Rasmi: Arsene Wenger Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Macalinkii Ugu Wanaagsanaa Horyaalka Ingiriisha Bishii October

0
Tuesday November 10, 2015 - 11:49:59 in Sports News by
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Arsene Wenger Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Macalinkii Ugu Wanaagsanaa Horyaalka Ingiriisha Bishii October

    Tababare Arsene Wenegr ayaa markiisii 15-aad ku guuleystay abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska bishii October ee tagtay madama uu kooxdiisa u hogaamiyaya far guulood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tababare Arsene Wenegr ayaa markiisii 15-aad ku guuleystay abaalmarinta macalinka ugu wanaagsan horyaalka Ingiriiska bishii October ee tagtay madama uu kooxdiisa u hogaamiyaya far guulood.

Arsene Wenger wiilashiisa ayaa guulo ka gaaray Manchester United, Watford, Everton iyo Swansea City taasoo u hogaamisay iney kaalinta labaad ka galaan horyaalka Ingiriiska iyagoo waliba ku dhibco ah Manchester City.

Wenger

Arsenal afartaas kulan kaliya 1-gool ayaa laga dhaliyay iyadoo ay dhalisay 11-gool, waxeyna si raaxo leh min (3-0) ku dhufatay kooxaha Swansea iyo Man United.

Kaliya goolka qura ee bishaas ka dhashay Arsenal waxaa ka dhaliyay kulamada horyaalka Ross Barkley oo kubad uu ku garaacay Gabriel Paulista daba mariyay Peter Cech waxeyna aheyd ciyaar ay Gunners 2-1 ku dhaaftay Everton.

66-jirkaan reer France ayaa bilooyinkadib hantiyay abaalmarintaan waxaana ugu dambeysay March2015.

Manuel Pelelgrini (Manchester City) iyo Claudio Renieri (Liecester City) ayuu ku garaacay abaalmarintaan.

Dhanka kale Arsene Wenger waa macalinka labaad ee ugu guulaha badan marka la eego in lagu guuleysto abaalmarinta macalinka bisha waxaana kaliya ka badan Sir Alex Ferguson oo 27-jeer qaaday.

XILIYADII UU WENEGR KU GUULEYSTAY ABAALMARINTA

1998: March, April

2000: October

2002: April, September

2003: August

2004: February, August

2007: September, December

2011: February

2012: February

2013: September

2015: March, October




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip