Hordhac: Watford vs Man United: LVG Oo Dhibaato Weerar La'aan Ah Ay Lasoo Daristay, Ayuu Guul Ka Sugayaa?

0
Saturday November 21, 2015 - 10:34:27 in Sports News by
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Watford vs Man United: LVG Oo Dhibaato Weerar La'aan Ah Ay Lasoo Daristay, Ayuu Guul Ka Sugayaa?

    Manchester United ayaa booqan doonta kooxda Watford kulanka ugu soo horeeya maanta kaas oo soo gali doona xiliga qadada waxaana ay kooxdaan hami ka leedahay iney si kumeel gaar ah hogaanka horyaalka u qabato iyadoo heysata fursado saacado ah oo ay ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa booqan doonta kooxda Watford kulanka ugu soo horeeya maanta kaas oo soo gali doona xiliga qadada waxaana ay kooxdaan hami ka leedahay iney si kumeel gaar ah hogaanka horyaalka u qabato iyadoo heysata fursado saacado ah oo ay ku naaloon karto waase hadii ay guul gaarto.

Kaliya laba dhibcood ayey ka hooseysaa kooxaha Manchester City iyo Arsenal oo hogaankas iskula lamaan ah, sidoo kale Louis Van Gaal maanta dhibaato dhanka weerarka ah ayaa heysata madama Martial iyo Rooney ay kulankaan seegi doonaan sidoo kalana Fellaini iyo James Wilson ayaa iyaguna dhaawacyo qaba.

Watford

Macalinkaan reer Holland ayaa goolal iyo guulba uga fadhiya xidigaha Memphis Depay, Juan Mata iyo Jesse Linagardkuwaas oo la rumeysan yahay iney galabta si wadajir ah u ciyaari karaan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Watford vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka:Vicarage Road

Saacadda: 3:45 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore:Robert Madley (England)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Anthony Martial iyo Wayne Rooney ayaa gabi ahaanba seegi doona kulankaan iyadoo Carrick, Valencia iyo Fellaini ay qudhooda seegayaan waxaana United soo wajaheysa weerar la’aan.

Da’yarka reer England Jesse Lingard ayaa fursad fiican heli doona kaas oo kusoo bilaabanayay kulamadii ugu dambeeyay wuxuuna xambaari doonaa masuuliyad tii hore ka weyn.

Juan Mata iyo Ander Herrera ayaa mar kale garoon isla gali doona madama dhaawacyada ay bateen halka Depay uu isna maanta fursad heli karo.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Watford:

Gomes, Nyom, Cathcart, Britos, Ake, Anya, Capoue, Watson, Abdi, Deeney, Ighalo

Manchester United Utd:

De Gea, Young, Smalling, Blind, Rojo, Schneiderlin, Schweinsteiger, Mata, Herrera, Lingard, Depay

MA OGTAHAY?

Manchester United wax dhib ah uma aragto iney wajahdo Watford madama ay dhamaan guul ka gaartay afartii kulan ee ay ebid isaga hor yimaadeen Horyaalka.

Sidoo kalana Guulo ayey gaartay Man United 9-kulan oo ay isku wajaheen dhamaan tartamada oo dhan.

Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood is arkaan waxey aheyd 2007 waxeyna isku arkeen Semi Finalka koobka FA Cupka.

Rooney ayaa dhaliyay laba gool, Ronaldo iyo Kieran Richardson ayaana labada kale dhaliyay ciyaar ay United 4-1 ku badisay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip