
Tababare Manuel Pellegrini Oo Qirtay In Guuldaradii Xalay Kooxdiisa Manchester City Ka Soo Gaadhay Liverpool In ay Ahayd Guuldaradii Ugu Xumayd Ee Soo Gaadhay Waayihiisa Tababaranimo Ee Citizens

Manchester City ayaa xalay lumisay fursad ay hogaanka horyaalka ku sii haysan lahayd, waxayna hadda ku jirtaa kaalinta saddexaad waxaana ka hormaray Manchester United iyo Leicester City oo guulo ka gaadhay Watfrod iyo Newcastle United sida ay ukala horeeyaan. Waxaa kulankan City iyo Liverpool markii ugu horaysay kooxahooda ka horyimid Raheem Sterling oo qasbay in City uu ku biiro iyo James Milner oo si xor ah Reds ugu biiray
xagaagii aan soo dhaafna
.
Waxa uu ahaa kulan ay City ku baashaaleen xidigaha ree Brazil ee Roberto Firmino iyo Philippe Coutinho, waxayna City iyada oo garoonkeeda joogta ay la kulantay guuldaradii xili ciyaareedkan ugu xumayd ee Etihad Stadium ku soo gaadhay inkasta oo uu Pellegrini guuldaradan ku sifeeyay tii ugu xumayd waayihiisa City
.
Pellgrini
ayaa yidhi: "Wax kastaaba way qaldameen.Waa wax aan macquul ahayn in
aad sida ugu xun u difaacato, waa wax aan macquul ahayn in aad qaabka
ugu liita u weerar tagto, anigu maan fahmin, anigu waligay maan arkin
kooxdan oo u ciyaartay sidii ay caawa (xalay) u ciyaartay”.
Pellegrini
ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Si fiican umaanu awoodin weerarka in
aanu weerar ugs ciyaarno, fursado ayaanu luminay, waxaa lanaga dhaliyay
afar gool, waxaananu ugu yaraan ogolaanay saddex ama afar fursadood oo
goolal lagu dhalin karayay, haa, waxa uu ahaa badhigii ugu xumaa
waayayga tabababaranimo. Waa wax ay adag tahay in la fahmo”.
Tababare
Jurgen Klopp ayaa kooxda Liverpool ku soo celiyay qaab ciyaareed fiican
isaga waliba kulankan go’aan adag ku qaatay in uu Beniteke iyo
Sturridge kursiga kaydka dhigo isla markaana uu Firmino fursad siiyo
kaas oo sooc eliyay abaalkii iyo aaminaadii tababare Klopp uu kulankan
siiyay.
Liverpool
oo ay kulankii hore guuldaro garoonkeeda kaga soo gaadhay kooxda
Crystal Palce ayaa kulankii Etihad Stadium soo badhigtay qaab ciyaareed
aad uga fiican kii kulankii Anfield. Liverpool ayaa sare u soo kortay
kala saraynta horyaalka Ingriiska , waxayna soo gashay kaalinta 9 aad
iyada oo 8 dhibcood ka danbaysa kooxda hogaanka horyaalka qabtay ee
Leicester city.


0 



Tababare Manuel Pellegrini Oo Qirtay In Guuldaradii Xalay Kooxdiisa Manchester City Ka Soo Gaadhay Liverpool In ay Ahayd Guuldaradii Ugu Xumayd Ee Soo Gaadhay Waayihiisa Tababaranimo Ee Citizens
Tababaraha kooxda Manchester City ee Manuel Pellegrini ayaa qirtay in guuldaradii xalay kooxdiisa ka soo gaadhay kooxda Liverpool in ay ahayd guuldaradii ugu xumayd waayihiisa tababaranimo ee kooxda Etihad Stadium ka dhisan. Liverpool ayaa 30 kii daq