Tababare Manuel Pellegrini Oo Qirtay In Guuldaradii Xalay Kooxdiisa Manchester City Ka Soo Gaadhay Liverpool In ay Ahayd Guuldaradii Ugu Xumayd Ee Soo Gaadhay Waayihiisa Tababaranimo Ee Citizens

0
Sunday November 22, 2015 - 11:15:39 in Sports News by
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Manuel Pellegrini Oo Qirtay In Guuldaradii Xalay Kooxdiisa Manchester City Ka Soo Gaadhay Liverpool In ay Ahayd Guuldaradii Ugu Xumayd Ee Soo Gaadhay Waayihiisa Tababaranimo Ee Citizens

    Tababaraha kooxda Manchester City ee Manuel Pellegrini ayaa qirtay in guuldaradii xalay kooxdiisa ka soo gaadhay kooxda Liverpool in ay ahayd guuldaradii ugu xumayd waayihiisa tababaranimo ee kooxda Etihad Stadium ka dhisan. Liverpool ayaa 30 kii daq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababaraha kooxda Manchester City ee Manuel Pellegrini ayaa qirtay in guuldaradii xalay kooxdiisa ka soo gaadhay kooxda Liverpool in ay ahayd guuldaradii ugu xumayd waayihiisa tababaranimo ee kooxda Etihad Stadium ka dhisan. Liverpool ayaa 30 kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horeeyayba 3:0 hogaanka ciyaarta ku hasyay iyada oo qaladka ugu wayn uu sameeyay difaaca City eeEliaquim Mangala oo Liverpool gool hadiyad ah hogaanka ugu dhiibay.

Pellegrini

Manchester City ayaa xalay lumisay fursad ay hogaanka horyaalka ku sii haysan lahayd, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad waxaana ka hormaray Manchester United iyo Leicester City oo guulo ka gaadhay Watfrod iyo Newcastle United sida ay ukala horeeyaan. Waxaa kulankan City iyo Liverpool markii ugu horaysay kooxahooda ka horyimid Raheem Sterling oo qasbay in City uu ku biiro iyo James Milner oo si xor ah Reds ugu biiray

xagaagii aan soo dhaafna

.Sterling and James

Waxa uu ahaa kulan ay City ku baashaaleen xidigaha ree Brazil ee Roberto Firmino iyo Philippe Coutinho, waxayna City iyada oo garoonkeeda joogta ay la kulantay guuldaradii xili ciyaareedkan ugu xumayd ee Etihad Stadium ku soo gaadhay inkasta oo uu Pellegrini guuldaradan ku sifeeyay tii ugu xumayd waayihiisa City

.Coutinho and Firmino

Pellgrini ayaa yidhi: "Wax kastaaba way qaldameen.Waa wax aan macquul ahayn in aad sida ugu xun u difaacato, waa wax aan macquul ahayn in aad qaabka ugu liita u weerar tagto, anigu maan fahmin, anigu waligay maan arkin kooxdan oo u ciyaartay sidii ay caawa (xalay) u ciyaartay”.City3

Pellegrini ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Si fiican umaanu awoodin weerarka in aanu weerar ugs ciyaarno, fursado ayaanu luminay, waxaa lanaga dhaliyay afar gool, waxaananu ugu yaraan ogolaanay saddex ama afar fursadood oo goolal lagu dhalin karayay, haa, waxa uu ahaa badhigii ugu xumaa waayayga tabababaranimo. Waa wax ay adag tahay in la fahmo”.City

Tababare Jurgen Klopp ayaa kooxda Liverpool ku soo celiyay qaab ciyaareed fiican isaga waliba kulankan go’aan adag ku qaatay in uu Beniteke iyo Sturridge kursiga kaydka dhigo isla markaana uu Firmino fursad siiyo kaas oo sooc eliyay abaalkii iyo aaminaadii tababare Klopp uu kulankan siiyay.Klopp

Liverpool oo ay kulankii hore guuldaro garoonkeeda kaga soo gaadhay kooxda Crystal Palce ayaa kulankii Etihad Stadium soo badhigtay qaab ciyaareed aad uga fiican kii kulankii Anfield. Liverpool ayaa sare u soo kortay kala saraynta horyaalka Ingriiska , waxayna soo gashay kaalinta 9 aad iyada oo 8 dhibcood ka danbaysa kooxda hogaanka horyaalka qabtay ee Leicester city.Skrtel

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip