Cesc Fabregas Oo Aan Habeenkii Indhaha Isa Saarin Qaab Ciyaareed Xumida Chelsea Darteed.

0
Monday November 16, 2015 - 10:05:12 in Sports News by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cesc Fabregas Oo Aan Habeenkii Indhaha Isa Saarin Qaab Ciyaareed Xumida Chelsea Darteed.

    Cesc Fabregas ayaa qirtay inuu si weyn uga walwalsan yahay hoos u dhaca soo wajahay kooxdiisa Chelsea taasii ay ku hogaamisay inay habeenkii hurdo la'aani ku dhacdo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cesc Fabregas ayaa qirtay inuu si weyn uga walwalsan yahay hoos u dhaca soo wajahay kooxdiisa Chelsea taasii ay ku hogaamisay inay habeenkii hurdo la'aani ku dhacdo.

Fabregas ayaa goob joog u ahaa sida xun ay xilli ciyaareedkaan ku bilaabatay kooxdiisa Chelsea kuwaasoo kaalinta 16aad kaga jira kala sareynta horyaalka Premier League.

Kooxda horyaalka heysata ayaa kaliya badisay seddex kulan 12kii kulan ee ay ciyaareen Premier League, waxaana uu Fabregas qirtay in inta badan ciyaartoyda kooxda inaysan u baranin inay ka agdhawaadaan boosaska looga haro horyaalka.

"Habeenkii oo dhan waan soo jeedaa marka aysan waxyaabaha inuu saxneyn” ayuu yiri xiddiga khadka dhexe. "Kubada cagta waa nolosheyda. Wax walba ayay ii tahay aniga.

"Qoyskeyga ayaa mararka qaar iga farxiya laakiin marka kubada aysan si fiican inoogu soconin nolosheyda ma faraxsana. Waxaan isku dayaa inaan saxo. Waxaan u baranay inaan mar walba joogno boosaska ugu sareeya.”


West-ham-v-Chelsea



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip