Rome, 4 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Talyaaniga ee magaalada Rome.
Madaxweynaha
ayaa dhiggiisa Talyaaniga uga waramey xaaladda dalka Soomaaliya iyo
horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dib u soo
kabashada dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada
bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyey taageerada Talyaaniga ee dib u dhiska Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in iyadoo laga duulayo xiriirka soo jireenka ah ee ka
dhexeeya labada dal loo baahan yahay in Soomaaliya maalgashi lagu
sameeyo.
‘’Waxaan
Mudane Madaxweyne kaa codsaneynaa inaad ku dhiirigeliso dowladdaada iyo
shirkadaha ganacsiga Talyaaniga inay maalgashadaan Soomaaliya, si looga
faa’iideysto kheyraadka aan leenahay. Soomaaliya waxay leedahay
kheyraad u saamaxaya inay noqoto horseedka dhaqaalaha Afrika, waxaana ku
dhiirigelinayaa Talyaaniga inay ka faa’iideystaan fursaddaasi oo ay ka
mid noqdaan waddamada ugu horeeya ee maalgashanaya dalkeena’’.
Madaxweynaha
Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa u sheegay Madaxweyna Xasan Sheekh
Maxamuud iyo wafdigiisa in Talyaaniga uu sii wadi doono taageerada uu
siiyo Soomaaliya, isla mar ahaantaana uu soo dhoweynayo codsiga
Soomaaliya ee dhinacyada maalgashiga , iskaashiga dhaqaalaha, arrimaha
bulshada iyo amniga.
Waxaa
uu Mr Mattarella ku bogaadiyey Madaxweynaha Soomaaliya dadaalka uu ku
bixinayo sugidda amniga, siyaasadda, fidinta adeegyada iyo arrimaha
bulshada, kuwaas oo uu sheegay inay sii adkeynayaan barnaamijyada lagu
xaqiijinayo dib u soo kabashada Soomaaliya, dowladda Talyaanigana ay
taageero buuxda la garab taagan tahay.
Labada
Madaxweyne ayaa sidoo kale ka hadley arrinta muhaajiriinta ku soo
qulqulaya Yurub, gaar ahaan Talyaaniga, kuwaas oo qaarkood ay yihiin
muwaadiniin u dhashey Soomaaliya.
Madaxweynaha
Talyaaniga Mr Mattarella ayaa soo dhoweeyay fikir uu soo jeediyay
Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in dhalinyarada Soomaalida ee u soo
tahriibtey Talyaaniga, isla markaana ku guuldareystey in rasmi ahaan loo
qaabilo, la siiyo tababaro mihnadeed, dalkana dib loogu soo celiyo si
xirfadaha ay barteen ay ugu adeegsadaan dib u dhiska Soomaaliya.
Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dal, waxaana uu ku dhammaadey jawi is afgarad leh.
-DHAMMAAD-
Madaxweynaha: ''Soomaaliya waxay leedahay fursad ay ku noqoto horseedka dhaqaalaha qaaradda Afrika''
Rome, 4 September 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada dalka Talyaaniga ee magaalada Rome.