JOE BIDEN oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka

0
Saturday November 07, 2020 - 19:57:42 in Wararka by
  • Visits: 629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JOE BIDEN oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka

    Joseph Robinette Biden Jr. oo loo yaqaan Joe Biden ayaa loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka kadib afar maalmood markii shacabka Mareykanka ay u dareereen goobaha cod-bixinta. Guusha Biden ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Joseph Robinette Biden Jr. oo loo yaqaan Joe Biden ayaa loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka kadib afar maalmood markii shacabka Mareykanka ay u dareereen goobaha cod-bixinta. Guusha Biden ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu ku guuleystay gobolka muhiimka ee Pennsylvania iyo gobolka Nevada oo ka mid ahaa gobollo ay tirinta codadkooda qaadatay afar maalmood. Joe Biden ayaa guusha uu ka gaaray Pennsylvania iyo Nevada waxay siisay 279 oo ah codadka Electoral College, isaga oo u baahnaa 270. Waxaan weli harsan gobollo kale oo codadkooda la tirinayo sida Arizona, Georgia iyo North Carolina, taasi oo codadkiisa sii kordhin karta.

JOE BIDEN oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka

 

                Gobolka Pennsylvania waa gobolka uu ku dhashay Biden, inkasta oo uu ka guuray yaraantiisa, oo uu degay gobolka Delaware, hase yeeshee dadka gobolkaas ayaa ka dhigay madaxweyne iyaga oo siiyey codadkii gaarsiiyey 270 cod iyo ka badan.

 

            Joe Biden oo 77 jir ah ayaa siyaasadda Mareykanka ku jiray 45 sano, isaga oo soo noqday Senator, xilkaasi oo uu hayey in ka badan 30 sano, kadibna sanaddii 2008 noqday madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, xilkaasi oo uu hayey 8 sano.

           Kamal Harris ayaa noqoneysa madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka. Waa haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata, sidoo kalena ah qofkii ugu horreeyey ee madow ah ee noqda madaxweyne ku-xigeen.

        Donald Trump ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee xilka difaacan waaya, tan iyo 1992-kii markaasi oo George H.W Bush laga adkaaday 4 sano kadib, ayada oo uu ka guuleystay Bill Clinton.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip