Jamie Vardy Oo Xalay Taariikh Ka Dhigay Horyaalka Ingiriiska Isaga Oo Kulankii Tobnaad Oo Xihdiidh Ah Gool Dhaliyay, Vardy Oo Jabiyay Rekoodhkii Ruud van Nistelrooy Iyo Leicester City Oo Hogaanka Horyaalka Gacanta Ku Dhigtay

0
Sunday November 22, 2015 - 11:23:47 in Sports News by
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jamie Vardy Oo Xalay Taariikh Ka Dhigay Horyaalka Ingiriiska Isaga Oo Kulankii Tobnaad Oo Xihdiidh Ah Gool Dhaliyay, Vardy Oo Jabiyay Rekoodhkii Ruud van Nistelrooy Iyo Leicester City Oo Hogaanka Horyaalka Gacanta Ku Dhigtay

    Xidiga xulka qaranka England iyo kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa xili ciyaareedkan taariikh ka dhigaya horyaalka Ingiriiska, wuxuuna noqday gool ma gafaha cusub ee Premier Leaque-ga kaas oo xalay kulankiisii tobnaad oo xidhiidh ah gool ka d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidiga xulka qaranka England iyo kooxda Leicester City ee Jamie Vardy ayaa xili ciyaareedkan taariikh ka dhigaya horyaalka Ingiriiska, wuxuuna noqday gool ma gafaha cusub ee Premier Leaque-ga kaas oo xalay kulankiisii tobnaad oo xidhiidh ah gool ka dhaliyay. Xidigan hogaaminaya gool dhalinta Premier Leaque-ga ayaa jabiyay rekoodhkii waqtiga dheer uu haysatay xidigii hore ee Man United eeRuud van Nistelrooy kaas oo hore horyaalka Ingiriiska toban kulan oo xidhiidh ah goolal uga dhaliyay .

Vardy

Koxda xili ciyaareedkan wacdaraha la soo baxday ee tababare Claudio Ranieri ayaa guuldaro gadhka u galisay kooxda Newcastle United oo ay 3:0 ku garaacday. Jamie Vardy ayaa daqiiqadii 45 aad ee kulankaas dhaliyay goolka uu taariikhda horyaalka Ingiriiska magiciisa ugu qoray, halkaUlloa 64 iyo Okazaki 83 ay labada gool ee kale sii raacsadeen.Vardy2

Guushan ayaaLeicester City ka caawisay in ay hogaanka u qabto horyaalka Ingiriiska waxayna ka faa’iidaysatay guuldarooyinkii soo gaadhay kooxaha Arsenal iyo Manchester City oo xalay guuldarooyin kala kulmay West Brom iyo Liverpool sida ay ukala horeeyaan.Laakiin Jamie Vardy ayaa wali haysta fursadii uu ku noqon lahaa xidigii abid 11 kulan oo xidhiidh ah goolal ka dhaliyay kulamada horyaalka Ingiriiska haddii uu kulanka danbe shabaa soo taabto.2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip