
Ma Bundesliga Mise EPL-ka? Pep Guardiola Oo Ka Hor Ciid Gaaleedka Go'aan Ka Gaari Doona Mustaqbalkiisa
Rummenigge ayaa aaminsan in ka hor ciid gaaleedka la maqli doono war lama filaan ah ama aan lama filaan aheen madama uu go’aan qaadan doono macalinkii hore Barcelona ikastoo warar hordhac ah sheegayeen isbuucii hore inuu heshisi hordhac ah u saxiixay kooxdiisa Bavarians-ka.
Si kastaba macalinkaan ayaa dhamaadkii bishii October ee aynu kasoo gudbnay carabka ku dhuftay in hadii uu tagayo Ingiriiska uu ka dagi doono magaalada London taasoo meesha ka saareysa hamiga kooxaha Manchester.
Arinka la filan karo ayaa ah inuu macalinkaan badal u noqdo Jose Mourinho oo shaqadiisa ay halis ku jirto madama uusan wax fiican sameyn xagaagan.
Ugu dambeyntii kooxda ka dhisan Allianz Arena ayaa ku nooleenaya guulo xiriir ah oo ay ka gaartay Arsenal iyo Stuttgart Afarmaalmood gudahodo iyagoo dhaliyay 9-gool.


0 



Ma Bundesliga Mise EPL-ka? Pep Guardiola Oo Ka Hor Ciid Gaaleedka Go'aan Ka Gaari Doona Mustaqbalkiisa
Sida uu ka dhawaajiyay gudoomiyaha kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge, macalin Pep Guardiola ayaa go'aan ka gaari doona mustaqbalkiisa ka hor ciid gaaleedka.