Tababare Louis van Gaal Oo Si Cad U Sheegay In Kooxdiisa Manchester United Ay Doonayso Cristiano Ronaldo Doonayo, Iyo Van Gaal Oo Jamaahiirta Red Devils Rajo Wayn Tusay
Tababaraha kooxda Manchester United ee Louis van Gaal ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay Cristiano Ronaldo,wuxuuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay Ronaldo dib ugu soo celiyaan Old Traffrod. Ronaldo ayaan xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican kaga jirin kooxdiisa Madrid oo walba xalay guuldaro wayn kala kulantay Barcelona.
Ronaldo
oo ay hadda da’diisu tahay 30 sano jir ayaa si joogto ah loola
xidhiidhinayay kooxdiisii hore ee Manchester United inkasta oo ay
kooxdaha Chelsea iyo PSG ka mid yihiin kooxaha sida dhaw ula socda
xaalada Ronaldo. Imaatinkii xagaagii aan soo dhaafnay eeRafa Benitez
ayaa mugdi galiyay mustaqbalka Ronaldo ee Madrid, waxaana kulankii
El-Clasico-da ee xalay laga dareemayay muruqo iyo in aanu ku faraxsanayn
qaab ciyaareedka kooxdiisa.Laakiin
tababare Van Gaal ayaa isaga oo ka hadlayay in ay Ronaldo doonayaan
yidhi: "Ronaldo waa ciyaartoy garabka weerarka ka ciyaara, kaas oo deg
deg badan isla markaana goolal dhaliya. Anigu ma filaayo in uu jiro
tababare aduunka jooga oo aan doonayn Ronaldo”. Van Gaal ayaa sidan
saxaafada u sheegay kadib guushii ay Red Devils ka soo gaadhay kooxda
Watfor
d.Van Gaal oo hadalkiisa sii wata isla markaana jamaahiirta kooxdiisa rajo ku abuuraya ayaa yidhi: "Dabcan waanu raadsan doonaa Ronaldo, waxaanu raadinaynaa ciyaartoyda oo dhan, kaliya Ronaldo ma aha, laakiin ciyaartoydan inta badan lama helo, aan sugno oo aan rajayno”.
d.Van Gaal oo hadalkiisa sii wata isla markaana jamaahiirta kooxdiisa rajo ku abuuraya ayaa yidhi: "Dabcan waanu raadsan doonaa Ronaldo, waxaanu raadinaynaa ciyaartoyda oo dhan, kaliya Ronaldo ma aha, laakiin ciyaartoydan inta badan lama helo, aan sugno oo aan rajayno”.
Tababare Louis van Gaal Oo Si Cad U Sheegay In Kooxdiisa Manchester United Ay Doonayso Cristiano Ronaldo Doonayo, Iyo Van Gaal Oo Jamaahiirta Red Devils Rajo Wayn Tusay
Tababaraha kooxda Manchester United ee Louis van Gaal ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay Cristiano Ronaldo,wuxuuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay Ronaldo dib ugu soo celiyaan Old Traffrod. Ronaldo ayaan xili ciyaareedkan qaab ci