabad ku afuraan shacabka , waxaana uu hoosta ka xa riiqay in dowladdu ay kala hadashay beelaha Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.
Dhinaca kale Mr Salaad Cali Jeelle ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Cusub ee uu Majaraha u hayo Madaxweyne Farmaajo oo muddo kooban un jirta ay ku guuleysatay wax ka qabashada arrimo Muhiim ah taasi oo rajo badan gelisay shacabka , sida la dagaalanka Musuqmaasuqa,wax ka qabash ada Amniga iyo bixinta Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka , isagoo cadeeyay in haataan Bulshada Soomaaliyeed ay ka filayaan yidadiilo wanaagsan.
Mar uu ka hadlayay Salaad Cali Jeelle dadka dhaliilsan hub ka dhigista ayuu shaaca ka qaaday in dowladda ay waajib ka saaran tahay in shacabkeeda ay siiso Nabad gelyo taasina aan loogu aabo yeeleynin dadka hubka in ay ku dhibaateeyaan raba shacabka sida uu hadalka u dhiagy.
Dowladda Cusub ee Soomaaliya ayaa kumanaan Askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Soom aaliyeed ka daad gureysay Magaalada Muqdisho , waxaana markii ciidamadaasi laga saaray Mgaala da kadib dowladdu bilowday howlgal bal laaran oo ka dhan ah shaq siyaadka sida sharci darrada ah hubka ugu dhex sita Magaalada Gudaheeda
WASIIRKA WARFAAFINTA : DILALKA MUQDISHO ALSHABAAB OO KALIYA MA GEYSTAAN
Wasiirka wasaarrada warfaafinta DF Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha xasilinta magaalada caasi mada ah ee Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in dib loo soo celiyo amniga caasimada, si looga baxo nidaamka ku dhisan fowdada iyo kala danbeyn la’aanta mudada dheer soo jirtay, waana tan keentay ayuu yiri in xukuumadu tallaabadan go’aansato.
‘’Dowladd federaalka waa ay ka go’an tahay in dib loo soo celiyo amnigii caasimada, waa ay jiraan dad cabasho arintan ka qaba, laakiin ma jirto cid ay dowladda ka aqbali doonto in ay ka hortim aado qorshaha lagu xasilinayo caasimada’’ ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka ayaa sheegay in Alshabaab oo kaliya aysan mas’uul ka aheyn amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, laakiin jiraan sida uu hadalka u dhigay kooxo kale oo abaabulan.
‘’Waxaan hada maqalnay shaqsiyaad iyo kooxo hubkooda kala baxaya caasimada si aysan do wladda ugala wareegin, dadkaas waxaan rabnaa in aan u sheegno meel kasta oo ay hubkaa la taga an in ay dowladda uga dabatagi doonto islamarkaana tallaaabo laga qaadayo’’ ayuu yiri wasiirka war faafinta.
Maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho waxaa ka soconayay howlgal ballaaran oo ay fuliyaan ciidamo gaar ah loogu tallagalay fulinta qorshaha xasilinta caasimada oo ay dhawaan anis ixiyeen golaha wasiirada.
XABSI LAGU XIRO ALSHABAAB OO LAGA HIRGALINAYO M/BAYDHABO
Kadib wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayay safiirka dalka Sweden ee Soomaliya Mikael Lind vall kuwaa oo booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee Maamulka Koofur galbeed ayaa waxa ay u kuur galeen xaalada maxaabiista Xarakada Al shabaab ee ku xirann xabsiga dhexe ee magalada Bay dhabo.
Mikael Lindvall safiirka Sweden ee soomaaliya oo mas’uuliyiin katirsan qaramada midoobay ay wehliyaan ayaa kulan la qaatay horjooga yaasha maxaabiista waxana ay balanqaadeen in ay hergelin doonaa mashaariic dib loogu dhisayo xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo oo maxaabiis Al shab aab ah ay ku xiran yihiin.
QARAX KA DHACAY MUQDISHO
Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Abba Gedo ee degmada Dharkeenley ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax.
Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Qarax Miino , wax aana lala eegtay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.Wararku waxa ay sheegayaan in Sarkaalkii Qaraxaasi lala eegtay uu ka badbaaday, islamarkaana Askari la socday uu dhaawac kasoo gaaray.Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinaayo.
MEYDAD LAGU SOO BANDHIGAY KISMAAYO
Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo kusoo bandhigay Meydadka labo nin oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen AlShabaab iyo sidoo kale hubkii ay wateen.
Taliyaha Guud ee Ciidamada maamulka Jubbaland Aadan Maxamed ayaa Saxaafadda u she egay in Meydadkaan iyo sidoo kale hubkaasi lagu soo qabtay dagaal shalay ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Waxaa uu sheegay in labadaasi nin ay qeyb ka ahaayeen dagaalyahano weerar kusoo qaaday Ciidamada maamulka Jubbaland , laakiin ay iska difaaceen.
WEERARO XALAY KA DHACAY MAGAALADA LONDON..
Weeraro loo adeegsaday gaari caasi iyo mindiyo, ayaa xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada London , iyadoo weeraradan ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.
Rag la socday gaariga caasiga, ayaa caweysnimadii xalay dad ku jiirsiiyay Buundada Magaala da London, xilli dadkaasi ay marayeen hareeraha wadada.Sidoo kale meel sidaasi uga fogayn Buun dada London, ayaa niman mindiyo ku hubeysnaa ay ku dhaawaceen tiro dad ah.
Raggan oo aan heybtoodu weli la aqoonsan, ayaa weerar kale oo 3aad ka gaystay goob kale oo ku dhow goobihii ay dadka ku waxyeeleeyeen.
Ciidamada ammaanka oo gaaray wadooyinka ay weeraradu ka dhaceen, ayaa xiray wadooyin kaasi, iyagoo markaasi ka bilaabay hawlgalo amni xaqiijin ah.
Booliska Britain, ayaa xaqiijiyay dhimashada lix qof iyo dhaawaca tiro ka badan labaatan kale, waxaana socda baaritaano ku aadan kuwii weerarada soo qaaday.
Booliska, ayaan weli kala cadayn haddii ay gacanta ku soo dhigeen raggii weerarada gaystay iyo haddii kalaba.
Ra’iisal Wasaaraha Britain, Theresa May oo la hadashay Warbaahinta, ayaa sheegtay in weerar adaasi ay u tixgelinayan mid argagixiso
CIIDAN CADDAAN OO HAWLGAL KA FULIYAY GOBOLKA JUBBADA DHEXE
Ciidan caddaan oo aan faah faahin laga hayn dalka ay u dhasheen, ayaa xalay hawlgal ka fuliy ay deegaan hoostagga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.
Ciidankan oo la socday diyaaradaha nooca qumaatiga u kaca, ayaa la sheegay in ay ku daat een deegaanka Weel Maarow, oo saldhigyo ay ku leeyihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa yiri "Diyaarado ayaa saqdii dhexe ee xalay ciidan ku daadiyay Deegaanka Weel Maarow ee Gobolka Jubbada Dhexe. Deegaanka Weel Maarow ayaa 60km dhinaca galbeed kaga toosan Degmada Jilib.”
"Waa dhul hawd ah oo xarumo ay ku leeyihiin Ururka Al Shabaab. Waa dhul la sheego in ay ku dhuumaaleystan Madaxa sar sare ee Al Shabaab. Weel Maarow meel 15km u jirto ayaa la sheegaa in uu ku xanuunsan yahay Amiirka Al Shabaab, Axmed Cumar Abuu Cubeyda.”
"Waxaan maqalnay in iska horimaad xoogan uu ku dhex maray ciidamadii caddaanka ahaa iyo Al Shabaab. Xitaa waxaa la sheegay in duqayn ay xalay ka dhacday deegaankaasi.”
"Faah faahin intaas ka badan kama heyno sida ay wax u dhaceen, maxaa yeelay way go’an ta hay isgaarsiinta. Isgaarsiinta ayaa hawada laga saaray saacado yar ka dib markii uu hawlgalku bilow day.”
Ma jirto cid sheegatay diyaaradaha ciidamada shisheeye ku dejiyay Deegaanka Weel Maarow, balse hawlgalada ceynkani oo kala ah, ayaa looga bartay Ciidamada Mareykanka ee saldhigoodu ya hay Garoonka Ballidoogle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA.
(DERSIGA LIXAAD )
Ramadaanku waa Bil uu illaah (cw) inoogu Sharciyeeyay si aan uga Faa’iideysano Nicmooyin fa ra badan oo uu noogu dhex keydiyay Bishaas, ee looma Sharciyeeynin in aan Baahano ama aan Hara adno sida dadka qaar maleeyeen Ramadaanka.
Hadaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garano ulajeedooyinka iyo Xikmadaha loo Shar ciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu Bogaadsato ugu Faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, si daa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soon ka Ramdaanka.
Waxaa qof walbaa o Muslim ah og tahay waxaa noo Sharciyeeyay Soomitaanka Ramadaanka Illaah (cw) oo ah Mid aad u Xikmad badan una Naxariis Badan, magacyadiisana waxaa ka mid ah Xak iim, waa Xakiim wuxuu Qadaro , waa Xakiim wuxuu Amro, ama wuxuu Reebo.. waxaana laga yaaba in dadka qaar gartaan Xikamadaha ku jira Amaradiisa, qaarna garan waayaan, waxaa sidoo kale dhici karta in ay adoomuhu garan waayaan Xikamada ku jirta Amar ka maid ah Amaradisa..
Haddaba si walba ay arintu ahaataba Adoomaha waxaa saran in ay u hogaansanaadaan Amarada Ra bi (cw) xagiisa ka yimaada ha gartaan Xikmada ama yeeysan garane, mu’minna waxaa ah kan mar walba u hogaan sanaada Rabigiisa ee aan naftiisa Khiyaar u doonin.
Amarada illaah ee Xikamadahooda insaanka garadsiiyay waxaa ka mid ah Soomitaanka Bisha Ramadaan, waxaa ay Culimada Muslimiinta ka Sheegeen Xikmado fara Badan waxaana ka mid ah:
1 - 1 Xikmada Koowaad waa in aan ka Faaiidno Soonka Taqwada illaah (cw) sida kucad aayadahan (لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ) waa ayada koowaad ee ka Hadashay Soonka Ramdaanka, sidoo kalana aayada ugu damb eysa aayadaha Soonka waa (كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ آيَاتِهِ لِلنَّاسِ لَعَلَّهُمْ يَتَّقُونَ).
Waxaa labadaas aayadoodba na tusayaan in loo baahan yahay Soomitaanka Ramadaanka inaan ka koorosano Taqwo maadaama Aayadii ugu horeysay iyo tii ugu dambeysayba lagu soo gabagabeeyay Taqwada.
2 - 2 Xikmadaha Soonka waxaa kamid ah in Nafta kibirkeeda la Jabiyo, maxaa yeelay hadii Naftu Dharganaato mar walba waxaa ku dhaca in ay Hilmaanto, Kibirto oo faanfaan iyo doqonnimada ku baxdo, si aysan taas u dhicin waxaa uu Rabi (cw) noo jideeyay Sanadkiiba Bisha Ramadaan in la so omiyo Nafta si ay uga badbaado Cuduradaas aan soo sheegnay.
3 - 3 Waxaa kamid ah Xikmadaha Soonka in nafta hesho Fursad ay ku fekerto oo ay Alle (cw) ku xa suusato, maxaa yeelay hadii ay nafta isaga dhex jirto Shawadeeda iyo Nicmadeeda waxaa ka dama Nuurka Iimaanka, waxaana ku dhaca Qalafsanaan iyo Naxatriis daro, hadiise ay Soontaa waxey Xasuusataa Rabigeeda, waxaana jilca Qalbigeeda, waxeyna noqotaa Mid Raxmad badan.
4 - 4 Soonka waxaa uu Xeraa albaabaha Nafta uu kasoo galo Sheydaanka, waxaa ka yaraada mar ka ay Sooman tahay Waswaaska Sheydaanka, weyna xasishaa, sidaa dardeed ayuu Nabiga (scw) ku tilmaamay in Soonku yahay Mid gooya Shahwada.
5 - 5 Faaiidooyinka Soonka waxa ka mid ah wuxuu xoojiyaa Iraadada qofka Sooma, sababtoo ah Ruu xii ka taga Cunadiisa iyo Shahwadiisa Xiliga Soonka waxaa uu awood u yeeshaa Naftiisa inuu xakam eeyo marka uu Doono ee aysan ayada Hogaamin.
6 - 6 Xikmadaha Soonka waxaa ka mid ah in ay jabiso Caadada, maxaa yeelay dadka qaar waxaa ay leeyhiin xiliyo gaar ah oo ay wax Cunaan hadii ay waayaana waxaa ku dhaco caro iyo Dulqaad la’aan, marka Soonka waxaa uu dilaa Cadadaas waxuuna Nafta baraa Dulqaad iyo sabar.
7 - 7 Waxaa ka mid ah Xikamdaha Soonka inuu Simo Taajirka iyo faqiirka, maxaa yeelay dhamaan
to waa iskuwada mid marka loo eego Adoon ahaanta, taaso bareysa Muslimka inuu Muslimka kale ya hay walaalkiis, ha ahaado Taajir, ha ahaado faqiir, meeshuu doonaba Caalamka haka jooge,..
8 - 8 Waxaa kaloo ka mid ah Xikmadaha Soonka in Nafta Muslimka ah noqoto Amiin, waayo qofkii gu ta waajibkaas ee guta amaanadii illaah (cw) ee awoodaas yeesha, waxaa u sahlanaato inuu guto amaanooyinka kale ee Dadka, haduuse gudan waayo amaanadii weyneed ee illaah (cw) saaray wa xaa hubaal ah inuusan gudan Karin Amaanooyinka kale ee Dadka, waxaa la sheegaa in ay jiri jireen dad Gaalo ah oo ay u shaqeyn jireen dad Muslimiin ah waxa ay Gaaladaas xiliga Ramadaanka Dhihi jiren kii afura waxaan u kordhineynaa Mushaarka, si ay shaqada dardar ugu socoto, kii afuri waayana waxba looguma kordhiyo, waxey ku boorin jireen inay Afuraan..markii uu Soonka Dhamaadana waxey Shaqadooda ku tixgalin Jireen kuwii Soonaa, ayaga oo ku Qadarinaayay Amanaada Diinkooda Sida ay guteen, waxeyna dhihi jireen kuwii afuray waa Khaainiin Diinkooda Khiyaanay, amaba Shaqada ay ay ka eryi jireen kuwa…
9 9 Xikamadaha Soonka waxaa ka mid ah inuu Nafta siiyo Caafimaad, waxa ay yiraahdaan ahlu Cilmiga waxaa uu wax ka taraa hagaajinta Garaaca wadnaha, waxaa uu dhiiga ka Nadiifiyaa Xeyrta iyo Subaga, waxaa uu wax taraa Shaqada Beerka, waxaa uu Nadiifiyaa Mindhicirada…
Haddaba waxaa wax aad loogu farxa ah in Fursada Soonka ay tahay Aduun iyo Aakhiraba, Caafimaad ahaan iyo Ajar aaqaraba, sida ku cad kalimadaha aan kor kusoo sheegnay.
اللهم تقبل منا إنك أنت السميع العليم ، وتب علينا إنك أنت التواب الرحيم
waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade
WARGELIN:
Maamulka Wargeyskan wuxuu ku leeyahay {Walaal Alle Haku Xafidee Meel Xafidan Dhig Macluul aamdka Diiniga Ah Ee Qoraalkaan Ku yaala ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee kor yeel kana ilaa li meelah wasaqda iyo Najaasada ah Alle haku Barakeeye …Wabilaahi Towfiiq
BANAANBAX LAGU TAAGEERAYO FARMAAJO OO MUQDISHO KA DHACAYA
Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga dareemayaa Abaabul iyo Diyaar garow xoogan oo loogu jiro banaan bax lagu taageerayo boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo oo la doortay 8-dii bishii February.
banaanbaxa lagu Taageerayo madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhici doona Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium ee degmad C/casiis, wuxuuna noqon doono kii ugu horeeyay ee lagu taag eerayo waxqabad Madaxweyne Dowladeed.
banaanbaxaan waxaa kasoo qeyb gali doono Mas’uuliyiin ka Tirsan dowladda Soomaliya Sida Madaxweyne Farmaajo, iyo shacab aad u fara badan oo ka kala imaanayo degmooyinka Gobolka ban aadir.Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay ayaa lagu wa rgeliyay dhawaan in degmadiiba ay ka keenaan illaa 1,000 dadweyne oo ka qeyb qaata banaan baxa.
Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa horay u balan qaaday in khudbad u jeedinayo shacabka Soomaliyeed.
Boqolka maalmood ee Madaxweyne Farmaajo xafiiska joogay waxaa dadka qaar tilmaameen in waxyaabo kala duwan u qabsoomeen dalka, halka dadka kalena ay dhaliilaan safarada badan ee Mad axweynuhu galay.
SOMALILAND OO SHAACISAY HAL ARIN OO AQOONSIGA LOOGU DIIDAN YAHAY
Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ware ysi gaar ah siiyay Wargeyska The Gurdian ayaa aqoonsi la’aanta haysata Somaliland ku tilmaamay mushkilad cagaha ka xirtay horumar badan oo jiri lahaa.
Wasiirka ay ku dhaliilay beesha caalamka inay dayaceen Somaliland oo ay ku ciqaabayaan guulaha ay gaareen, halka ay Somaliyana ku garab taaganyihiin guuldaro ay samaysatay,
"Aqoonsi la’aantu waxay daliil u tahay caqabado badan. Ma helno caawimo toos ah, caawimooyinka oo dhami waxay soo maraan gacmo saddexaad oo ah Qaramada Midoobay, Qaramada Midoobay wa xay leedahay dad khubaro ah, laakiin ururada uu janalkani soo maraa aad bay u badanyihiin, waxa ana jira kharash maamul oo aad u badan Haddii lana aqoonsan lahaa, waxaanu caawimada u heli lah ayn si toos ah, soona jiidan lahayn maalgashadayaal.” ayuu yidhi Sacad Cali Shire."Uma malaynayo inay dunidu si wanaagsan u qaadatay digniinaha aanu abaaraha ka soo saaraynay horaantii sannadkan. Waxay u muuqataa in beesha caalamku aanay ka soo jawaabin baaqayada ilaa Telef ishanada laga arkay carruur dhimanaysa.”ayuu mar kale yiri Wasiir Sacad Cali Shire.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 4-TA JUUN 2017-KA
FAAH FAAHIN: QARAXYO KALA DUWAN OO KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO Warardheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxyo siyaabo kala duwan gelinki dambe ee shalay uga dhacay Degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Magaalada Muqdisho.