Sawiro: Filimkii Cristiano Ronaldo Oo Lagu Soo Bandhigay London – Ferguson, Mourinho, Ancelotti Iyo Xiddigo Hore Oo Soo Xaadiray.

0
Tuesday November 10, 2015 - 11:59:22 in Sports News by
  • Visits: 1483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawiro: Filimkii Cristiano Ronaldo Oo Lagu Soo Bandhigay London – Ferguson, Mourinho, Ancelotti Iyo Xiddigo Hore Oo Soo Xaadiray.

    Ninkii berri u heysan jiray ruqsada inuu farxad ka dhaliyo Manchester United ayaa soo laabtay waxaana uu u soo labista sida James Bond. Cristiano Ronaldo ayaa ku soo noqday England xalayto waxaana ay dib ugu midoobeen gogosha cas macalinkiisii hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkii berri u heysan jiray ruqsada inuu farxad ka dhaliyo Manchester United ayaa soo laabtay waxaana uu u soo labista sida James Bond. Cristiano Ronaldo ayaa ku soo noqday England xalayto waxaana ay dib ugu midoobeen gogosha cas macalinkiisii hore ee Old Trafford Sir Alex Ferguson iyadoo ay aheyd soo bandhigista filimkiisa cusub ee loogu magacdaray 'Ronaldo'.

30 jirkaan ku guuleystay seddex Ballon d’Or ayaa farxadiisa kaga hadlay bogiisa Twitter ka hor inta aanan filimka la soo bandhigin xalayto: "Haddii aad joogto London waxaad timaadaa Leicester Square 5ta galabnimo, waxaadna igu dhahdaa Hi! #ronaldofilm.” Waxa uu sii raaciyay sawirka goobta lagu soo bandhigayay filimka markii ugu horeysay, ka hor inta uusan raacinin "Maanta waa maalin farxadeed, waa soo bandhigista @RonaldoFilm. Waxaan isha ku hayaa caawa!”

2E46BFA800000578-0-image-a-24_1447093849489

2E46B71E00000578-0-image-a-25_1447093890829

Xiddiga sannadka adduunka ayaa lagu sawiray isagoo rooga cas ku soo dhaweynaya Ferguson in ka yar 24 saacadood markii ay kooxdiisa Real Madrid guuldarro 3-2 ay ka soo gaartay Sevilla habeenkii axada.

Waxaa xaflada soo bandhigista filimka ka qeybgalay tababare Jose Mourinho, tababare Carlo Ancelotti, sidoo kale Radamel Falcao iyo xaaskiisa ayaa tagay, Ronaldo saaxiibadiisii hore ee United Gary Neville iyo Louis Saha ayaa iyagana sidoo kale xaadir ahaa.

2E46E15100000578-3310775-image-a-61_1447095535945

Waxaana sidoo kale Ronaldo habeenkii xalayto ahaa dabaaldega noloshiisa kula biirtay hooyadiisa Maria Dolores iyo wiilkiisa shan jirka ah Cristiano Ronaldo.

Weeraryahanka ayaa u ogolaaday shaqaalaha filimka inay noloshiisa gaarka ah iyo tan banaankaba la socdaan muddo 14 bilood ah iyagoo ka soo saaray filimkaan oo lagu baahin doono caalamka oo idil. Waxaana filim duubista ay dhacday sannad muhim ah oo uu Real Madrid ka caawiyay hanashada La Decima oo ah koobkoodii 10aad ee Champions League.

2E46ED5000000578-3310775-image-a-108_1447097755899

2E46BE8700000578-0-image-m-30_1447094415724

2E46BFA000000578-0-image-m-32_1447094426856 2E473B8F00000578-3310775-image-m-160_1447101919037 2E473A2700000578-3310775-image-m-162_1447101929330 2E46E0B400000578-3310775-Gary_Neville_attends_the_world_premiere_of_Ronaldo_-a-68_1447095669154 2E46DFDC00000578-3310775-image-m-70_1447095674882 2E46DFF000000578-3310775-image-m-83_1447095852004




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip