
Arsene Wenger Oo Qirtay Inuu Ku Gacan Adag Yahay Lacagta Suuqa Kala Iibsiga Madaama Uu Aaminsan Yahay Inuu Leeyahay Arsenal.

Haatan markii ugu horeysay Arsene Wenger ayaa si ceeb la’aan ah u aqbalay eedeyntaas, waxaana uu soo bandhigay sida uu dareemo marka shaqadiisa Emirates Stadium su’aal la geliyo.
Ninka reer France ayaa yiri: "Hal sheey ayaan isku amaanayaa: Waxaan mar walba u la dhaqmaa Arsenal sida inaan aniga leeyahay oo kale.
"Mararka qaarna waa lagu dhaleeceeyay midaas sababtoo ah ma ahi qof lacag iska qarashgareeya ama aanan kala jecleyn lacagta.
"Waxaan isku amaanaa inaan leeyahay kartida aan fekradaheyga ku hirgelin karo islamarkaana aan u dagaalami karo. Marka taas laga soo tago, waan fahmi karaa sababta aysan dadku iigu raacsaneyn.
"Sharafteyda iigu weyn ayaa ah inaan dhihi karo marka aan maalin uun ka tagayo kooxda inaan ka tagay koox fiican, oo xaalad caafimaad qabta ku jirta islamarkaana koox awood u leh inay tartanto mustaqbalka.
"Waxaan isdhihi karay: ‘Waxaan halkaan joogayaa afar ama shan sanno, waxaan ku guuleysaneynaa wax walba ka dib waxaan ka tagayaa koox iyadoo musalafid qarka u saaran. Aniga ahaan in si joogta ah looga ciyaaro heerka ugu sareeya ayaa ah calaamadaha lagu yaqaano kooxaha waa weyn.”


0 



Arsene Wenger Oo Qirtay Inuu Ku Gacan Adag Yahay Lacagta Suuqa Kala Iibsiga Madaama Uu Aaminsan Yahay Inuu Leeyahay Arsenal.
Waxaa inta badan ay taageerayaasha jahwareersan ee kooxdiisa ay ku eedeeyaan inuu lacagta Arsenal u maamulo sida inay tahay lacagtiisa oo kale.