Booliska oo ka hadlay dadka lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
Monday November 16, 2015 - 18:43:52 in Wararka by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska oo ka hadlay dadka lagu dilay Magaalada Muqdisho

    Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay dadka lagu dilay Xaafada Raadeerka ee Degmada Dayniile, xilli maanta Barqadii Askar ka wada tirsan Dowladda ay ku dagaalameen goob kaararka raashinka lagu qaato loogu qaybinaayay dad barakacaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka hadlay dadka lagu dilay Xaafada Raadeerka ee Degmada Dayniile, xilli maanta Barqadii Askar ka wada tirsan Dowladda ay ku dagaalameen goob kaararka raashinka lagu qaato loogu qaybinaayay dad barakacayaal ah. Cali Xersi Barre (Cali Gaab) Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay ciidanka ku dagaalamay Degmada Dayniile inay yihiin ciidan maleeshiyaad ah.

Waxa uu sheegay Cali Gaab inay socdaan baaritaan ku aadan sababta ka dambeysay dagaalka dhexmaray ciidanka uu ugu yeeray maleeshiyaadka, waxaana Taliye Cali Gaab uu intaasi hadalkiisa ku daray in dagaalkaasi uu ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Taliye Cali Gaab wuxuu tilmaamay in uu maqlay geerida Shan ruux oo uu ku jiro cunug yar, halka ay ku dhaawacmeen 12 ruux, rasaastii ay isku adeegsadeen ciidamada Dowladda ka tirsan ee halkaasi ku dagaalamay.

Ciidanka Dowladda ee dadka shacabka ah dushooda ku dagaalamayay, ayaa la sheegay inay sugayeen ammaanka goobta raashinka iyo kaararka loogu qaybinaayay dadka barakacayaasha ah.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir weli kama aysan hadlin dhacdadaan naxdinta leh ee maanta barqadii ka dhacday Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ka madaxbanaan Booliska ayaa xaqiijinaya in dhimashada dadka shacabka ah iyo ciidanka ay gaareyso 7 ruux oo labo ka mid ah ciidan ay yihiin, halka Shanta ruux ee kalena ay yihiin dadkii shacabka ahaa ee feelka ugu jiray raashinka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip