James Rodriguez Oo Ka Hadlay Kulanka El-Clasico, Miyuuse Ciyaari Doonaa Kulamada Qarankiisa Colombia?

0
Monday November 09, 2015 - 11:52:40 in Sports News by
  • Visits: 1455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Rodriguez Oo Ka Hadlay Kulanka El-Clasico, Miyuuse Ciyaari Doonaa Kulamada Qarankiisa Colombia?

    Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa shaaca ka qaaday ineysan wax cabsi ah ka qabin kooxda Barcelona oo ay dhamaadka bishaan ku kulmi doonaan Bernabeu xili ay Los Blancos guuldaro ka heshay Sevilla xalayto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa shaaca ka qaaday ineysan wax cabsi ah ka qabin kooxda Barcelona oo ay dhamaadka bishaan ku kulmi doonaan Bernabeu xili ay Los Blancos guuldaro ka heshay Sevilla xalayto.

Noloshii guuldaro la’aanta kooxda Real Madrid ayaa xalay lasoo afjaray markii 3-2 lagu suldaaray ciyaar ay marti ku ahaayeen magaalada Seville.

Si kastaba James ayaa dhaawac kasoo toosay balse guuldaro ayaa lagu soo dhaweeyay, inkastoo uu dhaliyay gool waxba u qaban waayay kooxdiisa waqtigii dhimashada.

James
"Waa Barcelona, wax cabsi ah nama heyso, waxaa nahay Real Madrid, wuxuu noqon doonaa kulan xiiso badan” ayuu yiri James.

Sidoo kale James Rodriguez ayaa qiray inuu ka xun yahay inuu guul ku caawin waayay kooxdiisa madama uu 60 maalmood ciyaarin.

Dhanka kale James Rodriguez waxaa looga yeeray xulka Colombia ee isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 la ciyaari doona xulalka Chile iyo Argentina.

Inkastoo Real Madrid iyo Colombia ay isugu dhaceen James dartiis hadana xidigaan heerka caalami ayaa xaqiijiyay inuu ciyaari doono kulamada xulkiisa qaran ka hor kulanka El-Clasico.

Ugu dambeyntii Real Madrid ayaa cabsi xoogan ka muujineysa go’aanka xidigeeda madama ay macquul tahay iney waxyeelo kasoo gaarto kulamadaas.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip