Hordhac: West Brom vs Arsenal: Wiilkii La Masia – Hector Bellerin – Waa Soo Laabtay Wenger Oo Guul U Baahan Galabta

0
Saturday November 21, 2015 - 10:31:35 in Sports News by
  • Visits: 1064
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: West Brom vs Arsenal: Wiilkii La Masia – Hector Bellerin – Waa Soo Laabtay Wenger Oo Guul U Baahan Galabta

    Arsenal ayaa dooneysa iney kusii jirto qaab ciyaareedkeda quruxda badan ee ay ka wado horyaalka Ingiriiska marka ay u martiso West Brom waana kulan u xasaasi ah Wenger madama uu doonayo inuu ka faa'ideysto culeeska Heysta Manchester City taasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa dooneysa iney kusii jirto qaab ciyaareedkeda quruxda badan ee ay ka wado horyaalka Ingiriiska marka ay u martiso West Brom waana kulan u xasaasi ah Wenger madama uu doonayo inuu ka faa'ideysto culeeska Heysta Manchester City taasoo Etihad kusoo dhaweyn doonta Liverpool si uu kali ugu noqdo hogaanka Horyaalka.

Guul ay gaarto Gunners waxey gaarsiineysaa iney sadex dhibcood ka sara maraan Manchester City oo kulankeeda kadib ciyaareysa, sidoo kalana waxey noqoneysaa guuldaradii sadexaad oo xiriir ah oo ay ka gaaraan West Bromwich Albion.

Prediksi-WBA-vs-Arsenal



WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: West Brom vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garoonka:The Hawthorns

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore:Mark Clattenburg (England)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Jamaahiirta Arsenal waa faraxsan yahiin madama uu dib ugu soo laabtay wiilka kusoo barbaaray kuleejka La Masia Hector Bellerin kaas oo dhaawac ku seegay kulamadii kooxda ugu dambeeyay.

Laurent Koscielny ayaa la filayaa in caawa la nasiyo madama wali maskaxdiisa ay ka dhex guuxeyso dhibaatadii ka dhacday Paris, Gabriel ayaana la filayaa inuu badalo.

Wenger ayaa xaqiijiyay in Ramsey, Chamberlain iyo Walcott ay dhaawacyo ku seegi doonaan iyadoo Rosicky, Wilshere iyo Welbeck warkooda aan la heyn.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

West Bromwich Albion:

Myhill; Dawson, Olsson, Evans, Brunt; Morrison, Fletcher, Yacob, McClean, Sessegnon; Rondon

Arsenal:

Cech; Bellerin, Mertesacker, Gabriel, Monreal; Campbell, Coquelin, Cazorla, Ozil, Sanchez; Giroud

MA OGTAHAY?

Arsenal rikoor fiican ayey ka heysataa West Brom madama ay kaliya hal guuldaro la kulantay 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay is arkeen dhamaan tartamada oo dhan.

10-sano ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay oo ay West Brom gurigeeda uga badiso Arsenal waxaana markaas guusha siiyay Nwankwo Kanu oo ah xidig soo maray Arsenal kulan ku dhamaaday 2-1 oo dhacay October 2005.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip