Hordhac: Juventus vs Ac Milan: Kulanka Ugu Weyn Serie A-da Oo Ka Dhici Doona Magaalada Turin

0
Saturday November 21, 2015 - 10:37:48 in Sports News by
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Juventus vs Ac Milan: Kulanka Ugu Weyn Serie A-da Oo Ka Dhici Doona Magaalada Turin

    Kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga balse haatan fadhisa kaalinta 7-aad ee horyaalka ayaa gurigeeda kusoo dhaweeneysa dhigeeda Milan waana kulanka ugu weyn horyaalka Serie A-da talyaaniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda difaacaneysa horyaalka Talyaaniga balse haatan fadhisa kaalinta 7-aad ee horyaalka ayaa gurigeeda kusoo dhaweeneysa dhigeeda Milan waana kulanka ugu weyn horyaalka Serie A-da talyaaniga.

Farqiga u dhaxeeya labadaan kooxood waa kaliya 2-dhibic, waxeyna kala fadhiyaan laba darajo oo isku xigta marka la eego kala sareynta heerka koowaad.

Kabtanka kooxda Ricardo Montolivo ayaa doonaya in wiilasha Rosaneri ay ka jawaabaan barbardhicixumaa ee ay la galeen Atalanta marka ay caawa u martiyaan Juventus.

JUVE_MILAN
WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Juventus vs Milan

Tartanka: Serie A Italia

Garoonka: Juventus Arena

Magaalada: Turin

Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Ac Milan waxaa hareeyay dhibaatooyin dhaawac iyadoo ay macquul tahay in caawa ay u dhibtoodaan xidigahaas, Mario Balotelli ayaa seegi doona kulankaan iyadoo De Jong isna goor hore la xaqiijiyay waxaana shaki la galinayaa oo aysan u sahlaneen inuu ciyaaro Bertolocci.

Dhanka kale Juventus iyaduna dhaawacyo ayey qabaan Buffon ayaa shaki la galinayaa inuu safto kulankaan kadib xanuun soo wajahay kadib kulankii Romania, sidoo kalana waxaa shaki la galinayaaStephan Lichtsteiner, Martin Caceres iyo Mario Mandzukic.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

juventus:Neto; Lichtsteiner, Bonucci, Chiellini, Evra; Khedira, Marchisio, Pogba; Cuadrado, Morata, Dybala.

AC Milan:

Donnarumma; Abate, Romagnoli, Mexes, Antonelli; Kucka, Montolivo,Bonaventura; Cerci, Bacca, Niang.

MA OGTAHAY?

Juventus ayaa guulo badan kulanka labadaan kooxood madama ay badisay 58-jeer, halka Milan ay badisay 48-jeer, 54-jeerna barbaro ayey galeen 160-kulan oo ay ciyaareen horyaalka talyaaniga.

Juventus shan jeer oo xiriir ah ayey garaacday Milan waana markii labaad oo ay sidaan sameyso iyadoo markii ugu horeysay ay sameysay intii u dhaxeysay 1980 ilaa 1984, waligeedna lix jeer oo xiriir ah kama badin, balse caawa ayey fursad u heysataa.

Tan iyo sanadkii 2006 wax barbaro ah ma galin marka ay labadaan kooxood isku wajahaan garoonka Juventus Arena lix jeer waxaa badisay Juve, halka Milan ay badisay 2-jeer oo qura.

Juventus labadii kulan ee ugu dambeeyay wey badisay Serie A-da, balse wali sadex jeer oo xiriir ah ma badin tan iyo bishii April ee sanadkaan xili uu dhamaad ku dhawaa xagaagii hore.

Juventus ayaan wax guuldaro ah aysan soo gaarin dhamaan 8-kulan oo ay tartamada dhan ciyaartay balse uu kusoo bilowday Claudio Marchisio, (4-guul iyo 4-barbardhac), balse 9-kulan oo uu ka maqnaa (afar guuldaro ayaa haleshay).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip