
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA FEBARAAYO 2017-DA
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Meydadka Saddexda Ruux ee la Gowracay la soo dhigay Tu ulada Karin,waxaana loo Maleynayaa in ay yihiin Dadkii ay dhawaan Gaariga kala tageen Maleeshi yaadka Taabacsan Kooxda Daacish ee Puntland ka Dagaalanta.
Dadka ku Nool Tuulada Karin markii ay Arkeen Dhacdadaan ayaa waxaa soo Foodsaaray Wal wal aad u Xooggan.
Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland weli kama hadlin Dhacdadaan Foosha Xun ee ka dhacday Gobolka Bari ee Puntland.
MUSHARAXIIN KA HORYIMID GO’AAN KASOO BAXAY GUDDIGA DOORASHADA MADAXWEYNAHA
Musharaxiinta U taagan Xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dood wadaag Shalay lagu waday in magaalada Muqdisho lagu qabto oo ay joojiyeen Guddiga Doorashada Mad ax weynaha Soomaaliya.
Musharaxiinta ayaa waxaa ay sheegeen in Guddiga Doorashada Madaxweynaha aysan awood u la heyn in ay joojiyaan doodwadaaga Musharaxiinta.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in xubno ka tirsan Guddiga Doorashada Madaxweynaha ay si cad u taageereen Musharaxiin gaar ah.
Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 24 mu sharax , waxaana lagu waday in 12 ka mid ah ay shalay gelinka hore ay doodaan.
12 Musharax ayaa shalay diiday in ay ka qeyb galaan dood wadaag ka dib markii ay sheegeen in xu bno ka tirsan dowladda ay doonayaan in dooda ay noqoto mid qarsoodi ah oo warbaahinta madax ba naan aysan ka qeyb galin.
Ugu dambeyn Musharaxiintaan ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ay ka codsadeen in dood wadaaga Musharaxiinta loo qabto si hufan.
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY
Madaxweynaha Soomaaliya oo Addis Ababa uga qeybgalay shirka Midowga Africa, ayaa dal ka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka hoggaamiyeyaasha Midowga Africa uga qeybgalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethi opia, ayaa soo laabtay.
Ajendaha ugu weyn Shirka waxa uu ahaa doorashada guddoomiyaha ururka Midowga Africa oo ay ku tartamayeen shan waddan oo kala ah Chad, Kenya, Senegal, Equatorial Gini iyo Botswa na, tartan adag oo dhacay kaddib waxaa isu soo haray Kenya iyo Chad.
Guddoomiyaha Midowga Africa afarta sanno ee soo socotay waxaa ku guuleystay Wasiirka ar imaha dibadda dalka Chad Moussa Faki Mahamat, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Aamin Maxamed looga adkaadey tartankaasi
Sidoo kale ku xigeenka ururka Midowga Africa waxaa helay Ghana, iyadoo la dhammeystiri doono guddiyada ururkaasi uu ka koobnaan doono mudada soo socota.
Qodobka kale ee madaxda Africa ay ka hadleen waxa uu ahaa Morocco oo codsatay in loo ogo llaado in ay dib ugu soo laabato ururka Midowga Africa oo ay horey uga baxdey, madaxda Afri ca ayaana cod Akhlabiyad leh ku ansixiyey in Morocco ay xubinnimadeedii ay dib u hesho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana soo dhoweeyey xildhibaanno ka tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.
MUSHARRAX MAXAMED CALI AMEERIKO OO SHEEGAY IN ISAGA IYO MUSHARRIXIIN KALE AYSNA KA QEYB GALEYNIN DOODA MUSHARRIXIINTA.
Musharrax Maxmed Cali Ameeriko ayaa sheegay in isaga iyo Musharrixiin kale ay si weyn u ga soo horjeedaan Go’aanka Saxaafadda Madaxa banaan looga reebay ka qeyb galka Dooda Mus harrixiinta Madaxweynaha.
Waxa uu sheegay Musharraxu in aan la aqbalikarin in Telefishinka dowladda kaliya loo ogo laado tabinta Doodda Musharrixiinta sida uu hadalka u dhigay.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay Musharraxu in ay qabanayaan Shir Jara’id oo ay uga soo horjeedaan ka qeyb gali la’aanta Warbaahinta Madaxa Banaan Dooda Musharrixiinta Madaxweyn aha.
Maanta aya la filayay in ay billaabato Dooda Musharrixiinta Madaxweynaha wallow waqtigii loo asteeyay ay dib uga dhacday sababo ku aadan Internetka oo saacadihii la soo dhaafay ka maq naa qeybo badan oo ka mid ah dalka.
Hadaba Dooda Musharrixiinta oo ah mid si weyn loo wada sugayay ayaa waxaa dad badan ay ka muujinayaan Walaac maadaama Saxaafadda Madaxa banaan aan lagu soo darin ka qeyb gal ka Doodaasi oo la sheegay in ay Muhiim u yihiin.
DOWLADDA SOOMAALIYA OO JAWAAB KA BIXISAY GO’AANKA MADAXWEYNAHA
MAREYKANKA
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, C/salaan Hadliye Cumar, ayaa sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka toddobo dal, oo Somaliya ku jirto uu kaga mamnu ucay dalkaasi.
Donald Trump, ayaa maalintii Jimcaha saxiixay awaamiir uu dadka u dhashay dalalkan kaga mamnuucayo in ay yimaadaan Mareykanka.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliya, ayaa tilmaamay in guud ahaan Somalida oo dhan ay ka xun tahay go’aankan uu qaatay madaxweynaha dalka Mareykanka, isaga oo sheegay in go’aankaasi uu ku soo aaday, xilli Somaliya ay ka soo kabaneyso dagaalo sokeeye, horumarna ay samaynayso.
Hadliye ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ka xun tahay in farta lagu soo fiiqo dadka Somaliyeed, xilli sida uu sheegay ay la dagaalan kula jiraan kooxo meel wayn kaga jira argagixisada caalamka.
Isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayuu Xukuumadda Washington ugu baaqay in ay dib isugu laabato, arrintaana ay si dhakhsi ah u soo afjarto.
Wasiirka oo la hadlay VOA, waxna laga weydiiyay tallaabada Somaliya kaga aadan go’aanka Trump, ayuu sheegay in arrintaasi ay mowqif ka qaadan doonaan.
Ugu danbeyntii, go’aanka ayaa durbaba saameeyay qoysas Somaliyeed oo dib u dejin ka hel ay Mareykanka. Qoysaskan oo qaxooti ku ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, ayaa walaac ka muuj iyay qaraarka uu saxiixay Madaxweyne Trump.
KENYA OO SHAACISAY DALALKA AY U DHASHEEN RAGGII WEERARAY DEGAANKA KULBIYOW
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Weerarada AlShabaab ay ku qaadaan Saldhigyada Ciidamada dowladda Kenya ay ku leeyihiin Gudaha Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan dhalinyaro u dhashay Kenya oo ku biiray AlShabaab.
Waxaa ay dowladda Kenya ay sidoo kale sheegtay in Weerarkii lagu qaaday Saldhiga Ciid anka dowladda Kenya ee degaanka Kulbiyow ay ka qeyb qaateen dagaalyahano ku jira AlShabaab oo kasoo kala jeedda dalalka Kenya iyo sidoo kale Tanzania.
Weerarka oo Qaraxyo loo adeegsaday ayay dowladda Kenya ay sheegtay in ay fuliyeen dhal inyaro Kenyaan ah , islamarkaana ka dib ay dagaal toos ah ay bilaabeen dagaalyahanada Sooma alida.
Sida laga soo xiganayo Hay’adda Ammaanka dowladda Kenya dagaalkii Kulbiyow Waxaa ka qeyb qaatay in ka badan 500 oo Askari oo Shabaab ka tirsan , waxaana badankood ay kasoo jeed aan dalalka Kenya iyo Tanzania.
” Qof kii ugu horeeyay ee waday Gaarigii lagu Qarxiyay Saldhiga ciidanka , waxaana uu ku hadlaayay luqadda Sawaaxiga ee looga hado Kenya” Sidaas waxaa yiri Afhayeen u hadlay Kenya.
AlShabaab ayaa Jimichii lasoo dhaafay waxaa ay weerar xoogan ay ku qaadeen degaanka Kulbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ay sheegeen in ay halkaasi ay dileen tiro ka mid ah ciidanka dowladda Kenya.
NINKII KA DAMBEEYEY TOOGASHADII KA DHACDAY MASJID KU YAALLA KANADA OO LA SOO MAXKAMADEEYEY.
Boliska magaalladda Quebec ee dalkaasi ayaa sheegay in Eedeysanaha keliya ee loo soo xiray Toogashadaasi habeen hore la soo taagayo Maxkamad.
Eedeysanahaasi oo lagu magicaabo Aleskandar Bissonnette. waxa uu asalkiisa ka soo jeed aa dalka Faransiiska, waana 27jir Arday ka ahaa Jamaacad ku taalla magaalladda Quebec.
Boliska waxay tilmaamaeen in Eedeysanaha lagu soo oogay dacwad isugu jirta dil iyo dhaa wac, iyadoo uu Toogashada ka dhacday Masjidka ku dilay 6 qof, kuna dhaawacay 8kale oo 5 ka mid xaalladooda aad u liidato.
Marxuuminta lagu dilay Toogashadaasi ayaa lagu kala magacaabi jirey:
XUBNAHA GOLAHA AMMAANKA EE QM OO SHIR DEGDEG AH KA YEELANAYA GANTAAL AY IIRAAN TIJAABISAY.
Dowladda Maraykanka ayaa codsatay Kulankaasi, kadib, markii ay Milliteriga Iiraan tijaabiye en Gantaal Balaastik oo ridada dhexe ah.
Tallaabadda ay Dowladda Maraykanka ay Kiiskaasi ugu gudbisay Golaha Ammaanka ee QM waxaa gadaal ka riixayo Ra’isulwasaaraha Yuhuudda, Benjamiin Netenyaahu oo walaac xooggan ka muujyey Tijaabadda Iiraan.
Waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump kala hadli doono arrinkaasi, marka ay bisha soo socota ee February 14da kulan ku yeeshaan Aqalka Cad ee magaa lada Washington.
QOYSAS KU XOOLO BEELAY ABAARAHA OO KU DHIBAATEEYSAN QEYBO KA TISRAN GOBOLKA GEDO
Boqollaal qoys oo kasoo barakacay gobollada Bay, Bakool, J/dhexe iyo qeeybo ka tirsan gob olka Gedo ayaa gaaray degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, ayadoo dadkani ay saameeyn ba'an ku yeesheen abaaraha ka jira Soomaaliya.
Qoysaskan oo u badan xoola dhaqato ku xoolo beelay abaaraha ayaa maalmihii ugu danbeeyay beegsanayay degmooyinka Baardheere iyo Doolow.
Gudoomiye kuxigeenka gobolka Gedo Sheekh Max'ed Yuusuf Xuseen (AlQaadi) oo la hadlay shabakadda HOL ayaa sheegay in boqollaal qoys ay soo gaareen degmooyinka Baardheere iyo Do olow, ayna dadkani ka muuqdaan diifta ay ku reebtay abaarta.
"Qoysaskan soo gaaraya degmooyinka Baardheere iyo Doolow ayaa ah dad aan heeysan ha ba yaraatee wax hanti ah oo ay dib ugu laabtaan, naftooda ayay kala soo baxsadeen abaaraha, waa dad ay ka muuqato dhibaato ba'an, una baahan in kaalmo degdeg ah loo fidiyo," ayuu gudoomiye ku xigeenka hadalkiisii raaciyay.
Qoysaskan ayaan helin wax kaalmo bini'aadanimo oo ku filan, marka laga reebo gargaar isu gu jiray iyo biyo iyo raashiin oo aan ku filnayn oo ay gaarsiiyeen maamullada degmooyinka Baardhe ere iyo Doolow.
"Waxaan la xiriirnay gudiga gurmadka abaaraha ee heer federaal, waxaana uga warbixinnay xaaladaha adag ee halkan ka jira, balse ilaa hadda waxba lama soo gaarsiin qoysaskan, waanse ra jeeyneeynaa in baaqeennu gaari doono," ayuu gudoomiye ku xigeenka hadalkiisii raaciyay.
Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa saameeyey dadka beeraleeyda iyo xoolo dhaqatada ah, ayadoo qeybo ka tirsan dalka ay dadku u le'anayaan oon iyo gaajo.
200 OO QOF OO SOOMAALI AH OO MAREYKAN U SOCDAY OO KU XAYIRAN KENYA
Qaxooti Soomaaliyeed oo mamnuuca socdaalka ee Donald Trump uu soo rogay uu saa meeyay ayaa iminka ku xanniban Kenya.
Qaxootigaa ayaa waafaqay dhammaan sharuudihii loo baahnaa. Hase ahaatee, in ka badan 200 oo qaxootigaa ah oo duulimaatka sugaayay un ayaan u safri karayn Mareykanka.
Qaxootigaa ayaa ka yimid xeryaha Dhadhaab Nairobi ayayna duulimaadyada u imaadeen. Si kastaba ha ahaatee hayada socdaalka ee QM ee IOM ayaa usheegtay in la baajiyay socdaalkooda.
Sargaal sare oo ka tirsan QM ayaa sheegay in Trump mamnuucida uu soo rogay ay saamay say.
Yvonne Ndege waxay dhanka saxaafada u qaabilsan tahay QM. Waxay sheegtay in 13,000 oo Soomaali ah laamaha socdaalka ee Mareykanku ay ansixiyeen duulimaadyadooda balse amarka Trump dartii socdaaladooda loo hakiyay.
13,000 oo kale oo qaxooti ah ayaa sidoo kale ay sheegtay in wali ay wax marayeen amarka ka hor.
Qaxootiga Soomaalida ah ayaa Kenya kunoolaa wixii ka dambeeyay 1991 markii dawladii dhexe ee Soomaaliya ay burburtay.
MIDOWGA AFRIKA: DADKEENA WAXAA MAREYKANKA LAGU GEEYAY ADOONSI
Ururka midowga Afrika oo iminka shir ku leh Addis Ababa Itoobiya ayaa sheegay in dadka Afri kanka ah (African Americans) markii hore in la odoonsado loo geeyay Mareykanka.
Waxay madaxdaasi sheegeen in markii hore African Americanka aan qaxooti ahaan Marey kanka loo geyn. Arinkaan ayaa kusoo aaday ayadoo amar socdaal lagu soo rogay muwaadiniinta dal al todobo ah.
Dalalkaa ayaa waxaa kujira 3 dal oo qaarada Afrika dhaca kuwaasoo kala ah Liibiya, Soom aaliya iyo Suudaan.
Dalalkaa ayaa muwaadiniintooda amarku ka mamnuucayaa inay si sahal ah ku galaan Mare ykanka.
'Tani waa caqabade maxaanu ka yeelnaa?' Sidaa waxaa tiri haweyneyda xilkeeda guddoomi ye ee ururkaa uu iminka dhammaaday ee Nkosazana DlaminiZuma.
Waxay sheegtay awal in arinku adoonsi maraayay hadana loo rogay qaxootiga Afrika in lagu dhibo galitaanka Mareykanka!
Toban maalmood kadib markii xilka uu qabtay madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayuu ku dhaqaaqay go'aano badan oo muran dhaliyay asagoo iminka cabsi weyn ka dhex abuuray gudaha dalkaasi Mareykanka iyo qeybo kale oo ka tirsan caalamka.
20 KA MID AH MUSHARRAXIINTA OO WATA BAASABOORRO SHISHEEYE (MAGACYADA IYO DALALKA)
February 8, 2017-ka, waxaa dalka ka dhaceysa doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah, 20 ka mid ah 24ka murashax ee hadda taagan waxaa ay heystaan Baasaboor kale, dhibaatada intaa kuma koobna, haddii sidan lagu socdo, Soomaaliya waxaa madaxweyne ka noqon kara qof heysta dhalashada dalka Itoobiya. ma jirto dowlad sharaf leh oo ogolaaneysa in uu madaxweyne noqdo ruux dal kale Baasaboorkiisa wata,
Murashaxiinta Iyo Dhalashada Ay Kala Heystaan:
Bashiir Raage Shiiraar, Maxamed Axmed Jabarte, Axmed Maxamed Cabdi iyo Saciid Cabdulahi Deni marka laga reebo inta kale waxaa ay wataan Baasabooro kale.
Dooddan waxaa keeney qodobka 8aad oo ka hadlaya shacabka iyo jinsiyadaha, u fiirso dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 3aad oo u qoran: Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale, halkan waxaa ku cad in qofka So omaaliga uu qaadan karo labo dhalasho, dooddeena shalay ma aha qofka Soomaaliga ah labo dhal asho ma qaadan karaan, ee waxa aan ka hadleyno waa qof labo Baasaboor leh ma noqon karaa Madaxweynaha Soomaaliya?!
Dastuurkan KMG ah ee 2012ka waxaa uu ka duwan yahay dastuuradii hore marka laga hadlayo shuruudaha doorashada Madaxweynaha dalka oo waxaa ku qoran qodobkiisa 88aad: Shuruudaha u Doorashada Madaxweynennimada waa in uu yahay: Muwaadin Soomaali, Muslim ah, Da’adiisu aa nay ka yarayn afartan (40) sano, Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas, Dhimirkiisu dhan yahay, Gelin dembi culus oo ay maxkamadi xukuntay, waxaa muuqata in laga saaray shuru udo ku jiray dastuuradii hore ee dalka!
Dastuuraddii hore ee Soomaaliya waxaa aad u adkaa xitaa qofka Soomaaliga ah in uu isku qaato labo dhalasho, sida ku qoran xeerka dhalasha ee dastuurkii 1962dii, qofka waxaa uu muwaadin yahay marka aabihii uu Soomaali yahay, ha degenaado gudaha ama dibadda dalka laakiin aan hey san dhalasho kale ama iska celiya dhalashada dalka kale.
Arrinta ku saabsan shuruudaha qofka noqonaya madaxweynaha Soomaaliya ee dastuuradii hore ku qornaa waxaa ay ahaayeen kuwoo aad u adag, waxaan soo qaadneynaa sida ay u kala horeeyaan:
Dastuurka Soomaaliya 1960kii, qodobka 71aad waxaa ku qornaa shuruudaha mudnaanshaha Mad axweynimada: Muwaadin kasta oo Muslim ah, Aabihii iyo Hooyadiina ay labaduba yihiin, muwaadini in asal ah oo xaq u leh in uu cod dhiibto/bixiyo, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ma qabi karo, mana guursan karo haweenay aan asal ahaan muwaadin Soomaali ahayn muddada uu xilka xafiiska hayo.
Dastuurka Soomaaliya 1979kii, Qod. 81aad waxaa sidoo kale lagu soo qaatay Shuruudaha Doora shada iyadoo lagu qoran sidan: Waxaa loo dooran karaa jagada Madaweynaha JDS. Qof kastoo So omaali ah, Aabihii iyo Hooyadiina Asal ay Soomaali yihiin horey aan u guursan, intuu Xilka hayana guursanin Qof aan Soomaali aheyn.
Dastuurka Soomaaliya 1990kii, waxaa qodobkiisa 78aad ku qornaa Shuruudaha doorashada waxaa loo daabacay sidan: Waxaa loo dooran karaa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda muwaaddin kastoo Soomaaliyeed, Muslim ah, aabihiis iyo hooyadiis Soomaali asal ah yihiin, horay an u gursan, inta uu xilka hayana guursanin qof aan Soomaali asal ahayn.
Qaar ka mid ah murashaxiinta oo aan arrinkan kala hadalney waxaa ay difaaceen madaxweyne labo Baasaboor leh, waxaa ay ku doodayaan in khiyaanada aaney ku koobneyn dadka labada dhalasho leh, iyagoo intaa raaciyay in labada(2) Milyan ee Soomaalida ah oo dibadda ku nool ay xaq u lee yihiin jagadaasi.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in aan la aqbali Karin in dalka uu madaxweyne ka no qdo shakhsi hooyadii, aabihii ama xaaskiisa aaney Soomaali aheyn halka Sheekh Cabdixayi Aden Sheekh Xasan oo ah imaam iyo bare wax ka dhiga jaamacadda Muqdisho uu isweydiiyey madax weynaha labada dhalasho leh waa su’aale: Dalkee ayuu daacad u noqdaa labada dal?
Abuukaate Tahliil oo ah sharciyaqaan deggen Muqdisho, waxaa uu caddeeyay in caalamka aanu ka jirin dowlad ogolaaneysa mas’uuliyiin labo dhalasho leh, Abuukaataha waxaa uu sheegay in arrinta aanay ku koobneyn madaxweynaha dalka ee la doonayo in xitaa aanay labo baasaboor wadan qof kasta oo xil qaran dalka ka qabanaya sida Madaxweynaha, Ra’isul Wasaaraha, Wasiirada, Xildhiba anada iyo inta ugu muhiimsan shaqaalaha dowladda.
Dunida Kama Jiro Dal uu Madax Ka Yahay Madaxweyne Labo Baasaboor Leh:
Dastuurka Mareykanka waxaa uu qabaa in shakhsiga uu ahaado "natural born Citizen.” da’da 35 sano iyo in uu dalka Mareykanka deganaa ugu yaraan 14 sano.
Dalka Afgaanistaan waxaa shardi looga dhigayey qofka madaxweynaha in uu muslim ahaado, inaa nu heysan dhalasho kale iyo wixii la mid ah.
Dalka Algeria waxaa shuruudda ka mid ah in uu muslim yahay, Algerian yahay iyo xitaa in xaaskiisa aaney heysan dhalasho kale.
Dalka Angola: Waxaa ay shuruudda ku dareen in uu ka dhashay qabiillada dalka degan, weli in uu Afrikaan asal ah yahay.
Dalka Masar tusaale ahaa sanadkii 2012kii waxaa doorashada laga reebay Sheekh Xaasim Abuu Ismaaciil, ma aheyn in Xaasim uu dhalasho kale heystay laakin waxaa looga reebay markii la ogaaday in hooyadiis ay heshay green card mar ay booqo ugu tagtay gabadheeda oo deganeyd dal ka Mareykanka.
XIGASHO:SHAACIYE.COM
ADEEGGA INTERNETKA EE MAGAALADA MUQDISHO OO DIB U SOO LAABTAY
Duhurnimaddii shalay ayaa waxaa dib loo helay Adeegii Internetka, kaasi oo gebbi ahaan Muqdisho ka go’naa tan iyo Fiidnimadii habeen hore.
Xaallad jahwareer ayaana gelinkii hore ee shalay laga dareemay maqnaanshaha Internetka, wuxuu na saamayn ku yeeshay Hay’adaha Dowladda, kuwa aan Dowliga ahayn, Warbaahinadda, Shirkad aha Ganacsiga, Xawaaladaha, Diyaaradaha iyo gebbi ahaan macaamiisha kale ee Internetka.
Xarumaha Inter caféyadda ee Muqdisho ayaa shalayyto haawanayey, marka laga reebo kuwo farakutiris ah oo ku yaalla Degmadda Xamarweyne.
Shirkadaha bixiya Internetka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in hawl ballaarin ah lagu hayey Khadka Internetka ee Fibre Optic ee soo dhex mara Badweynta Hindiya.
Si kastaba ha ahaatee, Dadka Reer Muqdisho oo keliya ma saamaynin Adeegga Internetka ee shalay la la’aa, waxaana jirta in inta badan Goballadda Koonfurta Somalia ka jirtay baahida dhin aca Adeegga Internetka oo si xoogan ugu laran nololmaalmeedka Aadanaha.
GUDDIGA DOORASHADA OO KU DHAWAAQAY IN GABI AHAANBA LA JOOJIYAY DOODDII MUSHARIXIINTA
Guddiga qabanqaabada musharixiinta xilka madaxweynaha oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojiyay dooddii musharixiinta oo qorshuhu ahaa in shalay la qabto.
Guddoomiyaha gudiga doorashada doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo xalay dadka kala hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin marka hore ka bixiyay wax sababay in ay baaq ato dooddii shalay qorshuhu ahaa in la qabto.
‘’Sida aan horayba u sheegnay jadwalka doorashadana ku qoran shalay waxey aheyd in la hergaliyo qeyb ka mid ah jadwalka doorashada oo aheyd in musharixiinta dadka hor yimaadaan su’aalo toos ahna la weydiiyo, labo qeybood ayaan u kala qeybinay musharixiinta oo kala ah 12 musharax in gall inka hore ka qeybqaataan doodda, halka inta kalana loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan galinka dan be, waxaana soo ajiibay oo noo yimid 9 musharax, markii ay doodda wax xooggaa soctay ayaa ogaa nay in Internetku laheyn awood uu ku gudbin karo doodda oo loo baahnaa in toos loo tabiyo, waan tan keentay in dooddii halkaa ku baaqato’’ ayuu yiri guddoomiyaha gudiga doraashada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintan aheyd mid tijaabo ah oo ku cusub marka la eego jadwalka doorashada madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in ay go’aan ku gaareen gabi ahaanba in la joojiyo doodda oo halkaa lagu hakiyo, madaama ayuu yiri waqtigu aad u kooban yahay.
‘’Arintan markii horeba waxaa ay iska aheyd arin tijaabo ah oo ku cusub jadwalka door ashada, sidaa daraadeed waxaan go’aan ku gaarnay in gabi ahaanba aan halka ku joojino doodda, madaama waqtigu aad ciriiri noogu yahay, dhinaca kalana jadwalku naga qaldamin’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gudiga doorashada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in musharax walba u furan tahay in uu iska soo duubo muqaal shan daqiiqo ah oo dadka uu kula hadlayo, waxaana uu balanqaaday in muuqaalkaa si toos ah loo ga sii deynayo TV Qaranka.
Ugu danbeyntii, guddoomiyaha ayaa sheegay in cilada farsamo ee ku dhacday Internetka la oran karin cid gaar ah ayaa ka danbeysay, madaama ayuu yiri gudigu arinta si dhab ah u baareen islamarkaana soo ogaadeen in ay aheyd cilad saameyn ku leh xitaa wadamada dariska ah.
XILDHIBAANKII GUDDIGA DOORASHADA KU CELIYEEN PUNTLAND OO SHALAY LA DOORTAY
Magaalada Garowe ee Caasimada maamulka Puntland ayaa waxaa shalay lagu doortay mid ka mid ah Kuraastii Guddiga doorashooyinka ay dib u celiyeen.
Hoolka Jaamacadda PSU ee Magaalada Garowe ayaa lagu doortay Xildhibaan Cabdi Maxam uud Afdhuub oo ahaa xildhibaankii horay doorashadiisa loo celiyay.
Goobta ay ka dhaceysay Doorashada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah Waxga radka Beesha Ugaar Saleymaan iyo Guddiga doorashooyinka dadban.
Cabdi Maxamuud Afdhuub ayaa horay waxaa loogu eedeeyay in uu kusoo baxay Musuq maa suq.
WAXGARADKA IYO SIYAASIYIIN KU BAAQAY IN DIB LOO DOORTO MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD.
Kadib kulan ay manata Magaalada Muqdisho ku yeesheen Waxgarad iyo Siyaasiyiin Sooma aliyeed ayaa waxa ay ku gorfeeyeen waxqabadka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan She ekh Maxamuud ahna Musharrax u taagan doorashada Madaxweyne ee Dalka.
Waxa ay sheegen mudada Afarta sano ee uu talada dalka hayay uu ku guuleystay Dhameyst irka Maamul Goboleedyada Dalka , dib u soo celinta Bilicda Dalka , taasina ay Muhiim in uu halke edii ka sii ambaqaado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa ka codsaday Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay codkooda siiyaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayna iska dhaafaan Caadada ah in mar weliba talada dalka uu hoggaamiyo shaqsi ku cusub Siyaasadda dalka.
Dhinaca kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo isna goobta ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in Senetarrada oo haatan lagu soo biiriyay Baarlamaanka Soomaaliyeed iyaguna ay kula dar daar mayaan In ay ayidaan waxaqabadkii Afartii sano ee la soo dhaafay sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Dhoolatuus Siyaasadeed ku soo badhigay Magaalada Muqdisho kadib markii uu Kulansiiyay inkabadan 180 Xildhibaan oo ka wada tirsan Xubnaha labada Gole.
CARUUR BIYO LA’AAN UGU GEERIYOOTAY GOBOLKA GEDO
Wararka Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Caruur ay Biyo la’aan ugu geeriyoodeen halkaas.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Caruurta geeriyootay ay yihiin 2 Caruur ah kuwaas oo ay same ysay Biyo La’aanta ka jirta qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.
Waxaana Deegaanka ay Caruurtaasi ku Geeriyoodeen lagu Magacaabaa Faafaxdhuun oo qiyaastii 84 km u jira Degmada Baardheere.
Iyadoona deegaankaasi ay ka jirto Biyo la’aan baahsan waxaana isa soo tarayay qeylo dha an aad u xoogan oo ka soo yeereysay Shacabka halkaan ku nool.
Sidoo kale xiriiro aanu la sameynay Maamulka Gobolka Gedo iyo kan degmada Baardheere bal si aan uga xog wareysanno xaaladda Biyo la’aaneed ee halkaas ka jirta ayaa waxaan inoo suura galin inaan qadka Taleefanka ku haleelno.
Xaaladda Abaaraha ee ka taagan deegaanno badan oo ka tirsan Gobollada Dalka ayaa wax aa dhibaatooyin aad u xoogan ay kala soo gudboonaaneysay maalmihii la soo dhaafay Caruurta iyo dadka Da’da ah kuwaas oo noloshooda qaarkood ay ku waayeen Abaaraha daran ee ku dhuftay dalka.
XILDHIBAAN LAGALA BAXAY HOYGIISA OO KU YAALA MAGAALADA KISMAAYO
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa shee gaya in habeen hore hoygiisa lagala baxay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubba land.
Ciidanka Jubbaland oo wata gaadiidka dagaalka, ayaa weeraray hoyga uu magaalada ka deg an yahay Xildhibaan Shuceyb Ibraahim Colow, iyagoona u kaxeystay goob aan la garanayn.Ilo ware edyo muhiim ah, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Ciidanka Jubbaland ay jirdileen Mudanaha Baarl amaanka Jubbaland ka tirsan, ka hor intii aanay ka wadan hoygiisa oo ku yaala agagaarka Aargada Kismaayo.
Qoyska iyo ehelada Xildhibaanka oo ay la socdaan tiro ka mid ah Xildhibaanada Jubbaland, ayaa shalay ka baadigoobay Xildhibaanka xabsiyada Magaalada Kismaayo, ha yeeshee waxaa la soo sheegaya in ay ka soo waayeen.
Nin ka mid ah ehelada Xildhibaanka, ayaa Dhacdo.com u sheegay in xabsi kasta oo Kisma ayo ku yaala ay shalayy cagta dhigeen, balse ay xaqiiqsadeen inaanu ku xirnayn Xildhibaanku.
Ninkan, ayaa inoo sheegay inaanay aqoon halka ay Ciidanka Jubbaland ku hayaan Xildhibaan Colow, arrantaana ay ku dhalisay dareen baqdin leh.
Ma cadda waxa Ciidanka Jubbaland ay hoygiisa uga kaxeysteen Xildhibaan Colow, waxaan sidoo kale jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Kismaayo iyo Saraakiisha ammaanka.
MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND OO SHEEGAY IN LA JOOGO WAQTIGII CIIDAMADA NATO SOMALIYA AY KA BIXI LAHAAYEEN
Madaxweyne ku xigeenka Puntand Cabdi xakiin Xaaji Cabdulaahi Camey ayaa fariin u diray dow ladda federalka Somaliya iyo Xubnaha labada Aqal isagoo ka codsay inay ku dadaalaan sidii maraakiibta shisheeye looga saari lahaa dalka Somaliya ayna ugu noqon lahayeen dhulkoodi ay hor ay uga yimaadeen.
Camey ayaa sheegay in aduunweynaha markii hore u soo gurmaday sidii wax looga qaban la haa BurcadBadeeda Somaliyed ee Afduubka ka gaysan jirtay Xeebaha Somaliya wuxuuna sheegay in lasoo afjaray Burcadaasi sanadkii tagayna la sheegay labo isku day oo kaliya.
Ka dib Burcad badeedii laga saaray dalka ayuu sheegay Camey in ciidamada joogidooda ay ku soo dhuunteen Cadowyo kale kuwaas oo nabad galyada Puntland qal qal ku abuuray sida uu yiri.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa mar uu ka hadlaayay Maraakiibta Ciidamada NATO ee ku sugan xeebaha Puntland wuxuu sheegay in la joogo xiligii ay dalka isaga bixi lahayeen.
"Runtii wax badan ayaa laga qabtay Burcad badeeda, sanadkii ina dhaafay laba jeer ayaa la sheegay isku day Burcad, laakiin weli waxaa taagan ciidamadii wadamada kala jaadka ahaa ay wata an oo lagu soo ganbanayo ayaa soo baxday, waxaan leeyahay dad badan oo Ajaanib ah ayaa nala jooga, waxaan leeyahay in dib loo eego, maadaama Burcad badeedii ay meesha ka baxday waxaa la joogaa xilligii Maraakiibta ay dib ugu noqon lahaayeen dalalkooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku xig enka Puntland.
Maraakiib fara badan ayuu sheegay in Kalluumeysi sharcidaro ah ay ka sameynayaan Xeebaha Somaliya.
Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadalkan ka yiri shalay shir looga hadlayeye amaanka xe ebaha Puntland uu uga qayb galay magaalada Garowe kaas oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Dekedaha Puntland.
MAXAY TAHAY SHAQADA AY BERRI QABAN DOONAAN GUDDIGA DOORASHADA MADAXWEYNAHA
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay berri oo Khamiis ah inay bilaabaan dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soom aaliya.
Musharaxiinta ayaa Jeedin doona Khudbado ay kaga hadlayaan waxqabadkooda.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maalinta Khamiista ah Guddigu ay qaban doonaan shaqo weyn , islamarkaana xil dhibanada ay dhageysan doonaan Khudbadaha Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan Qabashada Xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Xusay in dhageysiga Khudbadaha Musharaxiinta ay soconaya an Muddo ku siman 3 Maalmood oo kala ah Khamiis , Sabti iyo Axad.
Sidoo kale Cabdiraxmaan Ducaale beyle ayaa Rajo fiican ka muujiyay in doorashada Mada xweynaha Soomaaliya ay dhacdo sideeda Bishaan oo ku beegan Arbacadda Soo socota.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA FEBARAAYO 2017-DA
MEYDADKA SADDEX QOF OO LA GOWRACAY OO LAGA HELAY MEEL U DHAW QANDALA Wararka ka imaanaya Degaanada Puntland ayaa sheegaya in Meydadka Saddex Qof oo Qoorta la ga jaray Saakay lagu Arkay Tuulada Karin oo u dhaw Degmada Qandala ee Gobolka Bari.