Musiibada Dhaawaca Real Madrid Oo Sii Socota Iyadoo Ramos Uu Xalay Mar Kale Garabka Ka Dhaawacmay, Miyuu Ciyaari Karaa El-Clasico?

0
Monday November 09, 2015 - 11:48:45 in Sports News by
  • Visits: 1360
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musiibada Dhaawaca Real Madrid Oo Sii Socota Iyadoo Ramos Uu Xalay Mar Kale Garabka Ka Dhaawacmay, Miyuu Ciyaari Karaa El-Clasico?

    Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa mar kale dhaawac dhanka garabka ah uu soo gaaray kadib markii uu si xun dhulka ugu dhacay xili uu dhalinayay goolka Madrid hogaanka u dhibay kulankii ay xalay guuldarada kala kulmeen Sevilla.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa mar kale dhaawac dhanka garabka ah uu soo gaaray kadib markii uu si xun dhulka ugu dhacay xili uu dhalinayay goolka Madrid hogaanka u dhibay kulankii ay xalay guuldarada kala kulmeen Sevilla.

Ramos ayaa gool cajiib ah ka dhaliyay kooxdisii hore Sevilla, balse awood uma sii yeelan inuu sii ciyaaro madama uu dhulka si lama filaan ah ugu soo dhacay dhaawacii laba bilood ka gaaray garabka ayaana kusoo rogaal celiyay.

RAMOS Injury

"Garabka ma fiicna, markii aan dhalinayay goolka ayaan dhulka ugu dhacay anigoo hormarsaday gacanta” Ayuu yiri Ramos kadib ciyaarta.

"Haatan waxaan ku fakarayaa inaan soo kabto, talaadada [Maanta] ayaa tijaabo la I saari doonaa, balse masii wadan karin ciyaarta”

"Arinta ugu muhiimsan waa inaan soo kabto, wey adkaaneysaa inaan xulka Spain ku biiro” Ayuu yiri Ramos oo shaki galinaya inuu ciyaari karo kulamada saaxiibtinimo ee England iyo Belgium.

Sida la filayo Sergio Ramos taam ayuu u noqon doonaa kulanak El-Clasico ee 21-ka bishaan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.

Ugu dambeyntiina Sergio Ramos ayaa ka xumaaday guuldarada kooxdiisa soo gaartay, balse wuxuu aaminsan yahay in horyaalka uusan fari ka qodneen.

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip