Hordhac: England vs France: Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Saaxibtinimo Ee Caawa Wembley Ka Dhici Doona

0
Tuesday November 17, 2015 - 10:54:36 in Sports News by
  • Visits: 1069
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: England vs France: Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Saaxibtinimo Ee Caawa Wembley Ka Dhici Doona

    Sida rajada laga qabo caawa waxaa qabsoomi doona kulan saaxiibtinimo oo dhexmari doona England iyo France hadii aysan dhicin qalalaasaha laga cabsi qabo wuxuuna kulankaan kusoo aadayaa xili kaliya laga joogo afar maalin weerarkii ka dhacay Paris halk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida rajada laga qabo caawa waxaa qabsoomi doona kulan saaxiibtinimo oo dhexmari doona England iyo France hadii aysan dhicin qalalaasaha laga cabsi qabo wuxuuna kulankaan kusoo aadayaa xili kaliya laga joogo afar maalin weerarkii ka dhacay Paris halkaas oo ay ku naf waayeen in ka badan 120-qof.

Xiriirka kubada cagta Faransiiska ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (FFF) ayaa door loo siiyay inuu baajin karo ciyaarta madama ay dhibaato soo gaartay dadkooda balse waxey go’aansadeen in ciyaarta ay dhacdo caawa ayeyna Wembley ka qabsoomi doontaa.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: England vs France

Kulan Saaxiibtinimo

Garoonka: Wembley Stadium

Saacadda: 11:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Jammie Vardy iyo Michael Carrick ayaa dhaawacyo ku seegi doona kulankaan iyadoos idoo kale Fabian Delph guud ahaan kulankaan laga saaray.

Wayne Rooney oo la nasiyay kulankii Spain ayaa caawa filanaya inuu kusoo bilowdo wuxuuna weerarka la wadaagi doonaa Kane iyo Sterling.

Jack Butland ayaa rajeynaya inuu caawa kusoo bilowdo iyadoo Eric Dier uu gali doono booska Michael Carrick, Ryan Mason iyo Lingard ayaana dib looga yeeray xulka.

Dhanka kale Scheniderlin, Martial, Giroud, Kosicleny iyo Sagna kuwaas oo dhamaantood ka xamaasha horyaalka Ingiriiska ayaa filanaya iney kusoo bilowdaan kulankaan.



Armed

LINE UPKA MACQUULKA AH:

ENGLAND:

Butland; Walker, Cahill, Stones, Bertrand; Dier, Shelvey; Sterling, Rooney, Lallana; Kane

FRANCE:

Lloris; Sagna, Varane, Koscielny, Evra; Schneiderlin, Pogba, Matuidi; Griezmann, Giroud, Martial

MA OGTAHAY?

Xulka Ingiriiska rikoor fiican kama heesto kulamada Faransiiska madama uusan wax guul ah ka dhadhamin lixdii kulan ee ugu dambeysay, afar jeer guuldaro iyo laba babaro ah ayuuna ka dhaxlay kulanakan.

Markii ugu dambeysay oo ay labadaan xul is arkaan waxey aheyd 2012 markaasoo ay ku wada jireen hal group koobkii Euro 2012 ee lagu qabtay Poland iyo Ukraine (1-1) ayuu kusoo dhamaaday kulankaas Lescott iyo Nasri ayaana isku jawaabay.

Lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaaraan labadaan xul France kulan walba waxey dhalinayeen hal ama laba gool.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip