
Salah Abdeslam oo loo aqoonsaday ninkii 8-aad ee ka dambeeyay weerarada Paris, lana doon doonaayo
Waxaa la soo saaray warqad caalami ah oo lagu soo xiri karo ninkaasi, meelkastaa oo lagu arko, waxaana wax muhiim ah loo arkaa in cadaaladda uu wajaho.
Salah Abdeslam, ayaa waxaa la sheegay in uu yahay ninkii dalka Belgium-ka ka soo kireeyay gaariga madow, ee lagu arkay meel ku dhow tiyaatarka Bataclan, iyadoo gaarigana laga helay qori AK47 ahaa.
Maalintii Sabtida, ayaa waxaa la arkay isaga iyo laba nin oo kale, markii Boolisku ay ku qabteen xuduuda Faransiiska iyo Belgium-ka, laakiin la ogaaday in uu yahay ninka la doon doonaayo, markii ay Boolisku fasaxeen.
Sida ay sheegayaan laamaha ammaanka ee Faransiiska iyo Belgium-ka ninkaasi, ayaa noqon kara maskaxdii ka dambeysay weeraradii habeenkii Jimcaha ka dhacay Magaalada Paris, inkastoo aanay weli xaqiiqo ahayn.


0 


Salah Abdeslam oo loo aqoonsaday ninkii 8-aad ee ka dambeeyay weerarada Paris, lana doon doonaayo
Booliska Faransiiska, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu jiro nin 8-aad oo ku lug lahaa weeraradii Magaalada Paris, balse uu weeraradaasi ka dib ka baxsaday Magaalada Paris.