Arin Ugub Ah: Ciidamo Hubeysan Oo Caawa Lagu Arki Doono Gudaha Garoonka Wembley

0
Tuesday November 17, 2015 - 10:56:29 in Sports News by
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arin Ugub Ah: Ciidamo Hubeysan Oo Caawa Lagu Arki Doono Gudaha Garoonka Wembley

    Saraakiil ciidan ayaa la geyn doonaa garonka Wembley Stadium halkaas oo ay ka dhici doonto ciyaarta saaxibtinimo ee dhexmareysa xulalka England iyo France.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil ciidan ayaa la geyn doonaa garonka Wembley Stadium halkaas oo ay ka dhici doonto ciyaarta saaxibtinimo ee dhexmareysa xulalka England iyo France.

Kulankaan ayaa la ciyaari doonaa iyadoo kaliya ay afar maalin kasoo wareegtay weerarkii ka dhacay Paris xili ay socotay ciyaar u dhaxeysay xulalka Jarmalka iyo France.

Sida la filayo in ka badan 70,000 kun taageero ah ayaa soo xaadiri doona ciyaarta iyadoo sidoo kalelagu wargaliyay Taageerayaasha in garoonka gudahiisa ay ku arki doonaan ciidamo hubeysan si amaanka loo adkeeyo.

Mid ka mid ah saraakiisha amaanka dalka IngiriiskaPeter Terry ayaa saxaafada u xaqiijiyay in caawa jawiga garoonka uu ka duwanaan sidii hore isla markaana ay qiimeyn doonaan xaalada amaan ee garoonka iyadoo ay jirto munaasabad yar oo lagu xusi doono weerarkii ka dhacay Paris.



Boolis

Sidoo kale peter Terry ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amaanka garoonka Wembley sugi doona ay caawa adeegsan doonaan fardo iyo eeyo si ay amaanka u xoojiyaan.

Ugu dambeyntiina ma jirto hanjabaado ka dhan ah Ingiriiska oo ay soo jeediyeen kooxdii weerartay Paris, balse baqdinta arintaan laga qabo ayaa sii baaheysa iyadoo la kansalay ciyaartii dhexmari laheyd Belgium iyo Spain sababo amaanka ah daraadeed.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip