Gerard Pique Oo Difaacay Cesc Fabregas Kaas Oo Lagu Xanto Inuu Hogaamiye Ka Yahay Kacdoonka Ka Dhanka Ah Jose Mourinho
Daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa difaacay saaxiibkiisii hore kooxda Barcelona Cesc Fabregas kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyo hogaanka kacdoonka ka dhanka ah Mourinho oo ay wadaan ciyaartoyda Blues.
Ugu dambeyntiina Blues ayaa kaalinta 16-aad ee horyaalka fadhisa waana bilowgii ugu xumaa ebid ay sameyso kooxdaan
Warbixino
la baahiyay todobaadkii hore ayaa lagu sheegay in xidig ka mid ah
Chelsea uu doorbidayo in laga badiyo halkii uu Jose dartiis u guuleysan
lahaa, inkastoo Blues ay la kulantay 7-guuldaro 12-kii kulan ee
horyaalka Ingiriiska ay ciyaartay.
Cesc Fabregas ayaa durba inkiray wararka xanta ah ee la xiriirinaya inuu yahay shaqsigaas, balse Pique oo aqoon fiican u leh Cesc madama ay ahaayeen rag kasoo wada qalin jabiyay La Masia ayaa sheegay in 28-jirkaan uusan ku dhaqaaqi karin arinkaas.
"Si fiican ayaan u aqaanaa Cesc Fabregas, sinaba uma sameyn karo arintaas” ayuu Pique u sheegay Goal.com
"Waan naqanaa saxaafada Britain sida ay u jecel yahiin xanta, balse waan ogahay in Cesc aysan suuragal u aheyn inuu wadadaas maro”

0 