Tababare Louis van Gaal Oo Si Cad U Sheegay In Kooxdiisa Manchester United Ay Doonayso Cristiano Ronaldo Doonayo, Iyo Van Gaal Oo Jamaahiirta Red Devils Rajo Wayn Tusay

0
Sunday November 22, 2015 - 11:29:55 in Sports News by
  • Visits: 1476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Louis van Gaal Oo Si Cad U Sheegay In Kooxdiisa Manchester United Ay Doonayso Cristiano Ronaldo Doonayo, Iyo Van Gaal Oo Jamaahiirta Red Devils Rajo Wayn Tusay

    Tababaraha kooxda Manchester United ee Louis van Gaal ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay Cristiano Ronaldo,wuxuuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay Ronaldo dib ugu soo celiyaan Old Traffrod. Ronaldo ayaan xili ciyaareedkan qaab ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Manchester United ee Louis van Gaal ayaa si cad u sheegay in kooxdiisu ay u baahan tahay Cristiano Ronaldo,wuxuuna muujiyay sida ay u doonayaan in ay Ronaldo dib ugu soo celiyaan Old Traffrod. Ronaldo ayaan xili ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican kaga jirin kooxdiisa Madrid oo walba xalay guuldaro wayn kala kulantay Barcelona.


Ronaldo3Ronaldo oo ay hadda da’diisu tahay 30 sano jir ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxdiisii hore ee Manchester United inkasta oo ay kooxdaha Chelsea iyo PSG ka mid yihiin kooxaha sida dhaw ula socda xaalada Ronaldo. Imaatinkii xagaagii aan soo dhaafnay eeRafa Benitez ayaa mugdi galiyay mustaqbalka Ronaldo ee Madrid, waxaana kulankii El-Clasico-da ee xalay laga dareemayay muruqo iyo in aanu ku faraxsanayn qaab ciyaareedka kooxdiisa.Ronaldo5Laakiin tababare Van Gaal ayaa isaga oo ka hadlayay in ay Ronaldo doonayaan yidhi: "Ronaldo waa ciyaartoy garabka weerarka ka ciyaara, kaas oo deg deg badan isla markaana goolal dhaliya. Anigu ma filaayo in uu jiro tababare aduunka jooga oo aan doonayn Ronaldo”. Van Gaal ayaa sidan saxaafada u sheegay kadib guushii ay Red Devils ka soo gaadhay kooxda Watfor

d.Ronaldo2Van Gaal oo hadalkiisa sii wata isla markaana jamaahiirta kooxdiisa rajo ku abuuraya ayaa yidhi: "Dabcan waanu raadsan doonaa Ronaldo, waxaanu raadinaynaa ciyaartoyda oo dhan, kaliya Ronaldo ma aha, laakiin ciyaartoydan inta badan lama helo, aan sugno oo aan rajayno”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip