FIBA iyo Xiriirka kubada Koleyga Soomaaliya oo ka wada hadlaya horumarinta K/Koleyga dalka.

0
Thursday September 03, 2015 - 11:40:57 in Sports News by
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FIBA iyo Xiriirka kubada Koleyga Soomaaliya oo ka wada hadlaya horumarinta K/Koleyga dalka.

    Xiddigtii hore ee kubada koleyga Soomaaliya iminkana ah guddoomiye ku xigeenka dhanka farsamada iyo xiriirka caalamiga ah ee xiriirka kubada koleyga Soomaaliya, loona yaqaano [Somali basketball's Iron Lady], Drs Xaawo Sheeikh Ahmed (Xaawo Taako)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiddigtii hore ee kubada koleyga Soomaaliya iminkana ah guddoomiye ku xigeenka dhanka farsamada iyo xiriirka caalamiga ah ee xiriirka kubada koleyga Soomaaliya, loona yaqaano [Somali basketball's Iron Lady], Drs Xaawo Sheeikh Ahmed (Xaawo Taako) ayaa madaxda xiriirka kubada koleyga aduunka ee FIBA kala hadashay sidii taageero gaar ahaaneed loo siin lahaa horumarinta kubada koleyga dalka Soomaaliya, maadaama dalku kasoo kabsanayao dagaalo muddo dheer jiray.

                     Drs Xaawo Sheeikh Ahmed (Xaawo Taako), oo lagu marti qaadaya xarunta xiriirka kubada koleyga aduunka ee FIBA ayaa kulan muddo qaatay la yeelatay Maamulaha ugu sareeya xafiiska FIBA Mr.Benjamin Cohen oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu la kulmo qof haween ah oo darajo sare ka heysa kubada koleyga Soomaaliya ahna gabadhii ugu magaca dheereyd xulka gabdhaha kubada koleyga Soomaaliya sanadihii dhamaadkii 70-meeyadii ilaa iyo dhamaadkii 80-meeyadii.

                         guddoomiye ku xigeenka dhanka farsamada iyo xiriirka caalamiga ah ee xiriirka kubada koleyga Soomaaliya Drs Xaawo Sheeikh Ahmed (Xaawo Taako), ayaa masuulkan FIBA ka tirsan hor dhigtay qorshe balaaran oo ay ku dooneyso in lagu horumariyo kubada koleyga Soomaaliya qorshahaas oo ay ka mid yihiin in kor loo qaado aqoonta Soomaaliya ee dhanka kubada koleyga iyo in xiriirka Soomaaliyeed loo dhiso xarun uu leeyahay oo uu ku shaqeeyo.

                         Intii uu socday kulankan oo ka dhacay xarunta xiriirka FIBA ee House of Basketball ee ku taala Deegaanka Mies ee duleedka magaalda Geneva ee dalka Switzerland ayaa Maamulaha xafiiska FIBA Mr.Benjamin Cohen, waxaa uu sheegay in FIBA world iyo FIBA Afrika ay ku faraxsan yihiin howsha ka socota Soomaaliya, islamarkaana ay wax kasta oo karaankooda ah ku bixin doonaan sidii Soomaaliya u heli lahayd barnaamijyada horumarineed oo ay u baahan tahay.

                        Drs Xaawo Sheeikh Ahmed (Xaawo Taako), ayaa FIBA u gudbisay shax ku aadan qorshe howleedka xiriirka ee 4-ta sano ee soo socota, taas oo si document ahaan ah looga guddoomay, islamarkaana dib ulasoo laabatay balan qaad weyn oo ku aadan in Soomaaliya si gaar ah loo caawiyo maadaama ay dagaalo dib u dhigeen.

Waa markii ugu horeysay ee masuul ka socoda kubada koleyga Soomaaliya la siiyo fursad uu si gaar ah baahiyaha Soomalaiya ugala hadlo masuul darajadan oo kale ka haya ururka kubada koleyga aduunka ee FIBA.

image image_1 image_2 image_3 image_4 image_5 image_6

By Maxamed Cabdullaahi


SSPA Secretary General

xigasho :-somaliweyn



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip