Xanta Suuqa: Louis Van Gaal Oo Isha Ku Haya Inuu Midkood Lasoo Saxiixdo Afar Xidig Oo U Calaameysan, Waa Kuwee?

0
Tuesday November 10, 2015 - 11:43:32 in Sports News by
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xanta Suuqa: Louis Van Gaal Oo Isha Ku Haya Inuu Midkood Lasoo Saxiixdo Afar Xidig Oo U Calaameysan, Waa Kuwee?

    Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa ka gadoodsan qaab ciyaareedka kooxda ee dhanka weerarka iyagoo aaminsan ineysan kooxdaan aheyn mid u diyaarsan iney guuleysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa ka gadoodsan qaab ciyaareedka kooxda ee dhanka weerarka iyagoo aaminsan ineysan kooxdaan aheyn mid u diyaarsan iney guuleysato.

Tiro laba jeer ah ayey ku qeyliyeen Louis Van Gaal ayagoo ugu baaqaya in kooxda ay u baahan tahay weerar, balse markaan macalinka reer Holland wuxuu calaameystay Afar xidig oo mid ama laba ka mid ah uu keeni doono Old Trafford marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Sida la isku raacay Louis Van Gaal wuxuu kooxdiisa la doonaya garabka kooxda Southampton Saido Mane kaas oo ka mid ah xidigaha ugu xoogan uguna farsamada badan horyaalka Ingiriiska.

Felipe
Sidoo kale Riyad Mahrez oo ka tirsan Leicester City, Felipe Anderson oo ka tirsan SS Lazio iyo Anwar El Ghazi oo ka tirsan Ajax ay iyaguna ku jiraan liiskaan.

Rajadii ay kooxdaan ka laheed Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo waa soo dhamaatay madama labada xidig ay muujiyeen ku faraxsanaanta noloshooda caasimada Madrid.

Dhanka kale Van Gaal ayaa dhaliilay xawaaraha xidigaha Lingard iyo Juan Mata kuwaas oo badi uu u xusho iney ciyaaraan garbaha weerarka.

Ugu dambeyntiina afartaas xidig mid ka mid ah ayaa la filayaa inuu soo gaaro Old Trafford xagaaga soo aadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip