Ra'iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirada Qatar iyo Turkiga

0
Wednesday January 13, 2021 - 22:40:26 in Wararka by
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirada Qatar iyo Turkiga

    Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Turkiga iyo Qatar. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Ra'iisul wasaare Roobl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Danjirayaasha Turkiga iyo Qatar. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Facebook ee Xafiiska Ra'iisul wasaare Rooble, ayaa lagu sheegay, in Ra'iisul wasaaruhu qaabilay Safiirka Turkiga Mohmet Yelmez iyo safiirka Qatar Hassan Hamza. Qoraalka waxa sidoo kale lagu xusay, in Ra'iisul wasaare Rooble iyo labada safiir ka wada-hadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya saddexda dal ee Soomaaliya Turkiga iyo Qatar. "Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mudane Mohmet Yelmez iyo Mudane Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya." Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip