Hordhac: Real Madrid vs Barcelona (El-Clasico): Lionel Messi Oo Fursad Yar Heysta & BBC Oo Wada Diyaar Ah

0
Saturday November 21, 2015 - 10:40:24 in Sports News by
  • Visits: 1195
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid vs Barcelona (El-Clasico): Lionel Messi Oo Fursad Yar Heysta & BBC Oo Wada Diyaar Ah

    Kulankii ugu horeeyay El-Clasico xili ciyaareedka 2015-2016 ayaa caawa ka dhacaya garoonka Santiago Bernabeu markaasna Real Madrid ayaa martigalin doonta kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii ugu horeeyay El-Clasico xili ciyaareedka 2015-2016 ayaa caawa ka dhacaya garoonka Santiago Bernabeu markaasna Real Madrid ayaa martigalin doonta kooxda ay xifaaltamaan ee Barcelona.

Inkastoo ay weeraro ka dhaceen magaalada Paris hadana wasaarada ciyaaraha Spain ayaa si cad u sheegtay in kulankaan horay loo wadi doono isla markaana aan loo baajin doonin dhibaatooyinkii dhacay darteed inkastoo sidoo kale ay xaqiijiyeen in ilaalo dheeraad ah oo dhanka amaanka ah la keeni doono.

El-Clasico-Real-Madrid-vs-Barcelona-2014-2015

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Real Madrid vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Saacadda: 8:15 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore: David Fernandez (Spain)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Kooxda martida ah ayaa war farxad leh heshay markii uu tababarka isbuucii dhamaaday kasoo muuqday Lionel Messi kaas oo xanuun dhanka jilibka ah kasoo bogsoday.

Ivan Rakitic ayaa sidoo kale shaki la galinayaa kadib markii uu canqawga xanuun kasoo gaaray, Sergio Busquets ayaa la rajeynayaa inuu ciyaaro inkastoo ay jugi kasoo gaartay kulankii England.

Dhanka kale kooxda martida loo yahay ayaa la xanuunsaneed mudooyinkii ugu dambeeyay dhaawaca Keylor Navas oo ah darbiga ugu adag ee kooxdaan, balse haatan waxey u muuqataa inuu taam yahay.

Karim Benzema ayaa dib ugu soo laaban kara kooxdaan inkastoo uu dhaawac muruqa ah qabay sidoo kalana xidigaan heerka caalami waxaa hareysay fadeexad aan wali dhamaan.

Gareth Bale ayaa kusoo bilaaban kara kulankaan iyadoo Rafael Benitez laga sugayo inuu kala maareeyo khadkiisa dhexe.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Real Madrid:

Navas, Pepe, Ramos, Varane, Danilo, Kross, Modric, Casemiro, Isco, Ronaldo, Bale

Barcelona:

Bravo, Pique, Alves, Alba, Mathieu, Busquets, Iniesta, Rakitic, Suarez, Neymar, Messi

MA OGTAHAY?

Markii ugu dambeysay ee ay labadaan kooxood ku kulmaan Santiago Bernabeu Los Blancos ayaa ku adkaatay 3-1 ciyaar Pepe, Benzema iyo Ronaldo ay goolal dhaliyeen.

Barcelona ayaa badisay kulankii lugta labaad ee ka dhacay Camp Nou, waxeyna ku adkaatay ciyaar uu goolka guusha dhaliyay Suarez.

58-kulan ee ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood ciyaareen Barcelona ayaa guulo badan 25-jeer ayey badisay, halka Madrid ay badisay 17-jeer, 16-jeer ayeyna barbaro galeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip