
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo amray in la bixiyo lacagaha canshuuraha ee lagu soo rogay guryaha Muqdisho
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho. Sida uu qorsheeyay Maamulkii Muungaab, ayaa waxaa guri kastaa
canshuur ahaan sanadkii loogu soo rogay lacag dhan boqol lacagta
Mareykanka ah, iyadoona ay qaylo dhaan ka muujisay bulshada reer
Muqdisho.
Gudoomiyaha oo gelinkii dambe ee Axadii xaflad soo dhawayn ah loogu sameeyay Degmada Dharkiinley, ayaa wuxuu ka sheegay in dadka laga doonaayo inay bixiyaan lacagahaasi.
"Lacagihii derisaynta ee Maamulkii hore uu faray in la bixiyo waxaa la rabaa in la dhiibo. Guri kasta waxaa la amray in uu bixiyo boqol dollar ($100), dadkana waxaa laga rabaa inay bixiyaan lacagahaasi.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Duqa Muqdisho, ayaa qeexay inaysan iyagu qaadan doonin lacagahaasi, balse ay wax kaga qabanayaan arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo wadooyinka.
"Lacagahaan maaha wax aan anaga jeebkeena gishaneyno, waxaa wax loogu qabanayaa bulshada, waxaana la gelin doonnaa waxbarashada, caafimaadka iyo laamiyada.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho.


0 



Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo amray in la bixiyo lacagaha canshuuraha ee lagu soo rogay guryaha Muqdisho
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir & Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa wuxuu muujiyay inaanan waxba laga bedelin lacagihii canshuuraha, ee Maamulkii Muungaab uu ku soo rogay guryaha ku yaala Magaalada Muqdisho.