Hordhac: Manchester City vs Liverpool: Silva Oo Aan Qatar La Galin Doonin Xili Sturridge iyo Aguero Ay Ciyaari Doonaan

0
Saturday November 21, 2015 - 10:42:48 in Sports News by
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Manchester City vs Liverpool: Silva Oo Aan Qatar La Galin Doonin Xili Sturridge iyo Aguero Ay Ciyaari Doonaan

    Kooxda hogaamineysa horyaalka Ingiriiska ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda kaalinta 10-aad iyadoo Jurgen Klopp uu mar kale soo booqan doono Etihad Stadium waana markiisii labaad madama uu Champions League kaga hor yimid kooxdaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda hogaamineysa horyaalka Ingiriiska ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda kaalinta 10-aad iyadoo Jurgen Klopp uu mar kale soo booqan doono Etihad Stadium waana markiisii labaad madama uu Champions League kaga hor yimid kooxdaan.

Macalinka reer Jarmal ee hogaamiya kooxda Reds ayaa kaliya hal jeer guuldaro la kulmay tan iyo markii uu kooxda majaraheeda qabtay.

Manchester City ayaa dooneysa iney kaalinta koowaad sii ahaato balse waa iney dubato Liverpool inkastoo ay kusii xiran tahay arintooda Arsenal iyo Manchester United.

manchester-city-vs-liverpool1WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Manchester City vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Garoonka: Etihad Stadium

Saacadda: 8:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore: Jon Moss (England)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Manuel Pellegrini ayaa xaqiqijiyay in Aguero uu dib ugu soo laabanayo kooxda kadib markii uu lix isbuuc garoomada ka maqnaa, xidigaan reer Argentina ayaa mar kale gashan doona maaliyada City tan iyo markii uu shan gool ka dhaliyay Newcastle United 3-dii October.

Macalinkaan reer Chile ayaa xaqiijiyay in David Silva uusan qatar galin doonin isla markaana fursad u siin doona si uu usoo kabsado, sidoo kalana Kompany iyo Bony ayaa kulankaan ciyaari karin.

Dhanka kale Daniel Sturridge ayaa kulankaan u diyaar ah wuxuuna markii ugu horeysay ka hoos ciyaari doonaa Jurgen Klopp.

Mamadou Sakho ayaa laba bilood garoomada ka maqnaan doona kaas oo jilibka ka dhaawacan, waxaana buuxin doona booskiisa Dejan Loven.

Dhanka kale James Milner ayaa filanaya inuu dib ugu soo laabto Liverpool kadib markii uu ku maqnaa dhaawac mudooyinkii ugu dambeeyay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Manchester City:

Hart; Sagna, Mangala, Otamendi, Kolarov; Fernando, Fernandinho; De Bruyne, Toure, Sterling; Aguero

Liverpool:

Mignolet; Clyne, Lovren, Skrtel, Moreno; Lucas, Can, Lallana, Ibe, Coutinho; Benteke

MA OGTAHAY?

Liverpool kaliya 6-jeer ayey guuldaro kala kulantay Manchester City 30-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay isku arkaan labadaan kooxood horyaalka Ingiriiska.

Liverpool kaliya laba jeer ayey shabaqeeda difaacatay 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay horyaalka isku arkaan City.

Kooxda Liverpool ayaa dhalisay 19-gool, 18-kulan oo ay booqatay kooxda Manchester City.

Daniel Sturridge ayaa kasoo hormuuqanaya kooxdisii hore isagoo u 21-kulan oo uu kooxdaan City u saftay u dhaliyay 5-gool.

Kulankii ugu dambeeyay ee labadaan kooxood ku dhexmaray Etihad Stadium City ayaa ku badisay 3-1 ciyaar Jovetic iyo Aguero ay shabaqa gaareen.

Jurgen Klopp ayaa barbaro ku galay Etihad Stadium isagoo tababare u ah Dortmund ciyaar dhacday October 2012.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip