21-Xaqiiqo Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Adag Ee El-Clasico

0
Saturday November 21, 2015 - 10:28:59 in Sports News by
  • Visits: 1297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    21-Xaqiiqo Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Adag Ee El-Clasico

    Maanta waxaa dunida kubada cagta laga hadal hayaa kulanka adag ee dhexmari doona caawa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kaas oo lagu magaceeyay El-Clasico.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaa dunida kubada cagta laga hadal hayaa kulanka adag ee dhexmari doona caawa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kaas oo lagu magaceeyay El-Clasico.

Kulankaan waa mid si waad ah loo wada sugayo waxaana idiin soo koobnay 21-xaqiiqo oo ay fiican tahay inaad sii ogaato ka hor inta aadan daawan ciyaartaan.

Xaqiiqooyinkaan waxaan kasoo xiganay intooda badan OPTA oo ah quburo isku howshay iney aruuriyaan xog walba oo kubada cagta ah.

Xaqiiqo

Sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay kulankaan El-Clasico labada dhinacba goolal ayey dhalinayeen markii ugu dheereed oo ay sidaas sameeyaan waxey aheyd 1946 ilaa 1952 (13-kulan oo xiriir ah ayeyna goolal iska dhaliyeen).

Real Madrid wax guuldaro ah kulama kulmin gurigeeda 22-dii kulan ee ugu dambeysay horyaalka La Liga, iyadoo kaliya hal gool looga dhaliyay shantii kulan ee ugu dambeysay.

Real Madrid kaliya laba jeer ayey badisay 7-dii kulan ee ugu dambeysay oo ay gurigeeda ku qaabishay kulamada horyaalka kooxda Barcelona (1-barbaro iyo 4-guuldaro) ayeyna ka heleen.

Dhamaan tartamada oo dhan Real Madrid ayaa kaliya guul gaartay 3-jeer, 12-kii kulan ee ugu dammbeeyay oo ay gurigeeda ku qaabishay kooxda Barcelona (3-barbaro iyo 6-guuldaro) Ayeyna heleen.

Luis Enrique kooxdiisa laba jeer ayey guuldaro la kulmeen sadexdii jeer ee ugu dambeysay oo ay banaanka kusoo ciyaarta 1-guul ayey gaareen.

Real Madrid wax guuldaro ah lama kulmin iyadoo ku ciyaareysa Bernabeu mudada uu macalinka u yahay Rafael Benitez kulamada horyaalka kaliyana 1-gool ayaa laga dhaliyay 5-kulan oo ay ku ciyaartay.

Rafael Benitez 10-kulan oo uu Barcelona kaga horyimid horyaalka La Liga 6-jeer ayuu guuldaro kala kulmay kaliyana 3-guul ayuu ka helay iyo 1-barbaro.

Markii ugu dambeysay oo ay Real Madrid hesho kubad heysasho ka badan mida Barcelona kulanka El-Clasico waxey aheyd 7-dii May 2008 markaasna waxey keeneen (54.3%).

Barcelona waa kooxda ugu badan ee rigoore lagu abaalmariyay xili ciyaareedkaan dhamaan shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub 8- ayaana loo dhigay.

Lionel Messi wuxuu ka qeyb qaatay 8-gool sagaalkii kulan ee ugu dambeysay oo ay Barcelona kula ciyaartay Santiago Bernabeu Real Madrid dhamaan tartamada oo dhan, 5-gool iyo sadex caawinaad ah.

Hadii Messi uu kulanka caawa gool dhaliyo wuxuu noqonayaa gooldhaliyaha ugu sareeya kulanka El-Clasico kulamada horyaalka madama uu haatan barbaro kula yahay rikoorkaas Di Stéfano oo ay wad leeyahiin min 14-gool.

17-kii gool ee ugu dambeeyay oo ay dhaliso kooxda Barcelona waxaa kala qeybsaday Neymar (9) iyo Suarez (8).

Neymar JR ayaa ka qeyb qaatay 16-gool, 19-kii gool ee ugu dambeeyay oo ay Barca dhaliso dhamaan tartamada oo dhan (10-gool iyo 6-caawinaad).

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 6-gool oo ka mid ah 8-da gool oo uu xagaagan ka dhaliyay La Liga qeybta hore.

Kabtanka Portugal waa xidiga kaliya ee ka tirsan Madrid kaas oo kusoo wada bilowday dhamaan 15-ka kulan ee ay Madrid ciyaartay xili ciyaareedkaan.

Guud ahaan 170-kulan ayey kulmeen kooxaha Real Madrid iyo Barcelona kulamada horyaalka, Real Madrid ayaa badisay 71-jeer, halka Barca ay badisay 67-jeer, 32-jeerna barbaro ayey galeen, Real waxey dhalisay 278-gool halka Barca ay dhalisay 268-gool, Los Blancos waxey gurigeeda ku badisay 52-jeer, halka Barca ay gurigeeda ku badisay 49-jeer.

Copa Del Rey waxey kulmeen tiro 33-jeer ah, Real Madrid 12-jeer ayey badisay, halka Barcelona ay badisay 14-jeer, Los Blancos 68-gool ayey dhalisay halka Bulgarana ay dhalisay 66-gool.

Champions League waxey is arkeen tiro 8-jeer ah, Real Madrid ayaa badisay 3-jeer halka Barca ay badisay 2-jeer, 3-jeerna barbaro.

Guud ahaan tartamada rasmiga ah oo dhan waxey is arkeen labadaan kooxood 229-kulan, Real Madrid ayaa badisay 92-kulan, halka Barcelona ay badisay 89-gool, kulamadaan kuma jiraan kuwa aan rasmiga aheen oo saaxibtinimo ay isku arkeen.

Marka la eego tirada guud ee kulamada marka lagu daro kulamada saaxibtinimo waxey is arkeen 262-kulan, Real Madrid waxey badisay 96-kulan, halka Barcelona ay badisay 108-kulan, 58-jeer ayeyna barbaro galeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip