Guushii Kulankii El-Clasico-da, Bandhigii Sergi Roberto, Isku Taagidii Jamaahiirta Madrid Ee Andres Iniesta, In Uu Messi Kursiga Kaydka Ku Reebay Iyo Waxyaabihii Uu Luis Enrique Ka Yidhi Guushii Ay Barcelona Ka Gaadhay Real Madrid
Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa farxad wayn ka muujiyay guushii ay kooxdiisa Barcelona ka gaadhay dhigeeda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid, kulankii El-Clasico-da ee Santiago Bernabeu xalay ka dhacay. Haddaba anaga oo hore idiinku soo gudbinay waxyaabihii uu Benitez ka yidhi kulankan ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa hadalkii Enrique ee kulankan ka kadib.
Enrique oo ka hadlaya guushii ay kooxdiisu Real Madrid ka soo gaadhay ayaa yidhi: "Real Madrid waa koox uu xifiltan gudaha ahi naga dhexeeyo, waxaananu ku tartamayna koob isku mid ah,waxaa dareen fiican ah in xaqiiqdii aanu si aad u fiican u ciyaarnay, waxaanu qabanay wixii aanu qorshaysanay in aanu samayno”.
`
Enriuqe oo ka hadlaya sababtii uu Lionel Messi kursiga kaydka ugu reebay ayaa yidhi: "Todobaadka intii lagu jiray ayaan go’aansaday in aan Messi kursiga kaydka dhigo.Waxaan fiirinayay sida uu dareemo kaawaca kadib, dhamaadkiina go’aanku waxa uu ahaa mid sahlan, Leo si fiican ayuu u fahmay”.
Enrique ayaa wax laga waydiiyay in Real Madrid ay isdhuibtay wuxuuna yidhi: "Maya. Anigu sidaa umaan arkayn. Si sahlan anaga ayaa ka fiicnayn iyaga, waxaananu maamulnay ciyaarta. Waxaanu ka adkayn difaaca, waxaanan filayaa in arintu ay inta badan ahayd in aanu anagu si fiican u ciyaarnay, inka badan inta ay Real Madrid si xun u ciyaartay”.
Enrique oo ka hadlaya goolkii furitaanka ayaa yidhi: "Kadib goolkii furtaanka waxaanu samaynay fursado badan, waxay ahayd qaybta hore ee ciyaartu mid dhamaystiran, waxaananu maamulnay ciyaarta, jamaahiirta ayaanu caawa(xalay) farxad badan siinay. Waxay run ahaantii ahayd ciyaar xusuus mudan”.
Enrique ayaa wax laga waydiiyay in jamaahiirta Madrid ay isku taageen una sacabiyeen kabtanka kooxdiisa ee Iniesta wuxuuna yidhi: "Qof kasta ayaa iska leh, laakiin waxaanu haysanaa ciyaartoy xaqiiqadii khaas ah. Iniesta qadaadka ama madixiisa dhinaciisa danbe ayuu indho ku leeyahay, waana koox ciyaarsiiye aan la rumaysan karin”.
Enrique ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay badhigii Sergi Roberto wuxuuna yidhi: ” Sergi Roberto waajoker-kayaga, goob kasta ayuu ka ciyaari karaa, si fiican ayuu kubbada u haystaa, wuxuuna layaab ku leeyahay marka uu kubbada haysto.Wax kastaaba waxay udhaceen sidii aanu rajaynanay,aad ayaanu u faraxsanahay, waxayna ahayd mid taariikhda kooxda sax ku ah”.
Guushii Kulankii El-Clasico-da, Bandhigii Sergi Roberto, Isku Taagidii Jamaahiirta Madrid Ee Andres Iniesta, In Uu Messi Kursiga Kaydka Ku Reebay Iyo Waxyaabihii Uu Luis Enrique Ka Yidhi Guushii Ay Barcelona Ka Gaadhay Real Madrid
Tababaraha kooxda Barcelona ee Luis Enrique ayaa farxad wayn ka muujiyay guushii ay kooxdiisa Barcelona ka gaadhay dhigeeda ay sida wayn u xifiltamaan ee Real Madrid, kulankii El-Clasico-da ee Santiago Bernabeu xalay ka dhacay. Haddaba anaga oo hore