Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

0
Monday February 22, 2021 - 21:59:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

    Ilhaan Cumar oo ka tirsan Gudida Arrimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan. Xildhibaanda ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Gudida Arrimaha dibada ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan. Xildhibaanda ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya, waxaana ay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada Xukuumadda Itoobiya ayey fartay maxaabiista ula dhaqantao si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo. "Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo" ayay ku tiri warbixin xafiiskeeda la soo baxday. Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip