Xiddigaha France Oo Qiyaar Loo Siiyay Inay Ka Baaqdaan Kulanka Saaxiibtinimo Ee Habeen Danbe Ka Dhacaya Wembley.

0
Monday November 16, 2015 - 10:11:24 in Sports News by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddigaha France Oo Qiyaar Loo Siiyay Inay Ka Baaqdaan Kulanka Saaxiibtinimo Ee Habeen Danbe Ka Dhacaya Wembley.

    Xiddigaha kooxda France ayaa ciyaar loo siiyay inay ka baaqdaan kulanka habeen danbe ee saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan England, waxaana nin waliba uu go'aansaday inuu ciyaarta ka qeybgalo oo sidii qorshuhu ahaa ay wax walba u socdaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddigaha kooxda France ayaa ciyaar loo siiyay inay ka baaqdaan kulanka habeen danbe ee saaxiibtinimo ee ay la ciyaarayaan England, waxaana nin waliba uu go'aansaday inuu ciyaarta ka qeybgalo oo sidii qorshuhu ahaa ay wax walba u socdaan.

Waxa ay tababar sameyn doonaan maanta galinka danbe ka dib marka ay shir jaraa’id ku sheegeen inaysan isku dhiibi doonin kuwii ka danbeeyay dilkii Paris ee damcay inay burburiyaan isbiiritkooda seddex maalmood ka hor.

Subaxnimadii axada weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud ayaa ahaa xiddigihii ugu danbeeyay ee France ee cambaareeyaya weeraradii jimcihii.

Waxa uu yiri: "Waxaa si weyn ii taabatay falkaan bani’aadanimada ka baxsan. Waxaan doonayaa inaan taageero u muujiyo qoysaska ay dhibaatadu soo gaartay.”

Galabnimada maanta oo isniin ah, tababaraha France Didier Deschamps ayaa waxaa shirka jaraa’id kula biiri doona mid ka mid ah xiddihiisa oo u hadli doona ciyaartoyda xulka France ka hor kulanka habeen danbe ka dhici doona Wembley.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip