Ka Dib CR7 Iyo Leo Messi, Waa Kuma Xiddiga Seddexaad Ee Uu Zinedine Zidane Ugu Jecel Yahay?

0
Monday November 16, 2015 - 10:07:31 in Sports News by
  • Visits: 1464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ka Dib CR7 Iyo Leo Messi, Waa Kuma Xiddiga Seddexaad Ee Uu Zinedine Zidane Ugu Jecel Yahay?

    Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday xiddiga seddexaad ee uu ugu jecel yahay ka dib Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday xiddiga seddexaad ee uu ugu jecel yahay ka dib Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Zizou ayaa sheegay in Eden Hazard uu yahay xiddiga seddexaad ee uu ugu jecel yahay ka dib Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo isagoo ku tilmaamay xiddiga Real Madrid diirada u saaran mid cajaa’ib leh.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Belgium ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Santiago Bernabeu bilihii u danbeysay ka dib hoos u dhicii soo wajahay kooxda Ingariiska ee Chelsea.

Zidane-Rooney-Hazard-Ozil
Zidane oo tababare u ah kooxda juunyeerka Real ayaa sheegay inuu ku riyaaqo daawashada Hazard oo ciyaaraya, waxaana ka dhaadhacsan in 24 jirkaan uu dhawaan ku soo laaban doono qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

"Ka dib Ronaldo iyo Messi, Hazard ayaa ah ciyaaryahanka aan ugu jeclahay. Waa cajaa’id in la daawado isagoo ciyaaraya” ayuu yiri xiddigii hore ee France.

"Miyaan arki doonaa isagoo u ciyaaraya Real Madrid? Waxaan kaliya oran karaa waan jeclahay ciyaaryahanka.

"Wax shaki ah iigama jirto inuu dhawaan dib u heli doono qaab ciyaareedkiisa.”

Xiddigii hore ee Lille ayaa heshiis 32 milyan ginni ah ugu soo wareegay Stamford Bridge bishii June 2012 isagoo xilli ciyaareedkii hore ku guuleystay abaalmarinta PFA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip