Real Madrid Oo Cristiano Ronaldo U Ogolaaneysa Inuu Ka Tago Garoonka Bernabeu Balse Shuruud Adag Ku Xirtay

0
Monday November 16, 2015 - 10:03:37 in Sports News by
  • Visits: 958
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Cristiano Ronaldo U Ogolaaneysa Inuu Ka Tago Garoonka Bernabeu Balse Shuruud Adag Ku Xirtay

    Sida ay qorayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah iney Cristiano Ronaldo u ogolaato inuu isaga hayaamo kooxda balse waa in miiska loo saaro lacagahii ay xidigaan kusoo iibsatay sanadkii 2009.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay qorayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska kooxda Real Madrid ayaa diyaar u ah iney Cristiano Ronaldo u ogolaato inuu isaga hayaamo kooxda balse waa in miiska loo saaro lacagahii ay xidigaan kusoo iibsatay sanadkii 2009.

Kabtanka xulka Portugal ayaa dhex dabaalanaya mowjado xan ah kuwaas oo si ba’an ula xiriirinaya kooxaha Paris Saint Germain iyo Manchester United.

Kooxda uu hogaamiyo Louis Van Gaal ayaa dareen xoogan u muujineysa iney dib u hesho Ronaldo iyadoo jeclaan laheyd inuu mar kale xirto maaliyada ay caanka ku tahay kooxdaan shakina kuma jiro in Ronaldo uu qudhiisa wali jaceyl u qabo kooxdan Old Trafford ka dhisan.

C
CristianoRonaldo sanadkii 2009 ayuu Real Madrid ugu biiray aduun dhan 80 Malyan Oo Pound isagoo xagaagan ku qaadanaya xili ciyaareedkiisii 7-aad.

Sida ay qortay The Sun Real Madrid ayaa si aan buuq laheyn u ogolaan doonta in Ronaldo uu ka tago magaalada caasimada ah ee Madrid hadii labada kooxood ee doonaya xidigaan ay miiska saaraan 80 Malyan Oo Pound taasoo u ah faa’iido xoog leh.

Sidoo kale Chelsea ayaa dhinac ka dooneysa Ronaldo balse labada kooxood ee PSG iyo Man United ayaa hogaanka u haya loolanka xidigaan.

"Ronaldo wuxuu heshiis kula jiraa kooxda Real Madrid waana inaan xushmeynaa” Ayuu yiri madaxweynaha kooxda Paris Saint GermainNasser El-Khelaifi kaas oo muujiyay in kooxdiisa ay dooneyso saxiixa CR7.

"Wadahadalada waxey noqon doonaan kuwo sir ah, balse haatan waxba ma jiraan” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ugu dambeyntiina Ronaldo oo kasoo muuqday barnaamijka caanka ah ee uu daadihiyo Jonathan Ross ayaan meesha ka saarin inuu kusoo laabanayo Old Trafford.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip