Madaxweynayaasha Gobolada dhexe iyo Galmudug oo wadahadallo ku yeelanaya Addis Ababa

0
Monday November 16, 2015 - 09:30:04 in Wararka by
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha Gobolada dhexe iyo Galmudug oo wadahadallo ku yeelanaya Addis Ababa

    Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa ku sugan Madaxweynaha Ahlu Sunna ee maamulka gobolada dhexe Sheekh Axmed Shaakir iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa ku sugan Madaxweynaha Ahlu Sunna ee maamulka gobolada dhexe Sheekh Axmed Shaakir iyo Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed.

Labada Madaxweyne ayaa aqbalay martiqaad ay ka heleen Dowladda Itoobiya, taasi oo ujeedadu tahay in labada dhinac ay ka wadahadlaan arrimaha ay isku khilaafsan yihiin, si gobolada dhexe oo ciidamada ugu badan ay ka joogaan Dowladda Itoobiya xal siyaasadeed loogu helo.

shakir-guled

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya iyo madax ka tirsan ururka goboleedka IGAD ayaa saakay isku diyaarinaya furitaanka wadahadalada maamulada Ahlu Sunna iyo Galmudug, iyadoona kaddib la guda gelayo ajandaha wadahadalada.

Dhinaca kale Dowladda Itoobiya ayaa bilowday inay dhexdhexaadiso dhinacyada isku haya gobolada dhexe ee dalka, waxaana markii ugu horeysay Addis Ababa tegay C/Kariin Xuseen Guuleed oo madaxweyne ka ah maamulka Galmudug.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guul darreysatay inay dhexdhexaadiso labada dhinac oo isku khilaafay maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, isla markaana taageertay Madaxweyne C/Kariin Xuseen Guuleed, taasi oo keentay in maamulka cusub awoodi waayo inuu ku howlgalo magaalada Dhuusamareeb oo horayMadaxweyne Xasan ugu asteeyay inay noqoneyso caasimada dowlad goboleedka Galmudug.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip