Kooxda Sevilla Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ku Dardartay Real Madrid, Sergio Ramos Oo Qool Qurux Badan Oo Uu Dhaliyay Ku Dhaawacmay, Madrid Oo Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Xili Ciyaareedkan La Kulantay Iyo Barcelona Oo Hogaanka La Ligaha Hadiyad Loo Siiyay

0
Monday November 09, 2015 - 11:58:19 in Sports News by
  • Visits: 1352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Sevilla Oo Guul Soo Laabasho Cajiib Ah Ku Dardartay Real Madrid, Sergio Ramos Oo Qool Qurux Badan Oo Uu Dhaliyay Ku Dhaawacmay, Madrid Oo Guuldaradii Ugu Horaysay Ee Xili Ciyaareedkan La Kulantay Iyo Barcelona Oo Hogaanka La Ligaha Hadiyad Loo Siiyay

    Kooxda Sevilla ayaa Real Madrid cashar lama ilaawaan ah u soo dhigtay kadib markii ay guul soo laabsho cajiib ah ku dardartay kooxda Los Blancos.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Sevilla ayaa Real Madrid cashar lama ilaawaan ah u soo dhigtay kadib markii ay guul soo laabsho cajiib ah ku dardartay kooxda Los Blancos.


Inkasta oo ay Real Madrid hogaanka ciyaarta ku qabtay gool qurux badan oo uu Ramos dhaawac ka qaaday ayay haddana kooxda martida loo ahaa ee Sevilla 3:2 ku dubatay kooxda Rafa Benitez ee Madrid. Waa guuldaradii ugu horaysay ee kooxda Real Madrid xili ciyaareedkan ka soo gaadhay La Ligaha iyo tartamada oodhan.Immobile2

Ciro Immobile,Ever Banega iyoFernando Llorente ayaa Sevilla goolasha ay guushan dahabiga ah ku gaadhay ukala dhaliyay.James Rodriguez ayaa intii lagu jiray saddex daqiiqo oo dheeri ah oo ciyaarta lagu daray kooxdiisa ka soo yareeyay farqiga goolasha.Guuldarada soo gaadhay Real Madrid ayuu micnaheedu yahay in ay hadda 3 dhibcood ka danbayso Barcelona oo hogaanka sii qabtay kadib markii ay kulankii Villarreal guul muhiim ah gaadhay.

Real Madrid ayaa kulan muhiim ah marti u ahayd kooxda Sevilla oo xili ciyaareedkan ku dhibtoonaysa horyaalka La Ligaha,Sevilla ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ku jirta kaalinta 13 aad isla markaana soo guuldaraysatay 3 kulan oo kaliya halka ay afartii kulan ee ugu danbeeyay soo guuldaraystay, laakiin Real Madrid ayaa kulankan iskeentay iyada oo aan wali wax guuldaro ah la kulmin kulamadii ay xili ciyaareedkan soo ciyaartay tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysay iyada maanka ku haysa in ay Barcelona xili horeba ay Camp Nou ku garaacday kooxda Villarreal, sidaa awgeed Los Blancos ayaa kulankan u dagaalamaysay sidii ay dib ugu soo laaban lahayd hogaanka La Ligaha.

Shaxaha ay kulankan labada tababare la soo shirtageen Labada kooxood:-

Tababare Rafael Benitez ayaa shaxdiisa soo ku daray Gareth Bale oo dhaawac ka soo laabtay halka uu goolka Madrid ku bilawday Kiko Casilla maadaama oo uu Navas dhaawac ku seegay kulankan. James Rodriguez ayaa wali kursiga kadyka Madrid ku sii jiray haka Nacho goolkii uu dhaliyay kulankii PSG lagu abaal mariyay ee shaxda Los Blancos lagu bilaabay.

Sevilla:Sergio Rico,Mariano Ferreira, Adil Rami,Marco Andreoli, Benoit Tremoulinas,Thimothee Krychowiak,Steven N’Zonzi, Vitolo,Ever Banega,Yevheniy Konoplyanka,Ciro Immobile.

Real Madrid: Kiko Casilla, Pepe, Sergio Ramos, Nacho, Danilo, Toni Kroos, Casemiro, Isco, Luka Modric, Cristiano Ronaldo, Gareth Bale

Labada kooxood ayaa kulankan ku bilawday laba qorshe oo kale duwan, Sevilla ayaa ku bilaabatay hanaan ciyaareed oo difaac iyo weerar deg deg ah ku dhisan halka ay Real Madrid ku bilaabatay fursad abuuris badan iyo kubbad hayn buuxda.Daqiiqadii 11 aad ayay Real Madrid u qaadatay in ay heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu Nacho birta u garaacay kooxda Sevilla isla markaana u ku sigtay in uu kulankii labaad oo xidhiidh ah uu shabaqa soo taabto.Nacho

Daqiiqadii 22 aad ayay Real Madrid heshay goolkeeda furitaanka waxaana gool layaableh oo kuwa ay weerar yahanadu qaar ka mid ah oo kaliyi dhaliyaan kooxda Los Blancos ugu fara yaraystay kabtakooda Sergio Ramos kaas oo kubbad laba lugoodley ah kooxdiisa hogaanka ugu dhiibay isaga oo ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Madrid hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Ramos2

Ramos ayaa goolkan ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Sevilla balse Ramos ayaa markii uu goolkan dhaliyay si xun dhulka ugu dhacay isaga oo waliba u muuqday in uu dhaawac ka soo gaadhay garabkii uu horeba xili ciyaareedkan dhaawacu ka soo gaadhay. Ramos ayaa isku dayay in uu ciyaarta sii wato balse ugu danbayn daqiiqadii 32 aad ayaaRaphaël Varane lagu soo badalay. Ramos ayaa jamaahiirta Sevilla isku taageen waxayna u soo dhaweeyeen si cajiib ah.Ramos

Isla markii goolka laga dhaliyayba kooxda martida loo ahaa ayaa qorshaheeda ciyaareed badashay mar haddii ayna jirin wax ay ilaashataa waxayna bilawday in ay goolka Madrid bartilmaameedsato. Bixitaanka Ramos ayaa Real Madrid difaaceeda ka dhigay mid aan u nidaamsanayn sidii hore taas oo keentay in kooxda Sevilla dhibaato badan ku abuurto.Sergio Ramos

Daqiiqadii 36 aad ayay kooxda Sevilla heshay goolkeeda barbaraha kadib markii uu Ciro Immobile kooxdiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay isla markaana uu ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah. caawin uu sameeyayYevhen Konoplyanka ayaa keentay in Immobile uu kooxdiisa uga faa’iideeyo isla markaana uu ciyaarta ka dhigo barbaro.Immobile

Ciyaarta ayaa daqiiqadii 40 aad waji kale yeelan gaadhay kadib markii uuCiro Immobile uu kooxdiisa udhalin gaadhay goolkeeda labaad isaga oo kubbad halis ah oo la goolka Madrid la soo hormariyay ku sigtay in uu shabaqa ku soo taabto laakiin kubbada ayaa wax yar birta u martay.Cristiano Ronaldo oo ku takhasusay in uu goolal ka dhaliyo Sevilla ayaan qaybta hore ee ciyaarta soo badhin qaan ciyaareed fiican isaga oo fursad kaliya oo halis ah kaliya helay.Ronlado

Sevilla ayaad moodaysay in goolka laga dhaliyay uu hurdada ka soo toosiyay, waxayna noqotay koox gabi ahaanba ka duwan sidii ay ahayd waqtigii ka horeeyay intii ayna Real Madrid goolka la iman. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro 1:1 ah.3

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Sevilla wali sii ahayd kooxda dardarta ugu abdan ku socotay inkasta oo ay haddana kubbada ugu badan ay Real Madrid haysatay. Sevilla ayaa marka ay kubbada hesho weerar ka qaadaysay baalaha.

Sevilla ayaa difaaca Madrid dhiabaato badan ugu abuurtay weeraro isdaba joog ah oo deg deg ah taas oo ugu danbayn keentay in Sevilla ay goolkeeda labaad la timaado daqiiqadii 61 aad kadib markii uuÉver Banega kooxda martida ahayd udhaliyay goolka ay markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay.Waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Sevilla hogaanka ciyaarta ugu qabatay.Banega

Konoplyanka ayaa kubbada dilaa ah la soo dhex orday difaaca Madrid isaga oo xerada ganaaxa Los Blancos la soo galay isla markaana kubbada hal -ka-hal ah uu la ciyaaray uu la ciyaaray Immobile taas oo keentay in Banego uu shabaqa ku soo taabtay.Banega2

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay labada kooxoodba fursado badan abuurayeen iyada oo wali Sevilla u sii muuqatay in ay tahay kooxda fursadaha culays lahayd. Laakiin Real Madrid ayaa weerar joogto ah ku raadinaysay goolka barbarha balse difaaca Sevilla ayaa halisbadan iska ilaalinayay.

Daqiiqadii 74 aad ayay Sevilla ciyaarta hurdada u dirtay kadib markii uu Fernando Llorente kooxdiisa udhaliyay goolkeeda saddexaad ee Real Madrid jilbaha udhulka udhigay, wuxuuna Llorente kooxdiisa ka dulqaaday culayskii ay Real Madrid ku raadinaysay goolka barbaraha isaga oo gool madax ah oo qurux badan Casilla u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Sevilla hogaanka ku dheeraysatay.Llorente

Sidoo kale Sevilla ayaa markiiba heshay laba fursadood oo goolal loo badali karayay balse Kiko Casilla ayaa badbaadiyay. Real Madrid ayaa dareentay maqnaanshaha Sergio Ramos oo ciyaarta dhaawac looga saaray iyo goolhaye Keylor Navas.

Sevilla ayaa ciyaarta si dhab ah gacanta ugu qabtay iyada oo Real Madrid markan ku dadaalaysay in ay ceeb iyo goolal badan iska ilaaliso.Intii lagu jiray saddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray ayuu James Rodriguez gool qurux badan kooxdiisa udhaliyay isaga oo ceebta goolasha ka soo yareeyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 3:2 ay wali Sevilla hogaanka ku ahayso.James

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:2 ay Sevilla ku garaacday kooxda Real Madrid waxaana sidaa Real Madrid ku soo gaadhay guuldaradii xili ciyaareedkan ugu horaysay tartamada oo dhan gaar ahaan La Ligaha oo ay hogaankiisa ahayd, laakiin guuldarada soo gaadhay Real Madrid ayaa faa’iido u ah Barcelona taas oo guul ay ka gaadhay Villarreal hogaanka ku sii qabtay balse hadda Barcelona ayaa noqotay hogaamiyaasha La Ligaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip