10 ka mid ah meydadka Amisom oo calanka Uganda lagu daday oo laga qaaday Garoonka Aadan Cadde
Taliyaha waxa uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Ciidamada Uganda, wuxuuna ku tilmaamay kuwo geesiye-yaal ah, oo naftooda u haray daafaca Wadan Afrikan ah, sida uu yiri.
Captain Paddy Akunda, Afhayeenka Ciidamada Militariga Uganda oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Kampala, ayaa si adag u beeniyay in 50 askari looga dilay weerarkii Degmada Janaale.
Afhayeenka wuxuu ku nuux-nuuxsaday weerarkaasi in lagu dilay 12 askari oo keliya, halka ay jiraan askar kale oo dhaawac ah. Wuxuu kaloo uu meesha ka saaray in la la’yahay askar kale oo Ciidamada Uganda ka mid ah.
Paddy Ankunda, ayaa carabka ku adkeeyay in Amisom uu u tiro kooban
yahay askarteeda ku sugan Xerada Degmada Janaale, lana xisaabiyay, ma
jirto buu yiri askar nolosha lagu la’yahay.
SAWIRRADA MEYDADKA CIIDMADA UGANDHA UGU GEERIIIDAY DEEGAANKA JANNAALE 10 KA MID AH OO LAGA QAADAYO GAROONKA DIYAARADAHA AADAN CADDE EE MAGALADA MUQDISHO
10 ka mid ah meydadka Amisom oo calanka Uganda lagu daday oo laga qaaday Garoonka Aadan Cadde
Meydadka 10 ka mid ah Ciidamadii Militariga Uganda ee lagu laayay weerarkii Talaadadii ka dhacay Degmada Janaale Ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa maanta laga qaaday Garoonka Aadan Cadde. Askartan, ayaa waxaa lagu wadaa in aas qaran loogu s