
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay darbiga ay Dowladda Kenya ka dhisayso Xadka
Qodobbada guddiga ayaa lagu xusay: inay ayideen go’aankii kasoo baxay xildhibananada baarlamaanka federaalka Somalia ee ku aaddan darbiga Kenya ay dhiseyso, iyagoo Kenya u diray baaq ay kaga dalbadeen inay dabriga ay dhisayso joojiso.
C/qaadir C/llaahi Xamza oo xubin ka ahguddiga madaxa-banaan xuduudaha & federaalka Somalia ayaa warbaahinta u akhriyay war-saxaafeedka ay soo saareen, isagoo sheegay inay guddigu xukuumada Kenya ugu baaqayo inay dhawrto sharuucda caalamiga ah ee la xiriira inuusan waddanna fara-gelin karin dhulka dalka kale, isla markaana ay xukuumadda Kenya ixtiraamto darisnimada labada waddan ka dhaxeysa, kana waantoowdo xud-gudubka ay ku heyso dalka Somalia.
Xukuumadda& baarlamaanka federaalka Somalia ayaa horay u sheegay inaysan ka aqbali doonin xukuumadda Kenya inay darbi ka dhisto xadka ay labadan dal u dhexeeya, iyadoo baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu shalay ay go’aamiyeen inay sharci kasoo saaraan arrinta darbiga laga dhisayo soohdinta Somalia iyo Kenya.
Haddaba; AKHRISO Bayaanka ay soo saareen Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka;




0 


Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka oo ka hadlay darbiga ay Dowladda Kenya ka dhisayso Xadka
Guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo federaalka Somalia oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa uga hadleen darbiga dowladda Kenya ay qorsheynayso inay ka dhisto xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya; iyagoo kulankooda kasoo saaray war-saxaafdeed ka