Jorge Mendes Oo Ka Hadlay Wararka Xanta Ah Ee CR7 La Xiriirinaya Inuu Ka Tagayo Maadrid & Hadii Uu Jecel Yahay Man United

0
Tuesday November 10, 2015 - 11:52:37 in Sports News by
  • Visits: 1271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jorge Mendes Oo Ka Hadlay Wararka Xanta Ah Ee CR7 La Xiriirinaya Inuu Ka Tagayo Maadrid & Hadii Uu Jecel Yahay Man United

    Jorge Mendes oo ah wakiilka kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaadan in xidigaan heerka caalami uu wali jecel yahay kooxda Manchester United, bale arintaas aysan ula muuqan inuu dib ugu laaban doono Old Trafford.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jorge Mendes oo ah wakiilka kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaadan in xidigaan heerka caalami uu wali jecel yahay kooxda Manchester United, bale arintaas aysan ula muuqan inuu dib ugu laaban doono Old Trafford.

Ronaldo ayaa dhowr jeer carabka ku dhuftay inuu maalin ku laaban doono garoonka Old Trafford halkaas oo uu Real Madrid kaga soo biiray sanadkii 2009.

CR7 ayaa lagu weydiiyay su’aal aheyd hadii uu ku laabanayo horyaalka Ingiriiska intii lagu jiray soo bandhigista filimkiisa cusub wuxuuna ugu waramay Mirror.

Cristiano Ronaldo Receives the Golden Boot Award
"Maxaa dhacay? Haatan La Liga ayaan joogaa, Spain, balse sidii aan 100 jeer horay u dhahay mustaqbalka lama ogaan karo waxa dhici doona”

Dhanka kale Jorge Mendes ayaa rajeynaya in xidigaan uu waayahiisa ciyaaraha ku dhameesto garoonka Santiago Bernabeu.

"Waxey ila tahay inuu waayahiisa ku dhameesan doono Bernabeu” ayuu yiri Mendes.

"Waan hubaa inuu jecel yahay Man United, sidoo kalana Real Madrid madama ay tahay kooxda uu haatan u ciyaaro”

Ugu dambeyntiina Ronaldo ayaa lix sano gudahood ku noqday xidiga ugu goolasha badan kooxda Real Madrid isagoo rikoorkaas ku garaacay Raul Gonzales.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip