Jadwalka Guddiga doorashada ay soo saareen ayaa waxaa ku qornaa Lix Musharax inay kursigaan ku tartamayaan, balse doorashada dhacday waxaa ku tartamay kaliya labo Musharax oo mid haweenay ay tahay, Wasiirkana uu watay.
Afarta Musharax ee kale oo mid ka mid ah laguna magacaabo Nasro oo goobta tagtay, ayaa Makrafoonka ka sheegtay doorashada inaysan cadaalad aheyn, ergada meesha fadhidana uu soo qortay Wasiir Nuux, kadibna iyadoo doorashada aysan bilaaban ayeey ka tagtay hoolka, markii makrafoonka xoog looga qaaday.
Doorashada oo qabsoontay ayaa ergadii madasha fadhiday waxa ay u codeeyeen Wasiir Nuux oo ku soo baxay codad dhan 43, halka Hinda Maxamed Cumar oo la tartamaysay Wasiirka ay heshay hal cod.
Musharaxiinta la tartamaayay Wasiir Nuux, ayaa sheegay doorashadaasi inay tahay mid musuq maasuq ah, maadaama si aanan sharciga waafaqsaneyn ay u dhacday.



0 



Maxamed Xasan Nuux oo ku soo baxay Kursi Xildhibaanimo, kadib doorasho mugdi badan ka jiro oo Muqdisho ka dhacday
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda waqtigeeda uu dhamaaday, ayaa ku soo baxay doorasho mad madow badan uu ka jiro taasi oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.