
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 22-KA NOVEMBAR 2015-KA
Sidoo kale Golaha ammaanka ayaa ku ba aqay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada sha qeynta dowladaha dagaalka kula jira Daacish. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mar eykanka John Kerry ayaa maalmo ka hor sheegay in Daacish ay la kulmi doonaan cul eys ka baaxad weyn kii hore, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjari doono. Ruushka iyo Faransiiska ayaa haa tan si dhow ah isaga kaashanaya duqeymo joogto ah oo labadii maalmood ee u da mbeysay ku qaadayeen magaalooyin ku ya all Suuriya oo ay ku xoogan yihiin Daacish.
Kooxda dowladda Islaamiga ayaa sheega tay mas’uuliyada weerarkii Paris oo lagu dil ay 130 ruux, iyo diyaaradii Ruushka laga lah aa ee ku soo dhacday Gacanka Siinaay ee dalka Masar, taasoo soo ridisteeda loo ade egsaday waxyaabaha qarxa oo diyaarada la geliyay, waxaana diyaaradaas ku dhintay 224 ruux.
MAGAALADA UGU KORITAANKA BADAN DUNIDA OO MUQDISHO KA GASHAY KAALINTA 2AAD
Magaalada Batam ee dalka Indonisia ay aa ah magaalada ugu koritaanka badan caa lamka sida ay shaacisay hay’ada Demograp hia World Urban Areas ee fadhigoodu yahay dalka Maraykanka. Hay’adan oo xisaabisa heerka koritaanka magaalooyinka dadkoodu ka badan yahay hal Malyan oo ruux ayaa magaalada Muqdisho ku sheegtay inay tah ay magaalada 2aad ee caalamka ugu korita anka badan leh.
Batam ayaa ah magaalo ku dhow dalka Singapore waxaana ka shaqeeya gaadiid faro badan waxana koboca magaalada uu ka dhashay gaadiidka ka howlgala taasoo xiriir la leh deegaan warshado ah halka ga nacsiga xorta ahna uu magaalada saameyn ku yeeshay inay dad badan u soo shaqo tag aan.
Magaalada Batam ayaa waxaa ku nool dad gaaraya 1.1 million tirakoobkii iugu dam beeyay, waxana kororka magaalada lagu qiyaasay boqolkiiba 7.4% muddo sanad ah. Magaalada Labaad ee ugu koboca badan leh caalamka ayaa lagu sheegay in ay tahay magaalada Muqdisho caasimada dalka So omaaliya taasoo lagu sheegay tirada ku no ol inay gaareyso 2.1Milyan iyadoo koboca magaaladana uu yahay 6.9%.
Hay’adan ayaa koritaanka magaalada Muqdisho ku macneysay inay u sabab tahay ammaanka oo soo wanaagsanaaday iyo ra jo dhaqaale oo ka jirta magaalada hore uga ga guuray. ayna qoysas badan dib ugu soo laabteen magaalada.
AGAASIMAHA WASAARADDA GANACSIGA IYO WARSHADAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY DHIGIISA TURKIGA
Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/l lahi Xayir Ducaale ayaa magaalada Ankara kula kulmay Agaasimaha Wasaaradda War shadaha Science iyo Technology dalka Turk iga, iyagoo ka wada hadlay sidii uu iskaashi Ganacsi u dhex mari lahaa labada Wasaara dood. Agaasimaha ayaa waxaa uu kaloo la kulmay Shirkadaha Ganacsiga iyo Warshad aha dalka Turkiga, kuwaasoo doonaya inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashiga yaalla Soomaaliya.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo shirkadaha ganacsi ee dalka Turkiga inay maalgashi dhan kasta ah ku sameystaan Soomaaliya. Mr.C/llaahi Xa yir Ducaale ayaa ballan qaaday inay shi rkadaha ganacsi ee dalka Turkiga kala sha qayn doonan sidii ay maalgashi ugu samays an lahaayeen Soomaaliya, isagoo tilmaam ay in ay fulin doonaan codsiyada Shirkada haas ay soo gudbiyeen ee ku aadan dhanka maalgashiga.
Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Midowga Rugta Ganacsiga dalka Turk iga, waxaana uu kala hadlay sidii xiriir u dhex mari lahaa labada Rug Ganacsi ee So omaaliya iyo Turkiga, isla markaana taba ba ro la siiyo shaqaalaha Rugta Ganacsiga iyo sameynta Guddiyo ganacsi oo labada dal ah. Ugu dambeyn waxaa la isla gartay in Sa faaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ay Mas’uul ka noqoto ah Howlaha Baaxadda leh ee dhanka Maalgashiga ku saabsan ee Dowladda Turkiga ay doonayso inay ka samayso dalka Soomaaliya
QARAX KA DHACAY MAQAAXI KU TAALA DEGMADA BUULABARDE IYO KHASAARO KA DHA SHAY
Qarax xoogan, ayaa Duhurnimadii shalay ka dhacay maqaaxi ku taala Degmada Buu laburde ee G/Hiiraan, ka gadaal markii qar axaasi lagu diyaariyay maqaaxida.
Qaraxan, ayaa waxaa lala beegsaday dad shacab ah oo maqaaxidaasi ku shaaheey ay, waxaana la’ogyahay dhimashada nin dhalinyaro ahaa iyo dhaawaca saddex ruux, oo ay ku jiraan wiil shan bilood jir ah iyo haw eeneydii maqaaxidaasi haysatay.
Maqaaxidan, ayaa xilligii la beegsanaay ay waxaan jirin askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo fadhisay, iyadoona goobaha caafimaadka loo qaaday dadkii ku dhaaw c may qaraxaasi miino. Gudoomiyaha Degma da Buulabarde, C/casiis Duurow oo ka ha dlay qaraxaasi, ayaa dusha kaga tuuray Uru rka Al Shabaab, waxayna cadayn u tahay buu yiri xasuuqa ay shacabka Somaliyeed ku hayaan.
Gudoomiyaha, ayaa al shabaab ku eedee yay kuwo caadeystay daadinta dhiigga bu lshada Somaliyeed, isagoona ku baaqay in halmeel looga soo wada jeesto sida uu yiri nabadiidka. Inta badan Shabaabka, ayaa qa raxyo la beegsada maqaaxiyadaha ay fadhi yaan Ciidanka Dowladda. Mararka qaarko od waxay ku weeraraan bambada nooca ga canta laga tuuro. Shabaabka, ayaa ah awo odda keliya ee haatan dagaalka tooska ah kula jirta Dowladda Federalka Somaliya & Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom).
SHABAAB OO GURMAD XOOGAN U DAABULAY DEGMADA XARARDHEERE, XILLI CIIDANKA GALMUDUG AY KULAALAYAAN
Xoogaga Ururka Al Shabaab oo dadaal weyn ugu jira, sidii ay u difaacan lahaayen gacan ku haynta Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug, ayaa waxay Degmadaasi geeyeen gurmad xoogan. Gurmadkan, ayaa gaadiidka waaweyn ee xamuulka looga soo daabulay Bariga Gobolka Galgaduud, gaar ahaa Deegaanka Galhareeri iyo goobaha ka le ee ku dhow dhow.
Suxufiyiinta Gobolada Dhexe, ayaa soo sheegaaya in Shabaabku ay dareemeen cul eyska kaga imaanaaya Maamulka Galmud ug, waxaana taasi barbar socota Galmudug oo hubeynaysa dadka ku dhow dhow tuulo oyinka hoostagga Degmada Xarardheere.
Degmada Xarardheere, ayaa waxaa laga da reemay gurmadka xoogan ee Shabaabku ke eneen, waxayna u biro tumanayaan, sidii ay dagaal adag ula geli lahaayen Ciidanka Galmudug.
Shacabka reer Xarardheere oo saan sa an colaadeed dareemaaya, ayaan illaa iyo hadda sameynin wax barakac ah, balse had dii ay xaaladdu qaraaraato ma huri doona an. Ciidanka Galmudug, ayaa waxay ku su gan yihiin tuulo qiyaastii 14km u jirta Xarar dheere oo lagu magacaabo Bacath, dadka qaarkiina waxay ugu yeeraan bacad’.
Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur, ayaa sheegay in Galm udug ay ka go’an tahay, sidii ay gacanta u gu dhigi laheyd Degmada Xarardheere iyo dhulka kale, ee Shabaabku ka jooggaan Go bolada Galgaduud & Mudug.
BOOLISKA TURKIGA OO XIRAY NIN LOOGA SHAK ISAN YAHAY INUU KU LUG LAHAA WEERARKII PARIS
Booliska Turkiga ayaa xiray nin laga shak isan yahay inuu ku lug leeyahay weeraradii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Paris. Ahmet Dahmani oo 26 jir ah heysta dhalashada Belgium, balse asal ahaan ka soo jeeda Morocco ayaa lagu xiray hotel ku yaal magaalada loo dalxiis tago ee Antalya.
Ninkan ayaa lala xiray labo nin oo kale u dhalatay dalka Suuriya, kuwaasoo lagu xi ray meel ku dhow xuduuda, waxaana nink an looga shakisan yahay in todobaadyo ka hor ay Kooxda IS u dirtay Paris si uu u soo indha indheeyo goobihii todobaadki hore la weeraray.
Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xi ganeysa Wargeyska Dogan ee ka soo baxa Turkiga ayaa sheegaya ninkan ay si gaar isha ugu hayeen Booliska la dagaalanka Argagixisada. Ninkan lagu magacaabo Ah met Dahmani ayaa la sheegay inuu si nab ad ah xuduuda uga soo tallaabay, isla mark aana Booliska la dagaalanka Argagixisada ay la socdeen dhaq dhaqaaqiisa ilaa uu Hot el ka degayay.
Dhinaca kale dowladda Belgium ayaa he egan gelisay ciidamadeeda, kadib markii ay ka war heshay weeraro suura gal ah inay ka dhacaan goobo kala duwan oo ku yaala dalkaas. Ciidamo fara badan ayaa lagu ar kay goobaha dhulka hoostiisa ee laga raaco tareenada ee magaalada Brussles, waxa ana ay xirnaanayaan goobahaas ilaa maalin ta axada, maadaama ay suura gal tahay in weeraro ka dhacaan.
Ciidamo hubeysan gaafwareegaya caas imada Brussels Ciidamo hubeysan gaafwar eegaya caasimada Brussels Mid ka mid ah dadka la raadinayay Saleh Abdelsam ayaa wali laga baadigoobayaa gudaha Belgium oo uu dib ugu soo laabtay, ka dib markii we erarada ay ka dhaceen magaalada Paris.
Hey’addaha ammaanka Belgium ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo weeraro arga gixiso, waxaana Ra’iisul Wasaaraha dalka as Charles Michel uu ugu baaqay dadka ray idka ah inay aysan argagixin oo ay is dejiya an. Charles Michel ayaa sheegay inuu jiro halista weeraro la mid ah kii Paris, isla mar kaana ay jirto qatar ah in kooxo argagixiso ay adeegsadaan qaraxyo iyo hub goobo ka la duwan oo ku yaalla dalka.
Illaa iyo hadda saddex ruux ayaa loo xir ay inay ku lug leeyihiin weerarada, waxaana si aad ah ammaankooda loo xoojiyay goo baha dadka isugu yimaadaan, waxaana la baajiyay ciyaaro dhici lahaa. Qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay weeraradii Paris ayaa ka soo jeeda dalka Belgium, waxaana Mas’ uuliyiinta Faransiiska ay aaminsan yihiin in weerarka dalkooda lagu soo qaaday in laga abaabulay Belgium.
Tan iyo weerarkii Paris ee todobaadkii ho re dalalka Yurub ayaa heegan geliyay am maanka, iyagoo sare u qaaday feejignaanto oda weeraro argagixiso oo ay suura gal tah ay inay Kooxda Daacish ka geystaan dalal kooda.
KENYA OO SHAACA KA QAADAY IN XOOGAG SHABAAB KA TIRSAN AY SOO GALEEN GARISSA, WAJEER & MANDHEERA
Booliska Kenya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay gudaha u soo galeen 3 ka mid ah Magaalooyinka Gobolka Waqooyi Ba ri Kenya. Afhayeenka Booliska Kenya, Char les Owino oo shir jaraa’id ku qabtay M/Nay robi, ayaa sheegay in dagaalyahanada Al Shabaab ay galaangal u yeesheen inay gud aha u soo galaan Wajeer, Mandheere & Garissa.
"Sida ay ogaadeen hay’adaha ammaanku waxaa jira dagaalyahano ka tirsan Al Shab aab oo gudaha u soo galay 3 magaalo oo ka tirsan Kenya, waxayna kala yihiin Garis sa, Mandheera iyo Wajeer.” Ayuu yiri Afha yeenka Booliska Kenya. Charles Owino
Afhayeenka, ayaa cadeeyay in xoogaga am nigu ay ku daba jooggaan raggaasi, si looga hortaggo in ay weeraro ka fuliyaan goobo ka mid ah Magaalooyinka uu sheegay in ay soo galeen Xoogaga Al Shabaab.
"Laamaha ammaanka ayaa ku daba jog ga sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Xoo gagaasi, loogana hortaggi lahaa inay wee raro ka gaystaan M/looyinka Garissa, Man dheera iyo Wajeer”Ayuu yiri Charles Owino.
Owino, ayaa yiri "Anagoo xogtaasi la wa daageyno shacabkeena, ayaa waxaan ku wargelineynaa in xoogag Al Shabaab ka tirs an ay gudaha ugu jiraan Magaalooyinkaasi.”
Kenya, ayaa sanadihii ugu dambeeyay u nu gleyd weeraro xiriir ah oo kaga imaanaayay Ururka Al Shabaab, ka dib markii Ciidanka Militariga Kenya ay gudaha u soo galeen muddo afar sano laga jooggo.
XAALADA BELEDWEYN OO DEGGAN IYO WADDOOYIN XIRNAA OO DIB LOO FURAY
Xaalada magaalada Beledweyn ee G/Hiir aan ayaa maanta caadi ku soo laaba tay, ka dib markii odayaasha iyo waxgarad ka uu hogaaminayay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ay ku guuleysteen inay furaan wad ada laamiga ee halbowlaha u ah isu socod ka magaalada.Waxaa shalay subaxdii dib u bilowday dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodka, wax aana shacabka ku dhaqan Be ledweyn ay ku baaqayeen in nabadda la xo ojiyo. Odayaa sha iyo waxgaradka ayaa dad aal ugu jiray in la soo afjaray xiisada ka tag neyd magaala da, taasoo qal qal badan iyo jahwareer ku abuurtay dadka deegaanka.
Maleeshiyadii hubeysneyd ee ka careys neyd dilkii Sarkaalkii u shaqeynayay hey’ad da Mine Action ayaa lagu qanciyay inay fura an wadada laamiga aheyd ee ka xirneyd dhanka xerada daraawiishta, waxaana ay ogolaadeen inay meesha ka tagaan.
Wada hadalo xal looga gaarayo xiisada ka dhalata dilkii 14kii bishan loo geystay sarka alka u shaqeynayay Mine Action ayaa wali socota, waxaana la filayaa in Guddiyada ku howlan dhameynta xiisada ay war soo saa raan.
Maleeshiyada ku heybta ah sarkaalkii la dilay ayaa ka carooday markii dorraad gudaha magaalada uu dib ugu soo laabtay G/G/Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ka dib markii uu ku hoyday habeennadaanba Xera da AMISOM ee duleedka Beledweyn.
Si kastaba ha ahaatee Guddiga dowladda Soomaaliya u xil saartay baaritaanka dilkii Sarkaalka u shaqeynayay QM.ee 2maalin ka hor gaaray Beledweyn ayaa wali wax war ah ka soo bixin, walina m/gudaha ma aanay u soo gelin.
CIIDANKA DOWLADDA OO GACANTA KU DHIGAY RAG IYO DUMAR KA TIRSAN URURKA AL SHABAAB
Hawlgal shalay laga sameeyay Xarunta G/ Bakool Ee M/ Xudur, ayaa waxaa lagu soo qab qabtay xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, iyadoo dhinaca kalana ay bilowdeen baaritaano ka dhan ah. Xubnaha la soo qab qabtay oo aan weli si sax ah tiradoodu loo shaacin, ayaa waxaa hadana sida la sheegay ku jira kuwo Magaaladaasi loo keenay, sidii ay dilal kaga samayn lahaayen.
G/Ku Xigeenka M/Xudur, Aadan Cabdi Maxamed oo la hadlay Warbaahinta guda ha, ayaa sheegay in dadka la soo qab qabtay ay bilaa hub ku soo galeen M/ Xudur.
"Waxay ahaayen kuwo loo soo diyaariy ay inay dilal ka gaystaan Magaalada, wuxuu qorshahoodu ahaa marka ay soo galaan Ma gaalada, in laga daba keeno hubkii ay dad ka ku dili lahaayen.” Ayuu yiri Gudoomiye Ku Xigeenka.
"Anagoo helnay macluumaadka ku saabs an inay soo galeen M/Xudur, ayaan qaad nay hawlgalkii lagu soo qab qabtay ragga iyo dumarka ka tirsan waxa loogu yeero Am niyaadka Al Shabaab. Hadana baaritaano ayaa socdo.” Ayuu yiri Aadan Cabdi Maxam ed."
M/Xudur waa mid ammaan ah oo dadku ay dareemayaan ammaanka ka jira, cid kas ta oo damacda inay dhaawacdo ammaanka asina si adag ayaan ula dagaalami doon naa.” Ayuu sii raaciyay Aadan Cabdi. Al Sha baab, ayaa weeraro muuqdo ka wada dhul ka ay gacanta ku hayso Dowladda FS. Iyag oona diidan jiritaanka DF iyo joogitaanka da lka ee ciidmada Amisom.
WAKIILKA QARAMADA MIDOOBEY U QAABILS AN SOOMAALIYA NICHOLAS KAY OO LA BEDELAAYO
Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nic holas Kay ayaa lagu wadaa in bisha soo so coto la bedelo, waxaana Danjiruhu uu dha meystay 2sano oo uu wakiil uga ahaa Soo maaliya QM. Danjire Kay ayaa waxaa u dha maatay muddo 2sano ah oo ah waqtiga lo ogu tala galay Mas’uulka hogaaminaya howl galka QM ee Soomaaliya, iyadoo horay lix bil oo dheeraad ah loogu daray.
Nicholas Kay ayaa maalmahan safaro ku marayay gobolada dalka, si uu u sagootiyo, waxaana uu kula kulmay m/Garowe Mada xweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Mada xweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faro ole. Madaxweyniyihii hore ee Puntland C/r axmaan Faroole ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in Danjire Nicholas Kay uu la sii joogo, inta uu ka dhamaanayo sanadka 2016, maadaama uu xusay inuu xog ogaal u yahay barnaamijka geedi socodka siyaasa da ee sanadka soo socda la doonayo in doo rasho dalka ka dhacdo.
Danjire Nicholas Kay ayaa lagu wadaa inuu bedelo nin ay isku wadan yihiin, kaa soo aan wali la soo magacaabin, waxaana loo badinayaa inuu noqdo Diblomaasi Bri tish ah oo horay uga soo shaqeeyay dal Afrikaan ah.
Xoghayaha Guud ee QM.Ban Kimoon ayaa 29kii bishii April sanadkii 2013 magac aabay Danjire Nicholas Kay, waxaana uu be delay danjirihii ka horeeyay Ausgutine Mah iga oo u dhashay dalka Tanzania.
SIYAASIYIIN LAGU DELDELAY BANGLADESH AMMAANKA BANGLADESH AYAA LA ADKEEYAY, KA DIB DELDELAADA LABADA SIYAASI.
Waxaa la adkeeyay ammaanka dalka Bangladesh kaddib markii ay dowladda dalkaasi xukun dil ah ku fulisay laba ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka, kuwaas oo loo haystay in ay dembiyo dagaal galeen xilligii uu socday dagaalkii uu dalkaasi madax bannaanida kaga qaadanayay Pakistan 1971.
Salahuddin Quader Chowdhury, oo ka mid ah labada nin ee la deldelay, ayaa ahaa siyaasi caan ah oo lix jeer loo doortay baarlamaanka dalkaasi.
Ninka kale oo lagu magacaabo Cali Axsan Maxamed Mujahid, ayaa xubin sare ka ahaa xisbiga Islaamiga ah ee Bangladesh ugu weyn, Jamaacatul Islami.
Waxaa laga cabsi qabaa in deldelaadooda ay ka dhalato carro dadweyne iyo rabshado.
Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Sheekh Hasina, ayaa beenisay eedeymo ah in deldelaada ay ka dhalatay qorshe siyaasadeed.
WARGEYSKAMOGADISHU TIMES OO 23 SANO JIRSADAY
Q/4aad
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 22-KA NOVEMBAR 2015-KA
GOLAHA AMMAANKA EE QARAMADA MIDOOBEY OO ANSIXIYAY WEERAR KA DHAN AH DAACISH Golaha ammaanka ee QM ayaa meel mari yay qaraar ay soo gudbisay dowladda Fara nsiiska, kaasoo ku aadan dagaal ballaaran oo lala galo kooxda dowladda Islaamiga ama Daacish.