
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA FEBARAAYO 2017-KA
Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo xirey Milkiilaha Universal ay tahay barnaamijka qosol wareedka ah ee Faaliyaha Qaranka oo warar aysan jecleysan mas’uuliyiinta Somaliland laga daawaday.
Dhowaan ayaa mid kamid ah jilayaasha ugu caansan dalka Soomaaliya Cabdi Muriidi oo loo yaqaan Ajakis kana mid ah barnaamij wareedka Faaliyaha Qaranka lagu xirey magaalada Hargeysa isagoo sheegay in jir dil lagu sameeyay.
Taleefishinka Universal ayaan illaa iyo hadda baahin xariga loo geystey Milkiile Axmed Abuub akar, mana jirto wax war ah oo ay xarigiisa ka soo saareen mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.
Taleefishinka Universal oo ka mid ah taleefishinada ay Soomaalidu si weyn u daawato iyo ma amulka Somaliland ayaa waxaa hore u dhex maray khilaaf sababay in albaabada la isugu dhufto xa runtii uu taleefishinku ku lahaa magaalada Hargeysa,balse markii dambe ayaa Maamulka Somaliland uu xayiraada ka qaaday.
Dhowaan ayaa Maamulka Somaliland ka mamnuucay siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta ka soo je eda Somaliland inay u safraan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.
QARAX KA DHACAY GURI KU DHOW MADAXTOOYADA MAAMULKA HIRSHABELLE EE MAGAALADA JOWHAR
Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in xal ay uu qarax ka dhacay guri ku yaal meel ku dhow Madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ee magaal ada Jowhar.
Qaraxan oo aan illaa iyo hadda la ogeyn waxa uu yahay ayaa sababay dhimashada gabar yar oo 2 sano jir ah, waxaana ku dhaawacmay gabadha geeriyootay hooyadeed.
Guriga qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay in ay degenaayeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowlada Hoose ee magaalada Jowhar balse waa ay ka badbaadeen oo waxba kuma noqon sida ay sheegeen weriyaal ku sugan magaalada Jowhar.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Me yre iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Buurfuule iyo taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Sh/dhexe Xaayow.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe iyo ciidamada nabadsugida balse waxa ay sheegeen inay baaritaan ku sameyn doonaan waxa sababay qaraxan.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KULAN LOOGA HADLAY LADAGAALANKA MUSUQMA SUQA LA QAATAY WASIIRADA CADAALADDA IYO MAAMIYADDA.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, waxa uuna kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.
Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddo omi yaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha Guud, waxaana warbixin looga dhageystay Wasiirka Wasaa radda Mudane Maxamed Aadan Ibraahim Farkeeti.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in daahfurnaanta Maaliyadda iyo la dagaallanka musuq maasuqa ay yihiin waxyaabaha ugu horreeya ee uu mudnaanta siinayo si shacabka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaadaan dowladda. Waxa uu faray hay’adaha maaliyadda in laga digtoonaado wax wal ba oo keeni kara in lagu kaco lunsiga hantida dadweynaha.
Madaxweynaha waxaa uu yiri "musuqmaasuqa ma aha oo kaliya in shaqaalaha hoose lagala dagaallamo. Waa in xafiisyada dalka ugu sarreeya ay noqdaan kuwa ka caafimaad qabo musuqma asuqa. Waxaan farayaa hay’adaha maaliyadda in ay kasbadaan kalsoonida canshuur bixiyeyaasha. Shaqada ugu horreyso ee aan ka dooneyno hay’adahan waa in shaqaalaha ka hawl gala xafiisyada as inay helaan mushaar joogta oo ay uga fogaan karaan in ay ku takri falaan amaanada loo dhibay.”
Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay Wasiirka Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir ku Xigeenka Xeerl Ilaaliyaha Guud, Taliyaha Asluubta iyo saraakiisha Wasaaraddaasi, waxa ana kulankaasi looga hadlay dib u habeynta laamaha garsoorka dalka.
"Waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay baahida weyn u qabaan waxaa kamid ah in sharciga loo sinnaado oo qofkii dambi lagu helo lagu ciqaabo. Waxaan rajeynayaa in hay’adaha Garsoorka, Maxakmadaha, Booliiska, dambi baarista iyo asluubta in ay wada shaqeeyaan oo qolo walba ay kaa linteeda si hufan u hawlgaliso. Waxaa kale oo muhiim ah in la kobciyo aqoonta garsoorayaasha si ay san u qaadan xukunno khaldan oo ku xadgubayo qof aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Madaxwey ne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in la dardargelin doono magicaabista Golaha Adeegga Garsoorka oo ay xukuumaddii hore bilowday balse wali aan la dhameystirin. Golaha Adeegga Gars oorka ayaa ah hay’addii anshax marin lahayd Garsoorayaasha, sidaas darteedna loo baahanyahay in si degdeg ah hawshaasi loo fuliyo.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxa med Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in musuq maasuqa iyo caddaalad darrada meel loo ga soo wada jeesto maadaama ay saldhig u yihiin dowlad xumada iyo amni darrada dalka ka jirta.
MARAYKANKA OO SALDHIG MILLITERI KA DHISANAYO DEGMADDA HOBYO.
Iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay, Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan ka socdeen qeybo ka mid ah Ma amulgobaleedka Galmudug ayaa waxaa soo if baxay inay Milliteriga Maraykanka danaynayaan inay Saldhig Milliteeri ka dhistaan Xeebta Degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug.
Taliyaha Ciiddanka Nabadsugidda ee Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay inay Maraykanka iyo Galmudug saldhig ka dhisan doonaan Degmadda Hobyo iyo Deegaanka Wisil.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta ayaa ku nuuxnuuxsaday in Saldhigaasi loogu tala galay in la gula dagaalamo Xarakadda Alshabaab iyo Burcadbaddeeda ka qowleyssata Xeebaha Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.
FARMAAJO OO CODSADAY IN DAGAALKA ALSHABAAB LAGU SOO AFJARO 2SANO..
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka codsaday ciida mada Midowga Afrika ee AMISOM in muddo labo sano ah in ay kusoo Afjaraan dagaalka lagula jiro Ururka AlShabaab.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka AMISOM laga doonaya in a muujiyaan kaalintooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah AlShabaab ee ka socda gobolada dalka Soomaaliya. Dowladd Soomaaliya ayuu sheegay in ay xiriir wanaagsan ay la yeelanayso Ciidamada AMISOM si AlShabaab looga Guuleysto.
” Hadafkeenu waa in ay aanu si wadajir ah u shaqeyno si aan u jabino AlShabaab , islamarka ana dagaalka lagu jiro AlShabaab aan kusoo Afjarno labo sano” ayuu yiri Farmaajo.
MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SH/DHEXE AXMED MEYRE MAKARAAN
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa si rasmi ah u gu magicaabay guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan oo si ku meel gaar ah u hayay xilkan tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii uu shalay dib ugu soo laab tay magaalada Jowhar Madaxweyne Cosoble oo muddo labo bilood ah ka maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshbeelle.
Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u ahaa guddoomiye ku xigeen ka koowaad ee gobolka Sh/dhexe waxana uu xilka guddoomiye ku xig eenka qabtay kadib markii uu guddoomiyihii hore ee gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabe elle. Axmed Meyre Makaraan ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha de gmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kahor inta aan loo magacaabin guddoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe.
Hase yeeshee Madaxweyne Cosoble ayaan weli ku dhowaaqin golihii wasiirada iyadoo dhamaadkii bishii Oktoobar loo caleemo saaray Madaxtinimada Maamul goboleedka Hirshabeelle.
Hase yeeshee waxa uu sheegay in uu si degdeg ah ugu dhowaaqi doono golihiisa wasiirada. Warar ku dhowdhow Madaxtoyada Hirshabeelle ayaa sheegaya in golaha wasiirada ee xukuumada Hirshabeelle ay u badnaan doonaan xildhibaanada Hirshabeelle kuwaasoo oggolaaday in dib loo dhigo muddo labo jeer ah magacaabista golaha wasiirada.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY MID KA MID AH BEELAHA XUSULDUUBKA UGU JIRA XILKA R’IISUL WASAARAHA
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa habeen hore bilaabay kulamadii u horeeyay ee la tashiga magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo laga sugayo inuu ku dhawa aqo, kaddib marka la caleema saaro. Madaxweyne Farmaajo oo khamiistii la soo dhaafay xilka la wareegay ayaa habeen hore ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Xildhibaanada Labada Gole ee Bee sha Muddulood oo ay wehliyeen Duubabka dhaqanka Beesha.
Kulankan ayaa bar bar socday kulan horay xubnaha Labada Gole ee Beesha Muddulood kula yeesheen Madaxweynaha Hotelka Jazeera oo si KMG ah u degenaa, ka hor inta aanu xafiiska la wareegin.
Kulankan oo markii hore ku bilowday buneysi dhex maray Madaxweynaha iyo xubnaha ka so cday Beesha Muddulood, ayaa waxaa kaddib la guda galay ajandahihii kulanka iyo ujeedkiisa, iyadoo la is weydaarsaday fikrado kala duwan.
Xildhibaanada labada Gole ee Beesha Muddulood ayaa ka dalbaday Madaxweyne Farmaajo inuu xilka Ra’iisul Wasaare u magacaabo Beesha.
Inkastoo kulanka ahaa mid albaabada u xiran ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada ka qeyb gal ay waxay sheegeen in Madaxweynaha uu si niyadsami ku jirta u soo dhoweeyay, isla markaana u dhageystay talo soo jeedintooda, isla markaana kulanka uu ku soo dhamaaday is faham.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo uu la leeyahay Beelaha Hawiye oo xusul duub ugu jira xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana beel walba ay wadataa shaqsiyaad ay done yso in loo magacaabo xilkaas.
Beelaha Hawiye, sida H/gidir iyo Muddulood ayaa loolanka ugu weyn u dhaxeeyaa, waxaana soconaya kulamo beeshan ku leedahay qaar ka mid ah Hotelada Muqdisho oo ay olole weyn ugu jira an xilka Ra’iisul Wasaaraha, waxaana kulamada bar bar socda gogol ay beelahan dhiganayaan
MIDOWGA YURUB, MIDOWGA AFRIKA IYO BEESHA CAALAMKA OO WADA SHAQEYN U BALLANQAADEY MADAXWEYNE FARMAAJO
Midowga Yurub, Midowga Afrika Iyo Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed ay soo saar een waxaa ay ugu hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Far maajo iyaga oo ballanqaadey iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub.
War Saxaafaeed ay soo saareen midowga Yurub waxaa ugu hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
Midowga Yurub waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Maxamed C. Farmaajo ay hortaallo han ka shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan nabadgalyada, sinnaanta, cadaallada, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuqa.
Madaxweyne Farmaajo waxaa ay kula taliyeen in uu isha ku hayo dib u heshiisiinta, cuqdadda, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha la xiriira dowlad wanaagga.
Dr. Nkosazana Dlamini Zuma oo ah madaxa midowga Afrika ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartey magaalada Adis Ababa uga hambalyeysan doorashada Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
Midowga Afrika waxaa ay soo jeediyeen in madaxweynaha cusub uu xoogga saaro nabad galyada, abaaraha, dhameystirka dastuurka, dib u hesiisiinta iyo arrimaha kale.
Ugu dambeyntii waxaa dhankooda was saxaafadeed taageero ah soo saarey beesha caalam ka oo kala ah: The United Nations, European Union, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, the United King dom iyo the United States.Dhammaan kooxdan waxaa ay soo dhaweeyeen doorashada mudane Max amed Cabdulahi Farmaajo loogu doortey madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya.
Beesha Caalamka waxaa ay ku talisey in Farmaajo uu muhiimadda saaro dib u heshiisiinta, dhameystirka dastuurka iyo in doorasho qof iyo codiisa ah ay dalka ka dhacdo 2020ka.
MADAXWAYNAYAASHA WAXAA FASHILYA DADKII DOORASHADA KALA SHQEEYAY CAASHO GEELE
Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota gaar ahaan magaalooyinka mataanaha ah ayaa habeen hore waxay ay casho sharaf soo dhaween ah u sameeyeen Marwo Caasho Geele oo aheed Wasiirkii hore ee wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska ee dowlad goboleedka pun tland ,
waxaana ka soo qaybgalay qaybaha kala duw an ee bulshada ee isagu jiray ururuada haween ka dhalinyarada culu modiinka odayaasha aqoonyahnada iyo siyaasiinta laga door to magaalooyinkaas,
halkaa waxaa laga soo jeediyey khudbado ku aadan ma rxaladaha kala duwan ee uu marayo dalka Soomaaliya, khud badahii halkaa laga soo jeediyey ayaa u badnaa soo dhaween. Marwo Caasho ayaa u jeedisay dadkii halkaa isku yimi khudbad dheer ay kaga hadashay abaaraha iyo kaalinta kaga aadan qurbojoogta ,waxayna kaloo aad uga hadashay isbad ala dalka ku yimi iyadoo iftiimisay isbadalkaa inuu ku yimi rabit aanka shacabka, waxayna tiri ma jirto walaalayaal hal madax wayne oo Soomaaliyeed oo xukunka ka dagay iyadoo ubax loo lulaayo mid kastana waxaa uu tagay isagoo dabada la haysto oo la lee yahay ilaahow yaa mar naga kaxeeya .
Waxay tiri Caasho Geele madaxwaynayaasha waxaa fashiliya dadkii doortay Soomaali baa doorata Soomaali baana fashilisa, madaxwaynaasha dadka fashilya waxaa ugu horeeya dadkii olol aha doorashada la soo galay waa kuwa raba inay mus danbeedka u fariistaan waxayna rabaan in wa xa ay jecel yihiin ay ku hogaamiyaan markaa dadkaas madaxwaynahu waa u dhago lugul yahay mar ka dadkaas ayaa dhib ku noqda.
Fashilaha labaad waxay ku sheegtay baarlamaanka oo ay tahay bay tiri in ay ku ekaadaan sha rci dajinta ee maaha inay ku milmaan xukumada waana waxyaalahii dowladahii hore naga fashi lyey marka baarlamaanka waa inaysan xil qaban ee ay ku egaataan tooda, xafiisyada iyo wisiiraduna ay noqdaan dadka kale ee aan baarlamanka ahayn ayeey raacisay Caasho.
Fashiliye kale waxay caasho ku sheegtay odayaasha dhaqanka oo ay tiri waxay dhaafeen meeshoodii oo meel walba wiil bay gacanta hayaan oo ay u doonayaan xil, fashilyaha 4aad waxay ay tiri waa dulaaliin iyo dadka madaxwaynaha qabiilkiisa oo markiiba jaakadogata oo Xamar isku shuba.
Ugu danbayntii casho sharafta ayaa lagu soo gabagabeeyay suugaan kala duwan ay luuqay nayeen kooxda fanka ee Minnesota.
BATUULO GABALLE: WAXAAN RAJEYNEYNAA IN RA’IISUL WASAARE LAGA DHIGO QOF DUMAR AH
Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo ay ka rajeynayaa in qof dumar ah uu ka dhigo Ra’iisul wasaaraha dalka.
Guddoomiyaha ururkaasi Batuulo Sheekh Axme Gabelle ayaa sheegtay iney la kulmi doonaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo, kana dhaadhicin doonaan in qof dumar ah loo dhiibo xilka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
"Waan la kulmeynaa madaxweynaha, waxaan ka rajeyneynaa anoo ka tarjumaya dareenka gabdhaha iyo danta umadda Soomaaliyeed in gabadh uu ka dhigo Ra’iisul wasaare, waxa ugu qiima ha badan ee gabdhaha dalkooda u qaban karaan waa iney u haystaan awood ay dalka iyo dadka ugu adeegi karaan, hay’adaha dowladda in gabdho loo dhiibo sida amniga, caafimaadka, waxbarashada iyo maaliyadda ayaan dooneynaa”
Dhanka kale Batuulo ayaa mar ay soo hadal qaaddey qoondada haweenka ee Baarlamaanka waxay sheegtay iney baarlamaanka ku leeyihiin 79 xildhibaan, islamarkaana ay muujineyso in mar kaan haweenku ay kaalin weyn ku leeyihiin baarlamaanka.
"Waxaa muuqa in gabadhaha Soomaaliyeed ay ka sareeyaan awood qeybsigii la yiri waxbaa lagu qeybsanayaa, haween ineysan qabiil ku shaqeyneyn waxaad ka dareemaysaa tirada ay hadda ka haystaan baarlamaanka oo 79 ah”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaa laga sugayaa inuu soo magic aabo Ra’iisul wasaarihiisa kadib marka ay dhacdo munaasabadda caleemo saarkiisa.
SHIIKH INDHOOLE MASAARI AH OO KU GEERIYOODAY XABSI KU YAALLA MARAYKANKA.
Sheikh Cumar C/raxmaan oo 79 jir ayaa ku geeriyooday Xabsiga North Carolina, isagoo ku xu kunaa Xabsi Daa’im.
Marxuumka ayaa waxa uu u xirnaa Qarixii bishii February 26dii ee sannadkii 1993kii ka dhac ay Xarunta Gancsiga Adduunka, oo ay ku geeriyoodeen 6 qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 1,000 qof.
Hadal ka soo baxay Maamulka Xabsiyadda Maraykanka ayaa lagu sheegay inuu Sheekh Cu mar C/raxmaan si caadi ah ugu geeriyooday Xarunta dhexe ee Caafimaadka ee Butner. Marxuumka ayaa la sheegay inuu qabay xanuun dhinaca Halbowlaha Wadnaha.
Dhinaca kale, Qoyskiisa oo ku sugan Masar ayaa sheegay inay Wakiilladda Maraykanka u xaqiijiyeen geeridiisa, sida laga xigtay mid ka mid ah Wiilashiisa oo lagu magacaabo Camaar. Sidoo kale, Wiil kale oo uu dhalay Marxuumka geeriyooday oo lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Cumar oo ku sugan Turkiga ayaa u sheegay Telefishinka Aljazeera ayaa sheegay inuu la yaabanaa xariga aabihiisa, wuxuuna xusay in Aabihiisa si tartiib ah loo dilay, waa sida uu hadalka u dhigay.
MARAYKANKA OO SALDHIG MILLITERI KA DHISANAYO DEGMADDA HOBYO.
Iyadoo ay maalmihii la soo dhaafay, Dhaqdhaqaaqyo Ciiddan ka socdeen qeybo ka mid ah Ma amulgobaleedka Galmudug ayaa waxaa soo if baxay inay Milliteriga Maraykanka danaynayaan inay Saldhig Milliteeri ka dhistaan Xeebta Degmadda Hobyo ee Gobalka Mudug.
Taliyaha Ciiddanka Nabadsugidda ee Galmudug, Saadaq Cumar Xasan ayaa sheegay inay Maraykanka iyo Galmudug saldhig ka dhisan doonaan Degmadda Hobyo iyo Deegaanka Wisil.
Isagoo la hadlayey Warbaahinta ayaa ku nuuxnuuxsaday in Saldhigaasi loogu tala galay in la gula dagaalamo Xarakadda Alshabaab iyo Burcadbaddeeda ka qowleyssata Xeebaha Galmudug, waa sida uu hadalka u dhigay.
SOMALILAND OO WARBAAHINTA AMAR KUSOO ROGTAY
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta maamulka Somaliland Cusmaan Saxardiid Caddaani, ayaa sheegay in Saxaafadda Somaliland laga rabo in aysan buunbuunin Saldhig dowladda Imaaraadka Carabta ay ka dhisanayso Magaalada Berbera ee Somaliland. Waxaa uu sheegay in muhiimada koowaad ay tahay in warbaahinta ay ka hadlaan Saldhiga ,laakiin aysan Wareysan dadka kasoo horjeeda Saldhiga , islamarkaana aysan lafa gurin.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Amniga iyo Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ay isku xiran yihiin , cid kaste oo qalqalinaysana ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan.
Somaliland ayaa waxaa ay xir xirtay wariyeyaal iyo sidoo kale dad lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedaan Saldhiga.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliland ayaa dhawaan aqbalay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.
MIDOWGA YURUB, MIDOWGA AFRIKA IYO BEESHA CAALAMKA OO WADA SHAQEYN U BALLANQAADEY MADAXWEYNE FARMAAJO
Midowga Yurub, Midowga Afrika Iyo Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed ay soo saa reen waxaa ay ugu hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Far maajo iyaga oo ballanqaadey iney la shaqeyn doonaan maamulka cusub.
War Saxaafaeed ay soo saareen midowga Yurub waxaa ugu hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
Midowga Yurub waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Maxamed C. Farmaajo ay hortaallo han ka shacabka Soomaaliyeed ay u qabaan nabadgalyada, sinnaanta, cadaallada, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuqa. Madaxweyne Farmaajo waxaa ay kula taliyeen in uu isha ku hayo dib u heshiisiinta, cuqdadda, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha la xiriira dowlad wanaagga.
Dr. Nkosazana Dlamini Zuma oo ah madaxa midowga Afrika ayaa war saxaafadeed ay ka soo saartey magaalada Adis Ababa uga hambalyeysan doorashada Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulahi Farmaajo.
Midowga Afrika waxaa ay soo jeediyeen in madaxweynaha cusub uu xoogga saaro nabadgal yada, abaaraha, dhameystirka dastuurka, dib u hesiisiinta iyo arrimaha kale.
Ugu dambeyntii waxaa dhankooda was saxaafadeed taageero ah soo saarey beesha caalam ka oo kala ah: The United Nations, European Union, IGAD, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingd om iyo the United States.
Dhammaan kooxdan waxaa ay soo dhaweeyeen doorashada mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo loogu doortey madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya.
Beesha Caalamka waxaa ay ku talisey in Farmaajo uu muhiimadda saaro dib u heshiisiinta, dhameystirka dastuurka iyo in doorasho qof iyo codiisa ah ay dalka ka dhacdo 2020ka.
MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO BOOQDAY DADKII KU DHAAWACMAY QARAXII SHALAY KA DHACAY DEGMADA WADAJIR
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxaa uu xalay Isbi taalka Madiina uu ku booqday dadkii faraha badnaa, ee ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Qaraxan oo ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 35 qof, iyadoo tiro kale oo intaasi ka badana ay ku dhaawacantay. Dhibaneyaashu waxay u badan yihiin rayid.
Madaxweynaha Somaliya oo u kuurgalay xaaladda dhaawacyada, ayaa waxaa uu sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka soo gaartay qaraxa, isagoona ballanqaaday in dowladiisu ay gacan u fidin doonto.
Inkastoo aysan jirin cid weli sheegatay masuuliyadda qaraxa khasaaraha intaan le’eg gaystay, ayaa wuxuu hadana Madaxweynaha Somaliya uu dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Madaxweynaha Somaliya oo Saxaafadda kula hadlay Isbitaalka Madiina, ayaa waxaa uu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay in aysan kala jecleen dhibaateenta shacabka iyo askarta dowlad da, iyadoona uu hadafkoodu ku sheegay in ay wax uun dilaan. Madaxweynuhu wuxuu shacabka uu ugu baaqay in ay soo sheegaan qaraxyada, iyadoo uu ballanqaaday in qofkii qarax soo sheegaa ay dowladdu siin doonto abaalmarin lacageed oo dhan boqol kun oo lacagta Mareykanka ($100,000).
Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), General C/laahi Gaafow Max amuud oo ka barbar hadlaayay Madaxweyne Farmaajo, ayaa isna ballanqaaday in qofkii soo sheega bistoolad qof lagu dilay, in la siin doono lacag dhan toban kun oo dollar.
Qaraxa nolosha badan galaftay ee ka dhacay Caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa uu ku soo beegmaya, saacado uun ka dib, markii ay Shabaabku ku hanjabeen in ay la dagaalami doonaan Dowladda Madaxweyne Farmaajo.
BOGGA CAYAARAHA
CHELSEA VS MAN UNITED OO MADAXA ISKULA JIRA IYO ISKU AADKA WAREEGA SIDEED DHAMAADKA FA CUPKA OO LA SAMEEYAY
Waxaa hadda la soo saaray isku aadka tartanka Emirates FA Cupka wareegiisa shanaad waxaana tartankan qayb ka ah kooxaha Manchester United iyo Chelsea oo haddaba ka mid ah koox aha u soo baxay wareegan isku aadkiisa la sameeyay. Laakiin kooxda Guardiola ee Manchester City ayaa Etihad Stadium ku ciyaari doonta kulan ku celis ah.
Laakin Arsenal ayaa isku aadkan ku jirta inkasta oo ay kulankeeda habeen danbe ciyaari doo nto. Kooxda koobkan FA Cupka difaacanaysa ee Manchester United ayaa guul soo laabsho ah ka soo gaadhay kooxda Blackuburn Rovers halka Tottenham ay wareegan u soo baxday kadib markii ay guul wayn ka soo gaadhay Fulham.
Kulan wayn ayaa ka soo baxay wareega shanaad ee FA Cupka iyada oo Chelsea garoonke eda Stamford Bridge ku soo dhawayn doonto kooxda Manchester United. Miyuu Mourinho awoodi doonaa in uu iska soo maydho xusuustii xumayd ee xasuuqii 4:0 kii Stamford Bridge?.
Manchester City ayaa haddii ay soo baxdo la ciyaari doonta kooxda Middlesbrough iyada oo kooxda Guardiola haddii ay soo gudubto markale marti noqon doonta. Tottenham ayaa soo dhawayn doonta kooxda Leicester City ka soo yaabsatay ee Millwall oo wareegan soo gaadhay iyada oo 10 ciyaarto yahayd.
Arsenal ayaa heshay isku aad kale oo naxariis leh waxayna haddii ay Sutton soo dhaafto la ciy aari doontaa kooxda layaabka samaysay ee heerka shanaad ka ciyaartay ee Lincol taas oo Emirates Stadium soo booqan doonta haddii kale waxaa wada ciyaari doona labada kooxood ee heerka shana ad ka wada tirsan ee Sutton iyo Lincoln.
ISKU AADKA WAREEGA SIDEED DHAMAADKA EE FA CUPKA OO DHAMAYSTIRAN:
Tottenham vs Millwall
Sutton Ama Arsenal vs Lincoln
Middlesbrough vs Huddersfield Ama Man City
Chelsea vs Manchester United
Kulamada wareega sideed dhamaadka FA Cupka waxaa la ciyaari doonaa inta u dhaxeysa Jimcaha March 1o ilaa iyo Isniinta March 13.
DAILY MIRROR OO QORTAY 10 WAXYAABOOD OO DHICI LAHAA HADDII MAN CITY AY LA WAREEGTO LIONEL MESSI (WARBIXIN MAAD AH)
Waxa ay u muuqayaa wax aan caqligal aheyn, laakiin waa ay dhici kartaa. Hanadka yar ee Barcelona ayaa lala xiriirinayay inuu u wareegayo Etihad tan iyo markii macalinkiisii hore Pep Guard iola uu u wareegay kooxda Manchester ka dhisan.
Si kastaba, sida ay shalay warbaahinta Ingariiska qoreen, City ayaa haatan isku diyaarineysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahan ay dad badani ku tilmaamaan xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta.
Waxa ay ku dalbanayaan 100 milyan ginni taasoo keeni karta inuu Lionel Messi ugu danbeyn isku tijaabiyo England.
Sidaasi darteed maxay dunida filan kartaa haddii uu Messi xaqiiq ahaan xagaagan u wareego Man City? Daily Mirror ayaa 10 qodob oo maad ah ka qortay.
1. Manchester City waxaa durbadiiba loo saadaalin doonaa inay ku guuleysanayaan Premier League, FA Cup, League Cup, Champions League xitaa tartanka heesaha ee Eurovison Song Contest.
2. Waxaa jiri doona ku dhawaad 107,572 kun qoraalo oo Twitter la soo dhigi doono kuwaasoo ka kaftami doona sida ugu danbeyn aynu u ogaan doono haddii uu Messi ku ciyaari karo habeen arbaco oo roob da’ ayo garoonka Stoke.
3. Taageerayaasha Manchester United waxa ay u baahnaan doonaan inay in muddo ah ka joogaan baraha bulshada.
4. Pep Guardiola waxaa taalo looga dhisi doonaa banaanka garoonka Etihad Stadium
Iska ilow koobka horyaalka iyo kan Yurub. Haddii uu Pep noqdo ninka Messi keena Manchester, taageerayaasha City waxa ay dhunkan doonaan dhulka uu ku socdo.
5. Jawaabcelinta ugu horeysa ee Jose Mourinho waxa ay noqon doontaa amakaak iyo argagax..…
6. …waxayna durbadiiba isku bedeli doontaa naceyb, yaaqyaaqsi iyo qaraar.
7. Waxaa sharad lagu geli doonaa inta ay Messi ku qaadan doonto inuu jabiyo rikoorka gooldhalinta Premier League ee Alan Shearer ee 260 gool.
Waxayna tani imaan doontaa iyadoo Messi uu yahay 30 sanno jir ka hor inta uusan ciyaarin kulank iisii ugu horeysa ee Premier League, waxaana uu sidaasi darteed u baahnaan doonaa inuu dhaliyo 80 gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii.
8. Inuu Cristiano Ronaldo ku soo laabto Manchester United ayaa durbadiiba noqon doonta wax dhici kara.
"Maxaad ku keentay Leo! Premier League waa dhulkeyga! Waxaana ay noqon doontaa abid dhul aan anigu qabsaday.
"Iskama fadhin doono mana daawan doono adigoo England aadaya oo dhaafaya guulaheyga. Ha la ii waco Jose – hadda”
9. Taageerayaasha Arsenal waxa ay bilaabi doonaan inay cabsi la jareeyaan…
…waxaana ay dalban doonaan inay kooxda sameyso saxiix weyn oo magac weyn leh oo ay uga ja waab celiyaan heshiiska Messi.
10. Ka dib marka lala xiriiriyo Luis Suarez, Antoine Griezmann iyo Pierre Emerick Aubameyang. Ars enal waxa ay la wareegi doontaa….. Jamie Vardy.
England FA Cup February 19
Fulham 0- 3 Tottenham Hotspur
Blackburn Rovers 1 - 2 Manchester United
Italy Serie A February 19
Bologna 0 - 1 Inter
ChievoVerona 1- 3 SSC Napoli
Pescara 5 - 0 Genoa
Sampdoria 1 - 1 Cagliari
Udinese 1 - 2 Sassuolo
Roma 4 - 1 Torino
AC Milan 2 - 1 Fiorentina
Spain LaLiga Santander
Real Sociedad 0 - 1 Villarreal
Valencia 2 - 0 Athletic Bilbao
Celta Vigo 3 - 0 Osasuna
Barcelona 2 - 1 Leganes
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 20-KA FEBARAAYO 2017-KA
MILKIILAHA TALEEFISHINKA UNIVERSAL AXMED ABUUBAKAR OO LAGU XIREY MAGAALADA HARGEYSA Milkiilaha Taleefishinka Afka Soomaaliga Universal Inj Axmed Abuubakar ayaa lagu xirey ma gaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Wararka ay heleyso Jo